Prev  

43. Surah Az-Zukhruf سورة الزخرف

  Next  




1st Ayah  1  الأية ١الأولي
بِسْم ِ اللهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
حم
Ha-meem

Somali
 
Mucjisada Quraankay ku tusin.

Ayah  43:2  الأية
وَالْكِتَابِ الْمُبِينِ
Walkitabi almubeen

Somali
 
Waxaan ku dhaartay Kitaabka (Quraanka) cade (muuqda) ee.

Ayah  43:3  الأية
إِنَّا جَعَلْنَاهُ قُرْآنًا عَرَبِيًّا لَّعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ
Inna jaAAalnahu qur-ananAAarabiyyan laAAallakum taAAqiloona

Somali
 
annagaa ka yeelley Quraan Carabi ku soo dagay, inaad kastaan darteed.

Ayah  43:4  الأية
وَإِنَّهُ فِي أُمِّ الْكِتَابِ لَدَيْنَا لَعَلِيٌّ حَكِيمٌ
Wa-innahu fee ommi alkitabi ladaynalaAAaliyyun hakeem

Somali
 
Wuxuuna ku suganyahay Kitaabka asalkiisa (Looxul maxfuudka) agtiisa, waana sarreeyaa Quraanku falna sanyahay.

Ayah  43:5  الأية
أَفَنَضْرِبُ عَنكُمُ الذِّكْرَ صَفْحًا أَن كُنتُمْ قَوْمًا مُّسْرِفِينَ
Afanadribu AAankumu aththikrasafhan an kuntum qawman musrifeen

Somali
 
Ma waxaan Quraanka idiinka haysanaynaa (daysanayna) inaad tihiin qoom ku xadgudbay xumaanta.

Ayah  43:6  الأية
وَكَمْ أَرْسَلْنَا مِن نَّبِيٍّ فِي الْأَوَّلِينَ
Wakam arsalna min nabiyyin feeal-awwaleen

Somali
 
Badanaa intaan udiray Nabi kuwii hore.

Ayah  43:7  الأية
وَمَا يَأْتِيهِم مِّن نَّبِيٍّ إِلَّا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ
Wama ya/teehim min nabiyyin illakanoo bihi yastahzi-oon

Somali
 
Nabi uma yimaado Gaaladii hadii kale way ku jees jeesi jireen.

Ayah  43:8  الأية
فَأَهْلَكْنَا أَشَدَّ مِنْهُم بَطْشًا وَمَضَىٰ مَثَلُ الْأَوَّلِينَ
Faahlakna ashadda minhum batshanwamada mathalu al-awwaleen

Somali
 
Waxaana halaagnay kuwo ka xoogbadan qabasho waxaana tagay (hor maray) tusaalihii kuwii horreeyey (ee halaaga ahaa).

Ayah  43:9  الأية
وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ لَيَقُولُنَّ خَلَقَهُنَّ الْعَزِيزُ الْعَلِيمُ
Wala-in saaltahum man khalaqa assamawatiwal-arda layaqoolunna khalaqahunna alAAazeezualAAaleem

Somali
 
Haddaad warsato Gaalada yaa abuuray Samooyinka iyo dhulka waxay odhan waxaa abuuray Eebaha adkaada ee wax walba og.

Ayah  43:10  الأية
الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ مَهْدًا وَجَعَلَ لَكُمْ فِيهَا سُبُلًا لَّعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ
Allathee jaAAala lakumu al-ardamahdan wajaAAala lakum feeha subulan laAAallakum tahtadoon

Somali
 
Waana Eebaha idiin kayeeley dhulka gogol idiinkana yeeleydhexdiisa Wadooyin si aad ugu hanuuntaan (toostaan).

Ayah  43:11  الأية
وَالَّذِي نَزَّلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً بِقَدَرٍ فَأَنشَرْنَا بِهِ بَلْدَةً مَّيْتًا ۚ كَذَٰلِكَ تُخْرَجُونَ
Wallathee nazzala mina assama-imaan biqadarin faansharna bihi baldatan maytan kathalikatukhrajoon

Somali
 
Waana Eebaha ka soo dajiyey Samada Biyo qadaran oon ku noolayno Magaalo dhimatay, saasaana leydiin soobixin.

Ayah  43:12  الأية
وَالَّذِي خَلَقَ الْأَزْوَاجَ كُلَّهَا وَجَعَلَ لَكُم مِّنَ الْفُلْكِ وَالْأَنْعَامِ مَا تَرْكَبُونَ
Wallathee khalaqa al-azwajakullaha wajaAAala lakum mina alfulki wal-anAAamima tarkaboon

Somali
 
Waana Eebaha abuuray noocyada dhamaantood idiinkana yeeley Maraakiibta iyo Xoolaha waxaad kortaan.

Ayah  43:13  الأية
لِتَسْتَوُوا عَلَىٰ ظُهُورِهِ ثُمَّ تَذْكُرُوا نِعْمَةَ رَبِّكُمْ إِذَا اسْتَوَيْتُمْ عَلَيْهِ وَتَقُولُوا سُبْحَانَ الَّذِي سَخَّرَ لَنَا هَٰذَا وَمَا كُنَّا لَهُ مُقْرِنِينَ
Litastawoo AAala thuhoorihithumma tathkuroo niAAmata rabbikum itha istawaytumAAalayhi wataqooloo subhana allathee sakhkhara lanahatha wama kunna lahu muqrineen

Somali
 
Inaad ku ekaataan dhabarkeeda markaas aad xusuusataan Nicmada Eebihiin markaad ku ekaataan ood dhahdaan waxaa nasahan Eebaha noosahley tan mana nihin kuwo kara leyligeeda.

