1st Ayah 1 الأية ١الأوليبِسْم ِ اللهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
حم
Ha-meem
Somali
Waxay ku Tusin mucjisada Quraanka ee wayn, Eebaa ogna waa la dhahaa.
|
Ayah 46:2 الأية
تَنزِيلُ الْكِتَابِ مِنَ اللهِ الْعَزِيزِ الْحَكِيمِ
Tanzeelu alkitabi mina AllahialAAazeezi alhakeem
Somali
Kitaabka (Quraanka) ah wuxuu ka soo dagay Eebaha adkaada ee falka san xaggiisa.
|
Ayah 46:3 الأية
مَا خَلَقْنَا السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا إِلَّا بِالْحَقِّ
وَأَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ وَالَّذِينَ كَفَرُوا عَمَّا أُنذِرُوا مُعْرِضُونَ
Ma khalaqna assamawatiwal-arda wama baynahuma illabilhaqqi waajalin musamman
wallatheenakafaroo AAamma onthiroo muAAridoon
Somali
Samaawaadka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeyana waxaan xaq iyo muddo magacaaban
ahayn uma aannaan abuurin, kuwii gaaloobayna wixii loogu digay (ee quraanka) ah
way ka jeedsadeen.
|
Ayah 46:4 الأية
قُلْ أَرَأَيْتُم مَّا تَدْعُونَ مِن دُونِ اللهِ أَرُونِي مَاذَا خَلَقُوا مِنَ
الْأَرْضِ أَمْ لَهُمْ شِرْكٌ فِي السَّمَاوَاتِ ۖ ائْتُونِي بِكِتَابٍ مِّن قَبْلِ
هَٰذَا أَوْ أَثَارَةٍ مِّنْ عِلْمٍ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ
Qul araaytum ma tadAAoona min dooniAllahi aroonee matha khalaqoo mina al-ardiam
lahum shirkun fee assamawati eetooneebikitabin min qabli hatha aw atharatin
minAAilmin in kuntum sadiqeen
Somali
Waxaad Dhahdaa nabiyoow bal ka warrama waxaad caabudaysaan ee Eebe ka soo hadhay
ina tusiya waxay ku abuureen dhulka, ama shirkad ah oy ku leeyihiin Samaawaadka,
ii keena (oo i tusiya) Kitaab Quraanka, ka horreyay, ama wax raad cilmi ah,
haddaad run sheegeeysaan.
|
Ayah 46:5 الأية
وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّن يَدْعُو مِن دُونِ اللهِ مَن لَّا يَسْتَجِيبُ لَهُ إِلَىٰ
يَوْمِ الْقِيَامَةِ وَهُمْ عَن دُعَائِهِمْ غَافِلُونَ
Waman adallu mimman yadAAoo min dooniAllahi man la yastajeebu lahu ila
yawmialqiyamati wahum AAan duAAa-ihim ghafiloon
Somali
Wax ka dulmi badan ma jiro ruux baryi Eebe ka sokow waxaan ajiibeynin (maqleyn)
tan iyo qiyaamada, baryadoodana halmaansan (ogyn).
|
Ayah 46:6 الأية
وَإِذَا حُشِرَ النَّاسُ كَانُوا لَهُمْ أَعْدَاءً وَكَانُوا بِعِبَادَتِهِمْ
كَافِرِينَ
Wa-itha hushira annasukanoo lahum aAAdaan wakanoo biAAibadatihimkafireen
Somali
Marka dadka la soo kulmiyana u noqondoona kuwii caabudi jira, col, Inay caabudi
jireenna dafiri.
|
Ayah 46:7 الأية
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُنَا بَيِّنَاتٍ قَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا
لِلْحَقِّ لَمَّا جَاءَهُمْ هَٰذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ
Wa-itha tutla AAalayhim ayatunabayyinatin qala allatheena kafaroo lilhaqqilamma
jaahum hatha sihrun mubeen
Somali
Marka gaalada lagu dul akhriyo aayaadkannaga (quraanka) oo cad waxay dhahaan
kuwa gaalada ah markuu u yimid xaqu kani waa sixir cad.
