Xarfaha hore oo kale waan soo Sheegnay Fasirkooda, Kuwaasna waa Aayaadkii
Kitaabka (Quraanka), Waxaa lagaaga soo Dejiyay xagga Eebahaa waana Xaq Dadka
Badankiise ma Rumaynin.
wuxuuna leeyahay (Ruux kasta) kuwo ku isbedela (Malaa'ig) oo hortiisa iyo
Gadaashiisa ah kuna dhawra amarka Eebe, Ilaahayna ma dooriyo wax dad ku
suganyahay intay ka dooriyaan waxa naftooda ku sugan, markuu Eebe la doono Dad
dhibna wax ka celin ma jiro, mana laha Eebe ka sokow Gargaare.
kuwa Eebahood ajiibay (Maqlay) waxaa u sugnaaday wanaag (janno) kuwaan ajiibin
(maqlinna) hadduu u sugnaado wax dhulka ku sugan dhammaan oo wax la mida la jiro
way isku furan lahaayeen kuwaasna waxaa u sugnaaday xisaab xun (daran)
Hooygooduna waa Jahannamo iyadaana u xun gogol.
ee ah kuwa u samray doonid wajiga Eebahood dartiis, oogayna Salaadda, kana
bixiyey waxaan ku arzaaqnay qayb qarsoodi iyo muuqaalba, raacsiiyana wanaagga
xumaanta, kuwaas cidhib fiican yaa u sugnaatay.
kuwa buriya Ballanka Eebe adkayntiisa ka dib gooyana wuxuu faray Eebe in la
xidhiidhiyo oo fasaadiyana dhulka kuwaas waxaa u sugnaaday Lacnad iyo Guri xun.
saasaan kuugu dirray Ummad ay tageen Ummado hortood inaad ku akhrido kaan kuu
waxyoonay iyaguna waxay ka gaaloobi Eebaha Raxmaana, waxaad dhahdaa Eebe mooyee
Illah kale ma jiro, isagaana tala saartay xagiisaana u noqon.
cid ku ilaalin naf kastaa waxay kasbatay (Eebe) ma la midbaa midaan saas ahayn,
waxayna u yeeleen Eebe Shurako dheh magacaaba, mise waxaad Eebe uga warramaysaan
waxaan Eebe uga warramaysaan waxaan joogin Dhulka, mise hadal muuqaala, saas ma
aha ee waxaa loo qurxiyey kuwii gaaloobay dhagartooda waxaana laga leexiyey
Jidka, cid Eebe dhumiyeyna ma laha wax hanuunin.
kuwaan siinnay Kitaabka waxay ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, xisbiyada
waxaa ka mida kuwo diidi Qaarkiis, waxaad dhahdaa waxaa uun lay faray inaan
caabudo Eebe una shariig yeelin, xaggiisaan u yeedhi xaggiisaana u noqon.
saasaana kuugu soo dejinnay xukun Carabi ah, haddaad raacdo hawadoodana intuu
cilmi ku soo gaadhay ka dib, kama helaysid xagga Eebe gargaare iyo dhawre.