1st Ayah 1 الأية ١الأوليبِسْم ِ اللهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
الم
Alif-lam-meem
Somali
waxay ku tusin mucjisada Quraanka (sida la soo sheegay).
|
Ayah 29:2 الأية
أَحَسِبَ النَّاسُ أَن يُتْرَكُوا أَن يَقُولُوا آمَنَّا وَهُمْ لَا يُفْتَنُونَ
Ahasiba annasu anyutrakoo an yaqooloo amanna wahum layuftanoon
Somali
ma wuxuu u maleeyey Dadku in loogaga tagi inay dhahaan waan rumeynay oon la
imtixaamayn.
|
Ayah 29:3 الأية
وَلَقَدْ فَتَنَّا الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۖ فَلَيَعْلَمَنَّ اللهُ الَّذِينَ
صَدَقُوا وَلَيَعْلَمَنَّ الْكَاذِبِينَ
Walaqad fatanna allatheena minqablihim falayaAAlamanna Allahu allatheena
sadaqoowalayaAAlamanna alkathibeen
Somali
dhab ahaan yaan u imtixaanay kuwii ka horreeyay, Eebana wuu muujin kuwii run
sheegay, wuxuuna muujin kuwa beenlowga ah.
|
Ayah 29:4 الأية
أَمْ حَسِبَ الَّذِينَ يَعْمَلُونَ السَّيِّئَاتِ أَن يَسْبِقُونَا ۚ سَاءَ مَا
يَحْكُمُونَ
Am hasiba allatheenayaAAmaloona assayyi-ati an yasbiqoona saama yahkumoon
Somali
mise waxay u maleeyeen kuwii xumaanta samaynayey inay naga dheereyn (carari)
waxaa xun waxay xukumi.
|
Ayah 29:5 الأية
مَن كَانَ يَرْجُو لِقَاءَ اللهِ فَإِنَّ أَجَلَ اللهِ لَآتٍ ۚ وَهُوَ
السَّمِيعُ الْعَلِيمُ
Man kana yarjoo liqaa Allahifa-inna ajala Allahi laatin wahuwa
assameeAAualAAaleem
Somali
ruuxii rajayn (ka cabsan) la kulanka Eebe, Ajashii Eebe (uu qadaray) way imaan,
Eebana waa maqle oge ah.
|
Ayah 29:6 الأية
وَمَن جَاهَدَ فَإِنَّمَا يُجَاهِدُ لِنَفْسِهِ ۚ إِنَّ اللهَ لَغَنِيٌّ عَنِ
الْعَالَمِينَ
Waman jahada fa-innama yujahidulinafsihi inna Allaha laghaniyyun AAani
alAAalameen
Somali
ruuxii dadaala wuxuu uun u dadaalay naftiisa, Eebana waa ka kaaftoon yahay
caalamka.
|
Ayah 29:7 الأية
وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَنُكَفِّرَنَّ عَنْهُمْ
سَيِّئَاتِهِمْ وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ أَحْسَنَ الَّذِي كَانُوا يَعْمَلُونَ
Wallatheena amanoowaAAamiloo assalihati lanukaffirannaAAanhum sayyi-atihim
walanajziyannahum ahsana allatheekanoo yaAAmaloon
Somali
kuwa (xaqa) rumeeyey camalfiicanna falay waxaan asturaynaa xumaantooda, waxaana
ka abaalmarinaynaa kii u fiicnaa ay camalfali jireen.
|
Ayah 29:8 الأية
وَوَصَّيْنَا الْإِنسَانَ بِوَالِدَيْهِ حُسْنًا ۖ وَإِن جَاهَدَاكَ لِتُشْرِكَ بِي
مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ فَلَا تُطِعْهُمَا ۚ إِلَيَّ مَرْجِعُكُمْ
فَأُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Wawassayna al-insana biwalidayhihusnan wa-in jahadaka litushrika bee malaysa
laka bihi AAilmun fala tutiAAhumailayya marjiAAukum faonabbi-okum bima kuntum
taAAmaloon
Somali
waxaan u dardaaaranay Dadka Labadiisii Waalid wanaagfalkooda, hadday kugula
dadaalaan inaad ila wadaajiso waxaadan cilmi u lahayn (Gaalowdo) ha ku adeecin,
xaggayga unbaa laydiin soo celin, waxaana idiinka warrami (abaalna marin) waxaad
camalfali jirteen.