|
Ayah 46:8 الأية
أَمْ يَقُولُونَ افْتَرَاهُ ۖ قُلْ إِنِ افْتَرَيْتُهُ فَلَا تَمْلِكُونَ لِي مِنَ
اللهِ شَيْئًا ۖ هُوَ أَعْلَمُ بِمَا تُفِيضُونَ فِيهِ ۖ كَفَىٰ بِهِ شَهِيدًا
بَيْنِي وَبَيْنَكُمْ ۖ وَهُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ
Am yaqooloona iftarahu qul iniiftaraytuhu fala tamlikoona lee mina Allahi
shay-anhuwa aAAlamu bima tufeedoona feehi kafa bihishaheedan baynee wabaynakum
wahuwa alghafooru arraheem
Somali
Waxay dhihi waa been uu abuurtay (Nabigu), Waxaad dhahdaa haddaan been abuurto
waxba iigama taraysaan Eebe xaggiisa, isagaana og waxaad dhumbanaysaan, (oo been
ah) Eebaana marag ugu filan dhexdeenna, waana dambi dhaafe naxariista ah.
|
Ayah 46:9 الأية
قُلْ مَا كُنتُ بِدْعًا مِّنَ الرُّسُلِ وَمَا أَدْرِي مَا يُفْعَلُ بِي وَلَا
بِكُمْ ۖ إِنْ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰ إِلَيَّ وَمَا أَنَا إِلَّا نَذِيرٌ
مُّبِينٌ
Qul ma kuntu bidAAan mina arrusuliwama adree ma yufAAalu bee wala bikum
inattabiAAu illa ma yooha ilayya wamaana illa natheerun mubeen
Somali
Waxaad dhahdaa ma ihi bidei ka gaar ah Rasuullada, mana ogi waxa lagu fali aniga
iyo idinka, waxaan uun raaci waxa lay waxyoodo (ee quraanka ah) waxaana ahay u
dige cad (oo muuqda).
|
Ayah 46:10 الأية
قُلْ أَرَأَيْتُمْ إِن كَانَ مِنْ عِندِ اللهِ وَكَفَرْتُم بِهِ وَشَهِدَ شَاهِدٌ
مِّن بَنِي إِسْرَائِيلَ عَلَىٰ مِثْلِهِ فَآمَنَ وَاسْتَكْبَرْتُمْ ۖ إِنَّ
اللهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ
Qul araaytum in kana min AAindi Allahiwakafartum bihi washahida shahidun min
banee isra-eelaAAala mithlihi faamana wastakbartum innaAllaha la yahdee alqawma
aththalimeen
Somali
Waxaad Dhahdaa bal ii warrama hadduu Quraanku Eebe ka soo dagay ood ka
gaalowdaan oo uu ka marag furo marag ree Bani'iisraaiil ah isaga oo kale
(xaqnimada iyo runta) oo uu rumeeyay idinkuna aad is kibriseen, Eebana ma
hanuuniyo kuwa dulmilowga ah,
|
Ayah 46:11 الأية
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِلَّذِينَ آمَنُوا لَوْ كَانَ خَيْرًا مَّا سَبَقُونَا
إِلَيْهِ ۚ وَإِذْ لَمْ يَهْتَدُوا بِهِ فَسَيَقُولُونَ هَٰذَا إِفْكٌ قَدِيمٌ
Waqala allatheena kafaroolillatheena amanoo law kana khayran masabaqoona ilayhi
wa-ith lam yahtadoo bihifasayaqooloona hatha ifkun qadeem
Somali
Gaaladii waxay dheheen hadduu Quraanku khayr yahay noogama hormareen
rumayntiisa, iyagoon hanuunsanayn gaaladu yay haddana dhihi kan (Quraanka ah)
waa beenihii hore.
|
Ayah 46:12 الأية
وَمِن قَبْلِهِ كِتَابُ مُوسَىٰ إِمَامًا وَرَحْمَةً ۚ وَهَٰذَا كِتَابٌ مُّصَدِّقٌ
لِّسَانًا عَرَبِيًّا لِّيُنذِرَ الَّذِينَ ظَلَمُوا وَبُشْرَىٰ لِلْمُحْسِنِينَ
Wamin qablihi kitabu moosa imamanwarahmatan wahatha kitabun musaddiqunlisanan
AAarabiyyan liyunthira allatheena thalamoowabushra lilmuhsineen
Somali
Quraanka waxaa ka horreeyay kitaabkii (Nabi) Muuse, isagoo ah hanuuniye iyo
naxariis, kanna waa kitaab u rumayn (xaqa). Af carabina ku soo dagay, si uu ugu
digo kuwa dulmiga falay, uguna bishaareeyo kuwa wanaagga falay.