Ayah  43:14  الأية
وَإِنَّا إِلَىٰ رَبِّنَا لَمُنقَلِبُونَ
Wa-inna ila rabbinalamunqaliboon

Somali
 
Anaguna xagga Eebahanno yaannu u gadoomeynaa.

Ayah  43:15  الأية
وَجَعَلُوا لَهُ مِنْ عِبَادِهِ جُزْءًا ۚ إِنَّ الْإِنسَانَ لَكَفُورٌ مُّبِينٌ
WajaAAaloo lahu min AAibadihi juz-aninna al-insana lakafoorun mubeen

Somali
 
Waxay uga yeeleen Eebe addoomadiisa qayb, Dadkuna waa gaaloow badane cad.

Ayah  43:16  الأية
أَمِ اتَّخَذَ مِمَّا يَخْلُقُ بَنَاتٍ وَأَصْفَاكُم بِالْبَنِينَ
Ami ittakhatha mimma yakhluqubanatin waasfakum bilbaneen

Somali
 
Miyuu ka yeeshay Eebe wuxuu abuuray qarkood Gabdho, oo idiin doorey Wiilal.

Ayah  43:17  الأية
وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُم بِمَا ضَرَبَ لِلرَّحْمَٰنِ مَثَلًا ظَلَّ وَجْهُهُ مُسْوَدًّا وَهُوَ كَظِيمٌ
Wa-itha bushshira ahaduhum bimadaraba lirrahmani mathalan thallawajhuhu muswaddan wahuwa katheem

Somali
 
Marka loogu bishaareeyo midkood wuxuu Eebaha Raxmaana uga yeeley tusaale, wuxuu noqdaa wajigiisu mid madow oo walbahaarsan.

Ayah  43:18  الأية
أَوَمَن يُنَشَّأُ فِي الْحِلْيَةِ وَهُوَ فِي الْخِصَامِ غَيْرُ مُبِينٍ
Awaman yunashshao fee alhilyatiwahuwa fee alkhisami ghayru mubeen

Somali
 
Ma Eebey u yeeleen wax ku barbaara isqurxin, oon doodna caddayn karin.

Ayah  43:19  الأية
وَجَعَلُوا الْمَلَائِكَةَ الَّذِينَ هُمْ عِبَادُ الرَّحْمَٰنِ إِنَاثًا ۚ أَشَهِدُوا خَلْقَهُمْ ۚ سَتُكْتَبُ شَهَادَتُهُمْ وَيُسْأَلُونَ
WajaAAaloo almala-ikata allatheenahum AAibadu arrahmani inathanashahidoo khalqahum satuktabu shahadatuhum wayus-aloon

Somali
 
Waxay ka yeeleen Malaa'igta ah addoomada Eebaha Raxmaan ah dhadig, miyey joogeen abuurkoodii, waan qoreynaa maragooda waana la warsan (waxaas).

Ayah  43:20  الأية
وَقَالُوا لَوْ شَاءَ الرَّحْمَٰنُ مَا عَبَدْنَاهُم ۗ مَّا لَهُم بِذَٰلِكَ مِنْ عِلْمٍ ۖ إِنْ هُمْ إِلَّا يَخْرُصُونَ
Waqaloo law shaa arrahmanuma AAabadnahum ma lahum bithalika minAAilmin in hum illa yakhrusoon

Somali
 
Waxay dhaheen hadduu doono Eebaha Raxmaan ah maanaan caabudneen waxkale ugumana sugnaanin wax cilmi ah arrintaas, waxaan beensheegayaal ahayna ma aha.

Ayah  43:21  الأية
أَمْ آتَيْنَاهُمْ كِتَابًا مِّن قَبْلِهِ فَهُم بِهِ مُسْتَمْسِكُونَ
Am ataynahum kitabanmin qablihi fahum bihi mustamsikoon

Somali
 
Mise waxaan siinay Kitaab ka horreyey (quraanka) oy haystaan isagaas.

Ayah  43:22  الأية
بَلْ قَالُوا إِنَّا وَجَدْنَا آبَاءَنَا عَلَىٰ أُمَّةٍ وَإِنَّا عَلَىٰ آثَارِهِم مُّهْتَدُونَ
Bal qaloo inna wajadna abaanaAAala ommatin wa-inna AAala atharihimmuhtadoon

Somali
 
Waxaybase dhaheen waxaan bellay Abbayowganoo jid ku socda anaguna iyaga raadkoodii yaan ku hanuunsanahay.

Ayah  43:23  الأية
وَكَذَٰلِكَ مَا أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ فِي قَرْيَةٍ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتْرَفُوهَا إِنَّا وَجَدْنَا آبَاءَنَا عَلَىٰ أُمَّةٍ وَإِنَّا عَلَىٰ آثَارِهِم مُّقْتَدُونَ
Wakathalika ma arsalnamin qablika fee qaryatin min natheerin illa qalamutrafooha inna wajadna abaanaAAala ommatin wa-inna AAala atharihimmuqtadoon

Somali
 
Waa saasoo kale umaanaandirin Magaalo hortaa u dige haddii kale waxa dhihi Jireen kuwa raaxaystay anagu waxaan hellay Aabayoowganoo jid ku sugan anaguna raadkooda yaan ku dayanaynaa.