|
Ayah 29:9 الأية
وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَنُدْخِلَنَّهُمْ فِي الصَّالِحِينَ
Wallatheena amanoowaAAamiloo assalihati lanudkhilannahum feeassaliheen
Somali
kuwiise (xaqa) rumeeyey camalfiicanna falay waxaan dhexgalinaynaa kuwa suuban
(Janada).
|
Ayah 29:10 الأية
وَمِنَ النَّاسِ مَن يَقُولُ آمَنَّا بِاللهِ فَإِذَا أُوذِيَ فِي اللهِ جَعَلَ
فِتْنَةَ النَّاسِ كَعَذَابِ اللهِ وَلَئِن جَاءَ نَصْرٌ مِّن رَّبِّكَ
لَيَقُولُنَّ إِنَّا كُنَّا مَعَكُمْ ۚ أَوَلَيْسَ اللهُ بِأَعْلَمَ بِمَا فِي
صُدُورِ الْعَالَمِينَ
Wamina annasi man yaqoolu amannabillahi fa-itha oothiya fee AllahijaAAala
fitnata annasi kaAAathabi Allahiwala-in jaa nasrun min rabbika layaqoolunna
innakunna maAAakum awa laysa Allahu bi-aAAlama bimafee sudoori alAAalameen
Somali
Dadka waxaa ka mid ah ruux dhihi waxaan rumeynay Eebe, markii lagu dhibo Eebe
dartiisna kayeela imtixaamka Dadka (dhibookda) cadaabka Eebe oo kale, hadday
timaado Guul xagga Eebe ka ahaatay waxay dhahaan anagu waan idin lajiraa, Eebe
miyuusan ahayn kan og waxa laabta Dadka ku jira.
|
Ayah 29:11 الأية
وَلَيَعْلَمَنَّ اللهُ الَّذِينَ آمَنُوا وَلَيَعْلَمَنَّ الْمُنَافِقِينَ
WalayaAAlamanna Allahu allatheenaamanoo walayaAAlamanna almunafiqeen
Somali
dhab ahaan yuu u muujin Eebe kuwa xaqa rumeeyey, dhab ahaanna wuxuu u muujin
kuwa munaafiqiinta ah.
|
Ayah 29:12 الأية
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِلَّذِينَ آمَنُوا اتَّبِعُوا سَبِيلَنَا وَلْنَحْمِلْ
خَطَايَاكُمْ وَمَا هُم بِحَامِلِينَ مِنْ خَطَايَاهُم مِّن شَيْءٍ ۖ إِنَّهُمْ
لَكَاذِبُونَ
Waqala allatheena kafaroolillatheena amanoo ittabiAAoo sabeelanawalnahmil
khatayakum wama hum bihamileenamin khatayahum min shay-in innahum lakathiboon
Somali
waxay ku dhaheen kuwii galoobay kuwii xaqa rumeeyey raaca waddadannada aan
xambaarro gafafkiinee, mana aha kuwo xambaari waxa gafafkooda ah, ee waa
beenaalayaal.
|
Ayah 29:13 الأية
وَلَيَحْمِلُنَّ أَثْقَالَهُمْ وَأَثْقَالًا مَّعَ أَثْقَالِهِمْ ۖ وَلَيُسْأَلُنَّ
يَوْمَ الْقِيَامَةِ عَمَّا كَانُوا يَفْتَرُونَ
Walayahmilunna athqalahumwaathqalan maAAa athqalihim walayus-alunna
yawmaalqiyamati AAamma kanoo yaftaroon
Somali
waxayse dhab ahaan xambaari culaysyaalkooda iyo culaysyo Culaysyadoodii la jira,
waxaana dhab ahaan loo warsan maalinta Qiyaame waxay been abuuran jireen.
|
Ayah 29:14 الأية
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِ فَلَبِثَ فِيهِمْ أَلْفَ سَنَةٍ
إِلَّا خَمْسِينَ عَامًا فَأَخَذَهُمُ الطُّوفَانُ وَهُمْ ظَالِمُونَ
Walaqad arsalna noohan ilaqawmihi falabitha feehim alfa sanatin illa khamseena
AAamanfaakhathahumu attoofanu wahum thalimoon
Somali
dhab ahaan baan ugu dirray (Nabi) Nuux Qoomkiisii, wuxuuna ku dhexnagaaday Kun
sano oo kontan la'waxaana wabtay dhuufaankii (Halaagii Biyaha) iyagoo daalimiin
ah.