|
Ayah 46:13 الأية
إِنَّ الَّذِينَ قَالُوا رَبُّنَا اللهُ ثُمَّ اسْتَقَامُوا فَلَا خَوْفٌ
عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ
Inna allatheena qaloo rabbunaAllahu thumma istaqamoo fala khawfunAAalayhim wala
hum yahzanoon
Somali
kuwa yidhi Eebahanno waa Alle haddana toosnaaday cabsi iyo murugi midna ma
arkaan.
|
Ayah 46:14 الأية
أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ خَالِدِينَ فِيهَا جَزَاءً بِمَا كَانُوا
يَعْمَلُونَ
Ola-ika as-habualjannati khalideena feeha jazaan bimakanoo yaAAmaloon
Somali
Kuwaasna waa ehlu-Janno wayna ku waari dhexdeeda, abaalmarin camalkoodii
(wanaagsanaa) darteed.
|
Ayah 46:15 الأية
وَوَصَّيْنَا الْإِنسَانَ بِوَالِدَيْهِ إِحْسَانًا ۖ حَمَلَتْهُ أُمُّهُ كُرْهًا
وَوَضَعَتْهُ كُرْهًا ۖ وَحَمْلُهُ وَفِصَالُهُ ثَلَاثُونَ شَهْرًا ۚ حَتَّىٰ إِذَا
بَلَغَ أَشُدَّهُ وَبَلَغَ أَرْبَعِينَ سَنَةً قَالَ رَبِّ أَوْزِعْنِي أَنْ
أَشْكُرَ نِعْمَتَكَ الَّتِي أَنْعَمْتَ عَلَيَّ وَعَلَىٰ وَالِدَيَّ وَأَنْ
أَعْمَلَ صَالِحًا تَرْضَاهُ وَأَصْلِحْ لِي فِي ذُرِّيَّتِي ۖ إِنِّي تُبْتُ
إِلَيْكَ وَإِنِّي مِنَ الْمُسْلِمِينَ
Wawassayna al-insanabiwalidayhi ihsanan hamalat-hu ommuhukurhan wawadaAAat-hu
kurhan wahamluhu wafisaluhuthalathoona shahran hatta ithabalagha ashuddahu
wabalagha arbaAAeena sanatan qala rabbiawziAAnee an ashkura niAAmataka allatee
anAAamta AAalayya waAAalawalidayya waan aAAmala salihan tardahuwaaslih lee fee
thurriyyatee innee tubtuilayka wa-innee mina almuslimeen
Somali
Dadka waxaan u dardaarannay labadiisii Waalid inuu u wanaag falo, Hooyadiis
uurkay ku sidday iyadoo dhibban wayna dhashay iyadoo dhibban, uurkiisa iyo
gudhintiisuna waa Soddon bilood, markuu ilmihii tabar yeesho oo Afartan gaadho
yuu (kan fiican) dhahaa eebow igu toosi inaan kugu mahadiyo nicmadaada aad iigu
nicmaysay Aniga iyo waaliddiintay, iguna toosi inaan camal fiican ood ka raalli
tahay falo, iina wanaaji faracayga, waaba kuu toobadkeenaye, waxaana ka mid ahay
muslimiinta.
|
Ayah 46:16 الأية
أُولَٰئِكَ الَّذِينَ نَتَقَبَّلُ عَنْهُمْ أَحْسَنَ مَا عَمِلُوا وَنَتَجَاوَزُ
عَن سَيِّئَاتِهِمْ فِي أَصْحَابِ الْجَنَّةِ ۖ وَعْدَ الصِّدْقِ الَّذِي كَانُوا
يُوعَدُونَ
Ola-ika allatheena nataqabbaluAAanhum ahsana ma AAamiloo wanatajawazu
AAansayyi-atihim fee as-habi aljannati waAAda assidqiallathee kanoo yooAAadoon
Somali
Kuwaasi waa kuwaannu ka aqbalayno camalkoodii fiicnaa, kana dhaafayno koodii
xumaa, waxayna noqon ehelu-Janno Eebana wuxuu u yaboohay yabooh run ah.