Ayah  43:24  الأية
قَالَ أَوَلَوْ جِئْتُكُم بِأَهْدَىٰ مِمَّا وَجَدتُّمْ عَلَيْهِ آبَاءَكُمْ ۖ قَالُوا إِنَّا بِمَا أُرْسِلْتُم بِهِ كَافِرُونَ
Qala awa law ji/tukum bi-ahdamimma wajadtum AAalayhi abaakum qalooinna bima orsiltum bihi kafiroon

Somali
 
Waxaad dhahdaa (ma waxaad raaxaysaan waxaas) haddaan idiinla imaado wax ka hanuunsan waxaad ka hesheen Aabayaalkiin (oo ku sugan) waxay dhihi annagu waxa laydiin ku soo diray waannu ka Gaalownay.

Ayah  43:25  الأية
فَانتَقَمْنَا مِنْهُمْ ۖ فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُكَذِّبِينَ
Fantaqamna minhum fanthurkayfa kana AAaqibatu almukaththibeen

Somali
 
Markaasaan ka aarsanay, bal day siday noqotay cidhibtii beeniyayaasha (xaqa).

Ayah  43:26  الأية
وَإِذْ قَالَ إِبْرَاهِيمُ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِ إِنَّنِي بَرَاءٌ مِّمَّا تَعْبُدُونَ
Wa-ith qala ibraheemuli-abeehi waqawmihi innanee baraon mimma taAAbudoon

Somali
 
Xusa Markuu ku yidhi (nabi) Ibraahim Aabihiis iyo Qoomkiisii anigu waxaan bari ka ahay waxaad caabudaysaan.

Ayah  43:27  الأية
إِلَّا الَّذِي فَطَرَنِي فَإِنَّهُ سَيَهْدِينِ
Illa allathee fataraneefa-innahu sayahdeen

Somali
 
Waxaanse caabudi Eebaha I abuuray isagaana i hanuunin.

Ayah  43:28  الأية
وَجَعَلَهَا كَلِمَةً بَاقِيَةً فِي عَقِبِهِ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ
WajaAAalaha kalimatan baqiyatanfee AAaqibihi laAAallahum yarjiAAoon

Somali
 
Wuxuuna kayeelay Kalimada (tawxiidka) tii ku baaqi ah Faraca Ibraahiim si ay xaqa ugu noqdaan.

Ayah  43:29  الأية
بَلْ مَتَّعْتُ هَٰؤُلَاءِ وَآبَاءَهُمْ حَتَّىٰ جَاءَهُمُ الْحَقُّ وَرَسُولٌ مُّبِينٌ
Bal mattaAAtu haola-i waabaahumhatta jaahumu alhaqqu warasoolunmubeen

Somali
 
Saas ma aha ee waan u raaxeeyey kuwaas iyo Aabbayaalkood intuu uga yimaado xaqu iyo Rasuul cad (oo muuqda).

Ayah  43:30  الأية
وَلَمَّا جَاءَهُمُ الْحَقُّ قَالُوا هَٰذَا سِحْرٌ وَإِنَّا بِهِ كَافِرُونَ
Walamma jaahumu alhaqquqaloo hatha sihrun wa-inna bihi kafiroon

Somali
 
Markuu u yimid xaqii waxay dhaheen kan waa sixir annaguna waannu ka Gaalownay.

Ayah  43:31  الأية
وَقَالُوا لَوْلَا نُزِّلَ هَٰذَا الْقُرْآنُ عَلَىٰ رَجُلٍ مِّنَ الْقَرْيَتَيْنِ عَظِيمٍ
Waqaloo lawla nuzzila hathaalqur-anu AAala rajulin mina alqaryatayni AAatheem

Somali
 
Waxay dhaheen gaaladii maxaa loogu dajin waayey Quraankan mid ka mid ah labada Magaalo ee weyn.

Ayah  43:32  الأية
أَهُمْ يَقْسِمُونَ رَحْمَتَ رَبِّكَ ۚ نَحْنُ قَسَمْنَا بَيْنَهُم مَّعِيشَتَهُمْ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۚ وَرَفَعْنَا بَعْضَهُمْ فَوْقَ بَعْضٍ دَرَجَاتٍ لِّيَتَّخِذَ بَعْضُهُم بَعْضًا سُخْرِيًّا ۗ وَرَحْمَتُ رَبِّكَ خَيْرٌ مِّمَّا يَجْمَعُونَ
Ahum yaqsimoona rahmata rabbika nahnuqasamna baynahum maAAeeshatahum fee alhayatiaddunya warafaAAna baAAdahum fawqabaAAdin darajatin liyattakhitha baAAduhumbaAAdan sukhriyyan warahmatu rabbika khayrun mimmayajmaAAoon

Somali
 
Miyagaa qaybin Naxariista Eebahaa anagaa u qaybina dhexdeeda rizqigooda nolosha adduunyo waana ka kor yeelay qaarkood qaarka kale darajooyin, si leysugu shaqeeyo, Naxariista Eebahaa yaa ka khayrbadan waxay kulmin.