|
Ayah 29:15 الأية
فَأَنجَيْنَاهُ وَأَصْحَابَ السَّفِينَةِ وَجَعَلْنَاهَا آيَةً لِّلْعَالَمِينَ
Faanjaynahu waas-haba assafeenatiwajaAAalnaha ayatan lilAAalameen
Somali
waana korinay Nuux iyo Dadkii Doonta, waxaana ka yeellay aayad (uu ku waantoomo)
Caalamku.
|
Ayah 29:16 الأية
وَإِبْرَاهِيمَ إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِ اعْبُدُوا اللهَ وَاتَّقُوهُ ۖ ذَٰلِكُمْ
خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
Wa-ibraheema ith qalaliqawmihi oAAbudoo Allaha wattaqoohu thalikumkhayrun lakum
in kuntum taAAlamoon
Somali
(Nabi) Ibraahimna (waa diray) wuxuuna ku yidhi qoomkiisii Cabuda Eebe akana
dhawrsada saasaa idiin khayrbadane haddaad wax ogtihiin.
|
Ayah 29:17 الأية
إِنَّمَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللهِ أَوْثَانًا وَتَخْلُقُونَ إِفْكًا ۚ إِنَّ
الَّذِينَ تَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللهِ لَا يَمْلِكُونَ لَكُمْ رِزْقًا
فَابْتَغُوا عِندَ اللهِ الرِّزْقَ وَاعْبُدُوهُ وَاشْكُرُوا لَهُ ۖ إِلَيْهِ
تُرْجَعُونَ
Innama taAAbudoona min dooni Allahiawthanan watakhluqoona ifkan inna
allatheenataAAbudoona min dooni Allahi la yamlikoona lakumrizqan fabtaghoo
AAinda Allahi arrizqa waAAbudoohuwashkuroo lahu ilayhi turjaAAoon
Somali
waxaad uun caabudaysaan Eebe ka sokow Sanamyo, waxaadna abuuraysaan been, kuwaad
caabudaysaan Eebe ka sokow idiinma hantaan wax rizqi ah ee ka dalba Eebe rizqiga
Cabudana kuna mahdiya xaggiisaa laydin celine.
|
Ayah 29:18 الأية
وَإِن تُكَذِّبُوا فَقَدْ كَذَّبَ أُمَمٌ مِّن قَبْلِكُمْ ۖ وَمَا عَلَى الرَّسُولِ
إِلَّا الْبَلَاغُ الْمُبِينُ
Wa-in tukaththiboo faqad kaththabaomamun min qablikum wama AAala arrasooliilla
albalaghu almubeen
Somali
haddaad Beenisaan (Xaqa) waxaa beeniyey Umado idinka horreeyey Rasuulkana ma
saarra waxaan gaadhsiin cad ahayn.
|
Ayah 29:19 الأية
أَوَلَمْ يَرَوْا كَيْفَ يُبْدِئُ اللهُ الْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُ ۚ إِنَّ
ذَٰلِكَ عَلَى اللهِ يَسِيرٌ
Awa lam yaraw kayfa yubdi-o Allahualkhalqa thumma yuAAeeduhu inna thalika AAala
Allahiyaseer
Somali
miyeyna arkayn sida Eebe u billaabay (Abuuridda) Khalqiga una soo celin,
arrintaasna Eebe waa u fududahay.
|
Ayah 29:20 الأية
قُلْ سِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَانظُرُوا كَيْفَ بَدَأَ الْخَلْقَ ۚ ثُمَّ اللهُ
يُنشِئُ النَّشْأَةَ الْآخِرَةَ ۚ إِنَّ اللهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
Qul seeroo fee al-ardi fanthurookayfa badaa alkhalqa thumma Allahu yunshi-o
annash-ataal-akhirata inna Allaha AAala kulli shay-inqadeer
Somali
waxaad dhahdaa socda Dhulka oo daya sida Eebe u biilaabay khalqiga, hadana Eebe
u ahaysiin abuuridda dambe (Soo bixinta), Eebana wax walba wuu karaa.
|
Ayah 29:21 الأية
يُعَذِّبُ مَن يَشَاءُ وَيَرْحَمُ مَن يَشَاءُ ۖ وَإِلَيْهِ تُقْلَبُونَ
YuAAaththibu man yashao wayarhamuman yashao wa-ilayhi tuqlaboon
Somali
wuxuu cadaabaa cidduu doono wuxuuna u naxariistaa cidduu doono xaggiisaana
laydiin celin.