|
Ayah 46:17 الأية
وَالَّذِي قَالَ لِوَالِدَيْهِ أُفٍّ لَّكُمَا أَتَعِدَانِنِي أَنْ أُخْرَجَ وَقَدْ
خَلَتِ الْقُرُونُ مِن قَبْلِي وَهُمَا يَسْتَغِيثَانِ اللهَ وَيْلَكَ آمِنْ
إِنَّ وَعْدَ اللهِ حَقٌّ فَيَقُولُ مَا هَٰذَا إِلَّا أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ
Wallathee qala liwalidayhioffin lakuma ataAAidaninee an okhraja waqad
khalatialquroonu min qablee wahuma yastagheethani Allahawaylaka amin inna waAAda
Allahi haqqunfayaqoolu ma hatha illa asateerual-awwaleen
Somali
Waxaa jira mid ku dhihi labadiisii waalid Ufbaa la idin yidhi ce ma waxaad ii
yaboohaysaan in la i sou bixin iyadoo dadkii horaba lagay, Labada waalidna ay
Eebe uga baryi (hanuun), iyagoo ku dhihi magacaa ba'; ee rumee, ballanqaadka
Eebana waa xaqe, oo markaas ku dhihi waxaasi waa beentii dadkii hore.
|
Ayah 46:18 الأية
أُولَٰئِكَ الَّذِينَ حَقَّ عَلَيْهِمُ الْقَوْلُ فِي أُمَمٍ قَدْ خَلَتْ مِن
قَبْلِهِم مِّنَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا خَاسِرِينَ
Ola-ika allatheena haqqaAAalayhimu alqawlu fee umamin qad khalat min qablihim
minaaljinni wal-insi innahum kanoo khasireen
Somali
Kuwaasi waa kuwa caddibaadi u sugnaatay, iyagoo ka mid noqon kuwii horay u tagey
oo Jinni iyo Insiba leh, waxayta ahaayeen kuwa khasaaray.
|
Ayah 46:19 الأية
وَلِكُلٍّ دَرَجَاتٌ مِّمَّا عَمِلُوا ۖ وَلِيُوَفِّيَهُمْ أَعْمَالَهُمْ وَهُمْ
لَا يُظْلَمُونَ
Walikullin darajatun mimmaAAamiloo waliyuwaffiyahum aAAmalahum wahum la
yuthlamoon
Somali
Cid walba waxay mudan waxay camal fashay Eebana wuu u oofin camalkooda iyagoon
la dulmiyaynin.
|
Ayah 46:20 الأية
وَيَوْمَ يُعْرَضُ الَّذِينَ كَفَرُوا عَلَى النَّارِ أَذْهَبْتُمْ طَيِّبَاتِكُمْ
فِي حَيَاتِكُمُ الدُّنْيَا وَاسْتَمْتَعْتُم بِهَا فَالْيَوْمَ تُجْزَوْنَ عَذَابَ
الْهُونِ بِمَا كُنتُمْ تَسْتَكْبِرُونَ فِي الْأَرْضِ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَبِمَا
كُنتُمْ تَفْسُقُونَ
Wayawma yuAAradu allatheenakafaroo AAala annari athhabtum tayyibatikumfee
hayatikumu addunya wastamtaAAtumbiha falyawma tujzawna AAathaba alhooni
bimakuntum tastakbiroona fee al-ardi bighayri alhaqqiwabima kuntum tafsuqoon
Somali
(Xusuuso) maalinta kuwii gaaloobay loo bandhigi Naarta, iyagoo lagu dhihi waxaad
wanaaggiinii ku dhamaysateen noloshiinnii dhawayd, waadna ku raaxaysateen,
maantase waxaa laydinku abaal marin caddibaad dulli ah, iskibrintiinnii aad xaq
darro isula weeyneeydcen iyo faasiqnimadiinna darteed.