Ayah  43:33  الأية
وَلَوْلَا أَن يَكُونَ النَّاسُ أُمَّةً وَاحِدَةً لَّجَعَلْنَا لِمَن يَكْفُرُ بِالرَّحْمَٰنِ لِبُيُوتِهِمْ سُقُفًا مِّن فِضَّةٍ وَمَعَارِجَ عَلَيْهَا يَظْهَرُونَ
Walawla an yakoona annasuommatan wahidatan lajaAAalna liman yakfuru birrahmanilibuyootihim suqufan min fiddatin wamaAAarijaAAalayha yathharoon

Somali
 
Hadduusan Dadku noqoneyn umad kaliya (Gaalimada) waxaan uga yeelilahayn kuwa ka Gaalooba Eebe guryahooda Saanqaag Fidlo ah iyo Sallaano Fidla ah, oy ku koraan.

Ayah  43:34  الأية
وَلِبُيُوتِهِمْ أَبْوَابًا وَسُرُرًا عَلَيْهَا يَتَّكِئُونَ
Walibuyootihim abwaban wasururanAAalayha yattaki-oon

Somali
 
Guryhoodana waxaan uga yeeli lahayn Albaabyo iyo Sariiro ay ku dangiigsadaan oo fidla ah.

Ayah  43:35  الأية
وَزُخْرُفًا ۚ وَإِن كُلُّ ذَٰلِكَ لَمَّا مَتَاعُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۚ وَالْآخِرَةُ عِندَ رَبِّكَ لِلْمُتَّقِينَ
Wazukhrufan wa-in kullu thalika lammamataAAu alhayati addunya wal-akhiratuAAinda rabbika lilmuttaqeen

Somali
 
Iyo Dahab, waxaas dhamaantiisana waxaan raaxada nolasha dhaw ahayn ma aha, aakhiraase u ah Eebe agtiisa kuwa dhawrsada.

Ayah  43:36  الأية
وَمَن يَعْشُ عَن ذِكْرِ الرَّحْمَٰنِ نُقَيِّضْ لَهُ شَيْطَانًا فَهُوَ لَهُ قَرِينٌ
Waman yaAAshu AAan thikri arrahmaninuqayyid lahu shaytanan fahuwa lahu qareen

Somali
 
Ruuxii ka jeedsada «aragheela» xuska Eebahaa Raxmaan ah (Quraanka) waxaannu la xidhiidhinaa shaydaan oo saaxiib u noqon.

Ayah  43:37  الأية
وَإِنَّهُمْ لَيَصُدُّونَهُمْ عَنِ السَّبِيلِ وَيَحْسَبُونَ أَنَّهُم مُّهْتَدُونَ
Wa-innahum layasuddoonahum AAani assabeeliwayahsaboona annahum muhtadoon

Somali
 
Shayaadiintuna waxay ka leexin Jidka (xaqa) waxayna isu maleyn inay hanuunsanyihiin (toosan yihiin).

Ayah  43:38  الأية
حَتَّىٰ إِذَا جَاءَنَا قَالَ يَا لَيْتَ بَيْنِي وَبَيْنَكَ بُعْدَ الْمَشْرِقَيْنِ فَبِئْسَ الْقَرِينُ
Hatta itha jaanaqala ya layta baynee wabaynaka buAAda almashriqaynifabi/sa alqareen

Somali
 
Markuu nooyimaaddo (Gaalku Qiyaamada) waxuu ku dhahaa (Shaydaanku) shaleytee mey dhexdeenna ahaato «wax la mid ah» fogaanshaha qorrax ka soobax iyo u dhaca, adaana u xun Saaxiib.

Ayah  43:39  الأية
وَلَن يَنفَعَكُمُ الْيَوْمَ إِذ ظَّلَمْتُمْ أَنَّكُمْ فِي الْعَذَابِ مُشْتَرِكُونَ
Walan yanfaAAakumu alyawma ith thalamtumannakum fee alAAathabi mushtarikoon

Somali
 
Wax idiinma tarayso Maanta haddaad dulmi fasheen inaad cadaab wadaagtaan (ku kulantaan).

Ayah  43:40  الأية
أَفَأَنتَ تُسْمِعُ الصُّمَّ أَوْ تَهْدِي الْعُمْيَ وَمَن كَانَ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ
Afaanta tusmiAAu assumma awtahdee alAAumya waman kana fee dalalinmubeen

Somali
 
Ma adaa wax maqashiin kara wax ma maqle, ma adaase hanuunin Kara (toosin kara) wax ma arke iyo cid ku sugan baadi cad.

Ayah  43:41  الأية
فَإِمَّا نَذْهَبَنَّ بِكَ فَإِنَّا مِنْهُم مُّنتَقِمُونَ
Fa-imma nathhabanna bikafa-inna minhum muntaqimoon

Somali
 
Haddaan kulatagno adiga ku (oofsano) anaga uunbaa ka aarsan Gaalada.

Ayah  43:42  الأية
أَوْ نُرِيَنَّكَ الَّذِي وَعَدْنَاهُمْ فَإِنَّا عَلَيْهِم مُّقْتَدِرُونَ
Aw nuriyannaka allathee waAAadnahumfa-inna AAalayhim muqtadiroon

Somali
 
Haddaan ku tusino waxaan u yaboohnayoo cadaab ah, waanu karraa korkooda.

Ayah  43:43  الأية
فَاسْتَمْسِكْ بِالَّذِي أُوحِيَ إِلَيْكَ ۖ إِنَّكَ عَلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ
Fastamsik billatheeoohiya ilayka innaka AAala siratinmustaqeem

Somali
 
Ee qabso waxa laguu waxyooday Nabiyow waxaad ku sugantahay Jid toosan.