|
Ayah 46:21 الأية
وَاذْكُرْ أَخَا عَادٍ إِذْ أَنذَرَ قَوْمَهُ بِالْأَحْقَافِ وَقَدْ خَلَتِ
النُّذُرُ مِن بَيْنِ يَدَيْهِ وَمِنْ خَلْفِهِ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا اللهَ
إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ
Wathkur akha AAadinith anthara qawmahu bil-ahqafiwaqad khalati annuthuru min
bayni yadayhi waminkhalfihi alla taAAbudoo illa Allaha inneeakhafu AAalaykum
AAathaba yawmin AAatheem
Somali
Xusuuso Ree caad walaalkood (Nabi huud) markuu u digay qoomkiisii iyagoo daggan
Axqaaf, iyagoo Rasuullo wax u diga ka horreeyeen kana dambeeyeen, isagoo ku
dhihi Eebe mooyee wax kale ha caabudina, waxaan idiinka yaabi caddibaad maalin
wayn/
|
Ayah 46:22 الأية
قَالُوا أَجِئْتَنَا لِتَأْفِكَنَا عَنْ آلِهَتِنَا فَأْتِنَا بِمَا تَعِدُنَا إِن
كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ
Qaloo aji/tana lita/fikanaAAan alihatina fa/tina bima taAAidunain kunta mina
assadiqeen
Somali
Waxay ku dheheen ma waxaad noola timid inaad naga iisho Ilaahyadannada, noo keen
waxaad noogu doogiyayso haddaad run sheegeyso,
|
Ayah 46:23 الأية
قَالَ إِنَّمَا الْعِلْمُ عِندَ اللهِ وَأُبَلِّغُكُم مَّا أُرْسِلْتُ بِهِ
وَلَٰكِنِّي أَرَاكُمْ قَوْمًا تَجْهَلُونَ
Qala innama alAAilmu AAindaAllahi waoballighukum ma orsiltu bihi
walakinneearakum qawman tajhaloon
Somali
Wuxuuna ku yidhi Eebaa ku cilmi leh (goorta caddibaaddiinna) ee anugu waxaan
idin gaadhsiin waxa layfaray inaan gaadhsiiyo, waxaanse idinku arkaa kuwa
jaahiliin ah.
|
Ayah 46:24 الأية
فَلَمَّا رَأَوْهُ عَارِضًا مُّسْتَقْبِلَ أَوْدِيَتِهِمْ قَالُوا هَٰذَا عَارِضٌ
مُّمْطِرُنَا ۚ بَلْ هُوَ مَا اسْتَعْجَلْتُم بِهِ ۖ رِيحٌ فِيهَا عَذَابٌ أَلِيمٌ
Falamma raawhu AAaridanmustaqbila awdiyatihim qaloo hatha AAaridunmumtiruna bal
huwa ma istaAAjaltum bihi reehunfeeha AAathabun aleem
Somali
Markay Gaaladii Reer caad arkeen caddibaaddii (Sida daruur) oo Toggooda soo
qaabishay waxay, dheheen waa Daruur nawaraabinaysa, Ma aha ee waa waxaad
dadajisanayseen inuu timaaddo oo caddibaad ah, waana dabayl caddibaad darani ku
jirto.
|
Ayah 46:25 الأية
تُدَمِّرُ كُلَّ شَيْءٍ بِأَمْرِ رَبِّهَا فَأَصْبَحُوا لَا يُرَىٰ إِلَّا
مَسَاكِنُهُمْ ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِي الْقَوْمَ الْمُجْرِمِينَ
Tudammiru kulla shay-in bi-amri rabbihafaasbahoo la yura illa
masakinuhumkathalika najzee alqawma almujrimeen
Somali
Wax kasta oy martana way burburin amarka Eebe dartiis, markaasay ahaadeen kuwa
aan la arkaynin Guryohoodii mooyee, saasaana ku abaal marinnaa kuwa
dambiilayaasha ah.
|
Ayah 46:26 الأية
وَلَقَدْ مَكَّنَّاهُمْ فِيمَا إِن مَّكَّنَّاكُمْ فِيهِ وَجَعَلْنَا لَهُمْ
سَمْعًا وَأَبْصَارًا وَأَفْئِدَةً فَمَا أَغْنَىٰ عَنْهُمْ سَمْعُهُمْ وَلَا
أَبْصَارُهُمْ وَلَا أَفْئِدَتُهُم مِّن شَيْءٍ إِذْ كَانُوا يَجْحَدُونَ بِآيَاتِ
اللهِ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ
Walaqad makkannahum feema inmakkannakum feehi wajaAAalna lahum samAAan
waabsaranwaaf-idatan fama aghna AAanhum samAAuhum walaabsaruhum wala af-idatuhum
min shay-in ith kanooyajhadoona bi-ayati Allahi wahaqabihim ma kanoo bihi
yastahzi-oon
Somali
Waxaan makaninnay (siinnay) Ree caad wax aannaan idin makaninnin, waxaana u
yeellay maqal, arag iyo Quluub, waxbase uma tarin Maqalkoodii, Araggoodii iyo
Quluubtoodii, Maxayeelay Waxay diidayeen Aayaadka Eebe, waxaana ku dhacay (oo
koobay) caddibaadii ay ku jees jeesayeen.
|
Ayah 46:27 الأية
وَلَقَدْ أَهْلَكْنَا مَا حَوْلَكُم مِّنَ الْقُرَىٰ وَصَرَّفْنَا الْآيَاتِ
لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ
Walaqad ahlakna ma hawlakummina alqura wasarrafna al-ayatilaAAallahum yarjiAAoon
Somali
Waxaan halaagnay wixii gaararkiinna ahaa oo Magaalooyin ah, xujuuyinkana waan
caddaynay si dadku Eebe ugu noqdo.
|
Ayah 46:28 الأية
فَلَوْلَا نَصَرَهُمُ الَّذِينَ اتَّخَذُوا مِن دُونِ اللهِ قُرْبَانًا آلِهَةً ۖ
بَلْ ضَلُّوا عَنْهُمْ ۚ وَذَٰلِكَ إِفْكُهُمْ وَمَا كَانُوا يَفْتَرُونَ
Falawla nasarahumu allatheenaittakhathoo min dooni Allahi qurbanan alihatanbal
dalloo AAanhum wathalika ifkuhum wama kanooyaftaroon
Somali
Maxay ugu gargaariwaayeen kuway ilaahyaal ay u dhawaadaan ka dhigteen Eebe ka
sokow, way ka dhumeen, taasina waa beentoodii iyo war abuurashadoodii.
|
Ayah 46:29 الأية
وَإِذْ صَرَفْنَا إِلَيْكَ نَفَرًا مِّنَ الْجِنِّ يَسْتَمِعُونَ الْقُرْآنَ
فَلَمَّا حَضَرُوهُ قَالُوا أَنصِتُوا ۖ فَلَمَّا قُضِيَ وَلَّوْا إِلَىٰ قَوْمِهِم
مُّنذِرِينَ
Wa-ith sarafna ilaykanafaran mina aljinni yastamiAAoona alqur-ana
falammahadaroohu qaloo ansitoo falammaqudiya wallaw ila qawmihim munthireen
Somali
Xusuuso markaan kuu soo iilnay koox Jinni ah oo Quraanka dhagaysan, markay
yimaadeen (meeja lagu akhriyina) ay isu dheheen dhagaysta, markuu la
dhammeeyayna ay ciddoodii ku noqdeen iyagoo u digi.
|
Ayah 46:30 الأية
قَالُوا يَا قَوْمَنَا إِنَّا سَمِعْنَا كِتَابًا أُنزِلَ مِن بَعْدِ مُوسَىٰ
مُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ يَهْدِي إِلَى الْحَقِّ وَإِلَىٰ طَرِيقٍ
مُّسْتَقِيمٍ
Qaloo ya qawmana innasamiAAna kitaban onzila min baAAdi moosa musaddiqanlima
bayna yadayhi yahdee ila alhaqqi wa-ilatareeqin mustaqeem
Somali
Oo ku dhihi qoomkannow waxaan maqallay Kitaab (Quraan) la soo dajiyay (Nabi)
Muuse ka dib oo rumayn Kitaabihii ka horreeyey, kuna hanuunin xaq iyo waddada
toosan.