Ayah  43:44  الأية
وَإِنَّهُ لَذِكْرٌ لَّكَ وَلِقَوْمِكَ ۖ وَسَوْفَ تُسْأَلُونَ
Wa-innahu lathikrun laka waliqawmikawasawfa tus-aloon

Somali
 
Quraankuna sharaf buu u yahay adiga iyo qoomkaagaba, waana leydin warsan doonaa.

Ayah  43:45  الأية
وَاسْأَلْ مَنْ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ مِن رُّسُلِنَا أَجَعَلْنَا مِن دُونِ الرَّحْمَٰنِ آلِهَةً يُعْبَدُونَ
Was-al man arsalna minqablika min rusulina ajaAAalna min dooni arrahmanialihatan yuAAbadoon

Somali
 
Warso kuwaan dirray ee kaa horeeyey oo Rasuuladanada ka mid ahaa inaan yeellay Eebaha Raxmaana Kasoboow Ilaahyaal la caabudo.

Ayah  43:46  الأية
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ بِآيَاتِنَا إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَمَلَئِهِ فَقَالَ إِنِّي رَسُولُ رَبِّ الْعَالَمِينَ
Walaqad arsalna moosa bi-ayatinaila firAAawna wamala-ihi faqala innee rasoolu rabbialAAalameen

Somali
 
Dhab ahaan yaan ugu dirray Nabi Muuse isagoo wata aayaadkanaga xaga Fircoon iyo Jamaacadiisa, wuxuu yidhi anigu waxaan ahay Rasuulkii Eebaha Caalamka.

Ayah  43:47  الأية
فَلَمَّا جَاءَهُم بِآيَاتِنَا إِذَا هُم مِّنْهَا يَضْحَكُونَ
Falamma jaahum bi-ayatinaitha hum minha yadhakoon

Somali
 
Markuu ulayimid aayadkanaga waxay noqdeen kuwo ku qosla.

Ayah  43:48  الأية
وَمَا نُرِيهِم مِّنْ آيَةٍ إِلَّا هِيَ أَكْبَرُ مِنْ أُخْتِهَا ۖ وَأَخَذْنَاهُم بِالْعَذَابِ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ
Wama nureehim min ayatin illahiya akbaru min okhtiha waakhathnahum bilAAathabilaAAallahum yarjiAAoon

Somali
 
Ma tusino aayad haddii kale wey ka weyntahay walaasheed (tan kale) waxaana ku qabanay cadaab inay noqdaan darteed.

Ayah  43:49  الأية
وَقَالُوا يَا أَيُّهَ السَّاحِرُ ادْعُ لَنَا رَبَّكَ بِمَا عَهِدَ عِندَكَ إِنَّنَا لَمُهْتَدُونَ
Waqaloo ya ayyuha asahiruodAAu lana rabbaka bima AAahida AAindaka innanalamuhtadoon

Somali
 
Waxay dhaheen kan Saaxirka (Caalimka) ahaw (Muuse) noo bari Eebahaa wuxuu kugula ballantamay wanagu waan hanuuneynaaye.

Ayah  43:50  الأية
فَلَمَّا كَشَفْنَا عَنْهُمُ الْعَذَابَ إِذَا هُمْ يَنكُثُونَ
Falamma kashafna AAanhumualAAathaba itha hum yankuthoon

Somali
 
Markaan ka faydnay xaggooda cadaabkii waxay soo bexeen kuwo buriya (ballankii).

Ayah  43:51  الأية
وَنَادَىٰ فِرْعَوْنُ فِي قَوْمِهِ قَالَ يَا قَوْمِ أَلَيْسَ لِي مُلْكُ مِصْرَ وَهَٰذِهِ الْأَنْهَارُ تَجْرِي مِن تَحْتِي ۖ أَفَلَا تُبْصِرُونَ
Wanada firAAawnu fee qawmihi qalaya qawmi alaysa lee mulku misra wahathihial-anharu tajree min tahtee afala tubsiroon

Somali
 
Wuu u dhawaaqay Fircoon Qoomkiisii wuxuu yidhi miyuusan ii sugnaan xukunka Masar, iyo Wabiyadan socota hoostayda, miyeydaan wax arkaynin.

Ayah  43:52  الأية
أَمْ أَنَا خَيْرٌ مِّنْ هَٰذَا الَّذِي هُوَ مَهِينٌ وَلَا يَكَادُ يُبِينُ
Am ana khayrun min hatha allatheehuwa maheenun wala yakadu yubeen

Somali
 
Saw anagu kama khayroonin kan dulleysan een karayn waxcaddayn (Nabi Muuse).

Ayah  43:53  الأية
فَلَوْلَا أُلْقِيَ عَلَيْهِ أَسْوِرَةٌ مِّن ذَهَبٍ أَوْ جَاءَ مَعَهُ الْمَلَائِكَةُ مُقْتَرِنِينَ
Falawla olqiya AAalayhi aswiratun minthahabin aw jaa maAAahu almala-ikatumuqtarineen

Somali
 
Maxaa loogu soo tuuriwaayey Jijimooyin Dahab ah, ama maxay ula imaan wayday Malaa'ig israac raacsan.