|
Ayah 46:31 الأية
يَا قَوْمَنَا أَجِيبُوا دَاعِيَ اللهِ وَآمِنُوا بِهِ يَغْفِرْ لَكُم مِّن
ذُنُوبِكُمْ وَيُجِرْكُم مِّنْ عَذَابٍ أَلِيمٍ
Ya qawmana ajeeboo daAAiyaAllahi waaminoo bihi yaghfir lakum min
thunoobikumwayujirkum min AAathabin aleem
Somali
Qoomkannow ajiiba (raaca) uyeedhaha xaqa Eebe, rumeeyana, dambigiinna Eebe ha
dhaafee, hana idinka koriyo caddibaad darane;
|
Ayah 46:32 الأية
وَمَن لَّا يُجِبْ دَاعِيَ اللهِ فَلَيْسَ بِمُعْجِزٍ فِي الْأَرْضِ وَلَيْسَ
لَهُ مِن دُونِهِ أَوْلِيَاءُ ۚ أُولَٰئِكَ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ
Waman la yujib daAAiya Allahifalaysa bimuAAjizin fee al-ardi walaysa lahu min
doonihiawliyaa ola-ika fee dalalin mubeen
Somali
Ruuxaan ajiibin (raacin) uyeedhaha Eebe kuma daaliyo Eebe dhulka dhexdiisa (kama
cararo) wax Eebe ka soo hadhay oo u gargaarina ma jiro, kuwaas «aan maqlaynin
yeedhidda Eebana» waa kuwa baadi cad ku sugan.
|
Ayah 46:33 الأية
أَوَلَمْ يَرَوْا أَنَّ اللهَ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَلَمْ
يَعْيَ بِخَلْقِهِنَّ بِقَادِرٍ عَلَىٰ أَن يُحْيِيَ الْمَوْتَىٰ ۚ بَلَىٰ إِنَّهُ
عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
Awa lam yaraw anna Allaha allatheekhalaqa assamawati wal-ardawalam yaAAya
bikhalqihinna biqadirin AAala an yuhyiyaalmawta bala innahu AAala kulli
shay-inqadeer
Somali
Miyeeyna ogayn Eebaha abuuray Samaawaadka iyo dhulka aan kana noogin abuurkooda
inuu karo inuu soo nooleeyo wixii dhintay, saas ma aha ee Eebe wax walba oo uu
doono wuu karaa.
|
Ayah 46:34 الأية
وَيَوْمَ يُعْرَضُ الَّذِينَ كَفَرُوا عَلَى النَّارِ أَلَيْسَ هَٰذَا بِالْحَقِّ ۖ
قَالُوا بَلَىٰ وَرَبِّنَا ۚ قَالَ فَذُوقُوا الْعَذَابَ بِمَا كُنتُمْ تَكْفُرُونَ
Wayawma yuAAradu allatheenakafaroo AAala annari alaysa hatha bilhaqqiqaloo bala
warabbina qala fathooqooalAAathaba bima kuntum takfuroon
Somali
Maalinta kuwii gaaloobay loo bandhigi Naarta waxaa lagu odhan Miyuuna xaq ahayn
kan (caddibaadda ah) markaasay dhahaan Eebaan ku dhaawannaye waa xaq, Eebe wuxuu
ku dhahaa dhadhamiya caddibaadda Gaalnimadiinna darteed.
|
Ayah 46:35 الأية
فَاصْبِرْ كَمَا صَبَرَ أُولُو الْعَزْمِ مِنَ الرُّسُلِ وَلَا تَسْتَعْجِل لَّهُمْ
ۚ كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَ مَا يُوعَدُونَ لَمْ يَلْبَثُوا إِلَّا سَاعَةً مِّن
نَّهَارٍ ۚ بَلَاغٌ ۚ فَهَلْ يُهْلَكُ إِلَّا الْقَوْمُ الْفَاسِقُونَ
Fasbir kama sabaraoloo alAAazmi mina arrusuli wala tastaAAjil lahumkaannahum
yawma yarawna ma yooAAadoona lam yalbathoo illasaAAatan min naharin balaghun
fahal yuhlakuilla alqawmu alfasiqoon
Somali
Usamir siday u samreen kuwii sugnaanta iyo niyadda u saaxiibka ahaa ee
rasuullada ahaa, hana ku dagdagin in la caddibo waxay la midnoqon markay arkaan
waxa loogu goodiyay ineeyan ku nagaanin Adduunka Saacad maalin ah waxaan ahayn,
Quraankuna waa gaadhsiin, kuwa faasiqiinta ah umbaana la halaagaa.
|
©
EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us
|