Ayah  43:54  الأية
فَاسْتَخَفَّ قَوْمَهُ فَأَطَاعُوهُ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ
Fastakhaffa qawmahu faataAAoohuinnahum kanoo qawman fasiqeen

Somali
 
Wuxuu fudaysaday (Fircoon) qoomkiisii wayna adeeceen waxayna ahaayeen Qoom faasiqiin ah.

Ayah  43:55  الأية
فَلَمَّا آسَفُونَا انتَقَمْنَا مِنْهُمْ فَأَغْرَقْنَاهُمْ أَجْمَعِينَ
Falamma asafoonaintaqamna minhum faaghraqnahum ajmaAAeen

Somali
 
Markey nacadha galiyeenna waan ka aarsanay xaggooda, waana maanshaynay dhamaan.

Ayah  43:56  الأية
فَجَعَلْنَاهُمْ سَلَفًا وَمَثَلًا لِّلْآخِرِينَ
FajaAAalnahum salafan wamathalan lil-akhireen

Somali
 
Waxaan ka yeeley waano iyo tusaaale Dadka dambe.

Ayah  43:57  الأية
وَلَمَّا ضُرِبَ ابْنُ مَرْيَمَ مَثَلًا إِذَا قَوْمُكَ مِنْهُ يَصِدُّونَ
Walamma duriba ibnu maryamamathalan itha qawmuka minhu yasiddoon

Somali
 
Markaan uga yeellay ina maryama (Ciise) tusaale, markaasay qoomkaagu Nabiyow ka jeedsadaan.

Ayah  43:58  الأية
وَقَالُوا أَآلِهَتُنَا خَيْرٌ أَمْ هُوَ ۚ مَا ضَرَبُوهُ لَكَ إِلَّا جَدَلًا ۚ بَلْ هُمْ قَوْمٌ خَصِمُونَ
Waqaloo aalihatunakhayrun am huwa ma daraboohu laka illajadalan bal hum qawmun khasimoon

Somali
 
Waxayna dheheen ma Ilaahyadanaa khayr roon mise isaga, mayna kuugu qadarin tusaale muran mooyee, waana qoom dood badan.

Ayah  43:59  الأية
إِنْ هُوَ إِلَّا عَبْدٌ أَنْعَمْنَا عَلَيْهِ وَجَعَلْنَاهُ مَثَلًا لِّبَنِي إِسْرَائِيلَ
In huwa illa AAabdun anAAamnaAAalayhi wajaAAalnahu mathalan libanee isra-eel

Somali
 
Wax kale ma aha Ciise ee waa uun addoon aan u Nicmaynay ugana yeellay tusaale ree Bani Israa'iil.

Ayah  43:60  الأية
وَلَوْ نَشَاءُ لَجَعَلْنَا مِنكُم مَّلَائِكَةً فِي الْأَرْضِ يَخْلُفُونَ
Walaw nashao lajaAAalna minkummala-ikatan fee al-ardi yakhlufoon

Somali
 
Haddaan doono waxaan idiinka yeelilahayn Malaa'ig badalkiina Dhulka u hadha.

Ayah  43:61  الأية
وَإِنَّهُ لَعِلْمٌ لِّلسَّاعَةِ فَلَا تَمْتَرُنَّ بِهَا وَاتَّبِعُونِ ۚ هَٰذَا صِرَاطٌ مُّسْتَقِيمٌ
Wa-innahu laAAilmun lissaAAatifala tamtarunna biha wattabiAAooni hathasiratun mustaqeem

Somali
 
Nabi Ciisana waa calaamadda Saacadda (Qiyaame) ee ha shakiyina, ina raaca kaasaa ah jidka toosane.

Ayah  43:62  الأية
وَلَا يَصُدَّنَّكُمُ الشَّيْطَانُ ۖ إِنَّهُ لَكُمْ عَدُوٌّ مُّبِينٌ
Wala yasuddannakumu ashshaytanuinnahu lakum AAaduwwun mubeen

Somali
 
Yuuna idinka leexinin Shaydaan (Jidka) wuxuu idiin yahay Col cade.

Ayah  43:63  الأية
وَلَمَّا جَاءَ عِيسَىٰ بِالْبَيِّنَاتِ قَالَ قَدْ جِئْتُكُم بِالْحِكْمَةِ وَلِأُبَيِّنَ لَكُم بَعْضَ الَّذِي تَخْتَلِفُونَ فِيهِ ۖ فَاتَّقُوا اللهَ وَأَطِيعُونِ
Walamma jaa AAeesa bilbayyinatiqala qad ji/tukum bilhikmati wali-obayyinalakum baAAda allathee takhtalifoona feehi fattaqooAllaha waateeAAoon

Somali
 
Markuu ulayimid Ciise xujooyin wuxuu ku yidhi waxaan idiin la imid xikmad iyo inaan idiin cadeeyo waxaad isku diidantihiin qaarkiis ee ka dhawrsada Eebe ina adeeca.

Ayah  43:64  الأية
إِنَّ اللهَ هُوَ رَبِّي وَرَبُّكُمْ فَاعْبُدُوهُ ۚ هَٰذَا صِرَاطٌ مُّسْتَقِيمٌ
Inna Allaha huwa rabbee warabbukum faAAbudoohuhatha siratun mustaqeem

Somali
 
Eebe isagaa ah Eebahay iyo Eebihiinba ee caabuda taasaa ah jidka toosane.

Ayah  43:65  الأية
فَاخْتَلَفَ الْأَحْزَابُ مِن بَيْنِهِمْ ۖ فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ ظَلَمُوا مِنْ عَذَابِ يَوْمٍ أَلِيمٍ
Fakhtalafa al-ahzabumin baynihim fawaylun lillatheena thalamoomin AAathabi yawmin aleem

Somali
 
Wayse is khilaafeen Xisbiyadii dhexdooda halaagna wuxuu u sugnaaday kuwii dulmi falay Cadaab Maalin daran xageed.

Ayah  43:66  الأية
هَلْ يَنظُرُونَ إِلَّا السَّاعَةَ أَن تَأْتِيَهُم بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
Hal yanthuroona illa assaAAataan ta/tiyahum baghtatan wahum la yashAAuroon

Somali
 
Miyey sugi (Gaaladaasi) waxaan saacadda (qiyaame) ahayn inay ugu timaado si kado ah iyagoon ogayn.

Ayah  43:67  الأية
الْأَخِلَّاءُ يَوْمَئِذٍ بَعْضُهُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ إِلَّا الْمُتَّقِينَ
Al-akhillao yawma-ithin baAAduhumlibaAAdin AAaduwwun illa almuttaqeen

Somali
 
Saaxiibadu Maalinta Qiyaame qaarkood qaarka (kale) waa u col kuwa dhawrsaday mooyee (Mu'miniinta).

Ayah  43:68  الأية
يَا عِبَادِ لَا خَوْفٌ عَلَيْكُمُ الْيَوْمَ وَلَا أَنتُمْ تَحْزَنُونَ
Ya AAibadi la khawfunAAalaykumu alyawma wala antum tahzanoon

Somali
 
(Waxaana loo odhon) addoomadaydoow korkiina cabsi ma aha Maanta mana murugoonaysaan.

Ayah  43:69  الأية
الَّذِينَ آمَنُوا بِآيَاتِنَا وَكَانُوا مُسْلِمِينَ
Allatheena amanoo bi-ayatinawakanoo muslimeen

Somali
 
Waana kuwa rumeeyey Aayaadkanaga oo ahaa Muslimiinta.

Ayah  43:70  الأية
ادْخُلُوا الْجَنَّةَ أَنتُمْ وَأَزْوَاجُكُمْ تُحْبَرُونَ
Odkhuloo aljannata antum waazwajukumtuhbaroon

Somali
 
(Waxaana lagu dhihi) gala Janada idinkiyo Haweenkiinna (iyo kuwa idin la midka ah) idinkoo laydiin Nicmeeyey (laydin kana farxin).

Ayah  43:71  الأية
يُطَافُ عَلَيْهِم بِصِحَافٍ مِّن ذَهَبٍ وَأَكْوَابٍ ۖ وَفِيهَا مَا تَشْتَهِيهِ الْأَنفُسُ وَتَلَذُّ الْأَعْيُنُ ۖ وَأَنتُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
Yutafu AAalayhim bisihafinmin thahabin waakwabin wafeeha matashtaheehi al-anfusu watalaththu al-aAAyunu waantum feehakhalidoon

Somali
 
Waxaana lala korsocon Weelal (Saxamo) Dahab ah iyo Koobab, waxayna ka heli (Jannada) dhexdeeda waxay doonto Naftu kuna raaxaystaan Indhuhu idinkoo dhexdeeda ku waari.

Ayah  43:72  الأية
وَتِلْكَ الْجَنَّةُ الَّتِي أُورِثْتُمُوهَا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Watilka aljannatu allatee oorithtumoohabima kuntum taAAmaloon

Somali
 
Taasina waa janadii aad ku dhaxasheen waxaad camalfalayseen.

Ayah  43:73  الأية
لَكُمْ فِيهَا فَاكِهَةٌ كَثِيرَةٌ مِّنْهَا تَأْكُلُونَ
Lakum feeha fakihatunkatheeratun minha ta/kuloon

Somali
 
Waxaadna ku leedihiin dhexdeeda Faakiho badan ood xaggeeda wax ka cuntaan.

Ayah  43:74  الأية
إِنَّ الْمُجْرِمِينَ فِي عَذَابِ جَهَنَّمَ خَالِدُونَ
Inna almujrimeena fee AAathabijahannama khalidoon

Somali
 
Dambiilayaashu waxay gali cadaabka jahanamo iyagoo ku waari.

Ayah  43:75  الأية
لَا يُفَتَّرُ عَنْهُمْ وَهُمْ فِيهِ مُبْلِسُونَ
La yufattaru AAanhum wahum feehimublisoon

Somali
 
Lagamana fudaydiyo dhexdiiseyna ku quustaan (aamusaanna).

Ayah  43:76  الأية
وَمَا ظَلَمْنَاهُمْ وَلَٰكِن كَانُوا هُمُ الظَّالِمِينَ
Wama thalamnahumwalakin kanoo humu aththalimeen

Somali
 
Manaan dulmiyin hasa yeeshee iyagaa dulmiilayaal ahaa.

Ayah  43:77  الأية
وَنَادَوْا يَا مَالِكُ لِيَقْضِ عَلَيْنَا رَبُّكَ ۖ قَالَ إِنَّكُم مَّاكِثُونَ
Wanadaw ya maliku liyaqdiAAalayna rabbuka qala innakum makithoon

Somali
 
Waxayna u dhawaaqi Maalig (Malaga Naarta) iyagoo dhihi Eebahaa ha nadilo markaasuu dhahaa idinku waas kuwaaraysaan (naarta).

Ayah  43:78  الأية
لَقَدْ جِئْنَاكُم بِالْحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَكُمْ لِلْحَقِّ كَارِهُونَ
Laqad ji/nakum bilhaqqiwalakinna aktharakum lilhaqqi karihoon

Somali
 
Dhab ahaanbaan idiin la nimid xaq hasa yeeshee badankiin xaquu nacay.

Ayah  43:79  الأية
أَمْ أَبْرَمُوا أَمْرًا فَإِنَّا مُبْرِمُونَ
Am abramoo amran fa-inna mubrimoon

Somali
 
Ma waxbayse gooyeen Gaaladu oo amar ah (dhibka Nabiga) anaguna waxbaan goynaynaa (ciqaabtooda).

Ayah  43:80  الأية
أَمْ يَحْسَبُونَ أَنَّا لَا نَسْمَعُ سِرَّهُمْ وَنَجْوَاهُم ۚ بَلَىٰ وَرُسُلُنَا لَدَيْهِمْ يَكْتُبُونَ
Am yahsaboona anna lanasmaAAu sirrahum wanajwahum bala warusulunaladayhim yaktuboon

Somali
 
Mise waxay umaleeyeen inaanaan maqlayn qarsoodigooda iyo muujintoodaba, saas ma ah ee Mala'igtanadaa agtooda wax ku qoro.

Ayah  43:81  الأية
قُلْ إِن كَانَ لِلرَّحْمَٰنِ وَلَدٌ فَأَنَا أَوَّلُ الْعَابِدِينَ
Qul in kana lirrahmaniwaladun faana awwalu alAAabideen

Somali
 
Waxaad dhahdaa Nabiyow haddii Eebaha Raxmaan ah usugnaado Ilmo anaa u hor caabudilahaa.

Ayah  43:82  الأية
سُبْحَانَ رَبِّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ رَبِّ الْعَرْشِ عَمَّا يَصِفُونَ
Subhana rabbi assamawatiwal-ardi rabbi alAAarshi AAamma yasifoon

Somali
 
Waxaa ka nasahan Eebaha Samooyinka iyo Dhulka ee Eebaha Carshiga ah waxay ku timaamaan.

Ayah  43:83  الأية
فَذَرْهُمْ يَخُوضُوا وَيَلْعَبُوا حَتَّىٰ يُلَاقُوا يَوْمَهُمُ الَّذِي يُوعَدُونَ
Fatharhum yakhoodoowayalAAaboo hatta yulaqoo yawmahumu allatheeyooAAadoon

Somali
 
Ee katag ha dhunbadeen (xumaanta) hana ciyaareen intay kala kulmaan maalintoodii loo yaboohaye.

Ayah  43:84  الأية
وَهُوَ الَّذِي فِي السَّمَاءِ إِلَٰهٌ وَفِي الْأَرْضِ إِلَٰهٌ ۚ وَهُوَ الْحَكِيمُ الْعَلِيمُ
Wahuwa allathee fee assama-iilahun wafee al-ardi ilahun wahuwa alhakeemualAAaleem

Somali
 
Eebe waa macbuudka Samada iyo macbuudka Dhulka, waana falsame wax og.

Ayah  43:85  الأية
وَتَبَارَكَ الَّذِي لَهُ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَعِندَهُ عِلْمُ السَّاعَةِ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
Watabaraka allathee lahu mulkuassamawati wal-ardi wamabaynahuma waAAindahu AAilmu assaAAatiwa-ilayhi turjaAAoon

Somali
 
Waxaana barako badnaaday (sarreeyeyna) Eebaha iska leh xukunka Samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya, agtiisaana ah ogaanshaha Saacadda (Qiyaame) xaggiisaana laydiin celin.

Ayah  43:86  الأية
وَلَا يَمْلِكُ الَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِهِ الشَّفَاعَةَ إِلَّا مَن شَهِدَ بِالْحَقِّ وَهُمْ يَعْلَمُونَ
Wala yamliku allatheenayadAAoona min doonihi ashshafaAAata illaman shahida bilhaqqi wahum yaAAlamoon

Somali
 
Mana hantaan kuway caabudeen Eebe ka sokow wax shafeeca ah hasayeeshee ciddii xaqa qirta iyagoo og (waxbay ushafeeci idanka Eebe ka dib).

Ayah  43:87  الأية
وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَهُمْ لَيَقُولُنَّ اللهُ ۖ فَأَنَّىٰ يُؤْفَكُونَ
Wala-in saaltahum man khalaqahumlayaqoolunna Allahu faanna yu/fakoon

Somali
 
Haddaad warsato Gaalada yaa abuuray waxay dhihi Eebe ee xaggee loo iili.

Ayah  43:88  الأية
وَقِيلِهِ يَا رَبِّ إِنَّ هَٰؤُلَاءِ قَوْمٌ لَّا يُؤْمِنُونَ
Waqeelihi ya rabbi inna haola-iqawmun la yu/minoon

Somali
 
Nabiguna wuxuu yidhi: Eeboow kuwani waa qoom aan rumaynayn (xaqa).

Ayah  43:89  الأية
فَاصْفَحْ عَنْهُمْ وَقُلْ سَلَامٌ ۚ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ
Fasfah AAanhum waqulsalamun fasawfa yaAAlamoon

Somali
 
Iska saamax waxaadna dhahdaa Nabadgalyo, way ogaandoonaan (waxa ku dhacee).





© EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us