|
Ayah 29:22 الأية
وَمَا أَنتُم بِمُعْجِزِينَ فِي الْأَرْضِ وَلَا فِي السَّمَاءِ ۖ وَمَا لَكُم مِّن
دُونِ اللهِ مِن وَلِيٍّ وَلَا نَصِيرٍ
Wama antum bimuAAjizeena fee al-ardiwala fee assama-i wama lakum mindooni Allahi
min waliyyin wala naseer
Somali
idinkuna ma tihidin kuwa Eebe ku daaliya Dhulka iyo Samada midna wax Eebe ka
soohadhay oo idiin sokeeya ah ama idiin gargaarina ma jiro.
|
Ayah 29:23 الأية
وَالَّذِينَ كَفَرُوا بِآيَاتِ اللهِ وَلِقَائِهِ أُولَٰئِكَ يَئِسُوا مِن
رَّحْمَتِي وَأُولَٰئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
Wallatheena kafaroo bi-ayatiAllahi waliqa-ihi ola-ika ya-isoo min
rahmateewaola-ika lahum AAathabun aleem
Somali
kuwii ka gaaloobay aayaadka Eebe iyo la kulankiisa kuwaasi waxay kaquusteen
naxariistayda waxaana kuwaas u sugnaaday Cadaab daran.
|
Ayah 29:24 الأية
فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِ إِلَّا أَن قَالُوا اقْتُلُوهُ أَوْ حَرِّقُوهُ
فَأَنجَاهُ اللهُ مِنَ النَّارِ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ
يُؤْمِنُونَ
Fama kana jawabaqawmihi illa an qaloo oqtuloohu aw harriqoohufaanjahu Allahu
mina annari inna feethalika laayatin liqawmin yu/minoon
Somali
Jawaabtii Qoomkiisuna waxaad ahayn Dila ama Guba ma ahayn, markaasaa Eebe ka
koriyey Dabkii, arrintaasna waano yaa ugu sugan Cidii wax rumeyn.
|
Ayah 29:25 الأية
وَقَالَ إِنَّمَا اتَّخَذْتُم مِّن دُونِ اللهِ أَوْثَانًا مَّوَدَّةَ بَيْنِكُمْ
فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۖ ثُمَّ يَوْمَ الْقِيَامَةِ يَكْفُرُ بَعْضُكُم
بِبَعْضٍ وَيَلْعَنُ بَعْضُكُم بَعْضًا وَمَأْوَاكُمُ النَّارُ وَمَا لَكُم مِّن
نَّاصِرِينَ
Waqala innama ittakhathtummin dooni Allahi awthanan mawaddata baynikum fee
alhayatiaddunya thumma yawma alqiyamati yakfurubaAAdukum bibaAAdin wayalAAanu
baAAdukumbaAAdan wama-wakumu annaru wamalakum min nasireen
Somali
wuxuuna ku yidhi (Nabi Ibraahim) waxaad yeelateen Eebe ka sokow Sanamyaal Jacayl
dhexdiinna ah dartiis Nolosha adduunyo, Maalinta Qiyaamese wuu diidi qaarka kale
Lacanadina qaarkin qaarka kale, Hoygiinuna waa Naarta wax idiin gargaarina idiin
ma sugnaan.
|
Ayah 29:26 الأية
فَآمَنَ لَهُ لُوطٌ ۘ وَقَالَ إِنِّي مُهَاجِرٌ إِلَىٰ رَبِّي ۖ إِنَّهُ هُوَ
الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ
Faamana lahu lootun waqalainnee muhajirun ila rabbee innahu huwa
alAAazeezualhakeem
Somali
waxaa rumeeyey Nabi Ibraahim (Nabi) Luudh wuxuuna yidhi Nabi Ibraahim waxaan u
hijroon Eebehay illeen waa adkaade falsane.
|
Ayah 29:27 الأية
وَوَهَبْنَا لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ وَجَعَلْنَا فِي ذُرِّيَّتِهِ النُّبُوَّةَ
وَالْكِتَابَ وَآتَيْنَاهُ أَجْرَهُ فِي الدُّنْيَا ۖ وَإِنَّهُ فِي الْآخِرَةِ
لَمِنَ الصَّالِحِينَ
Wawahabna lahu ishaqawayaAAqooba wajaAAalna fee thurriyyatihi
annubuwwatawalkitaba waataynahu ajrahu fee addunyawa-innahu fee al-akhirati
lamina assaliheen
Somali
waxaana siinay isxaaq iyo yacquub waxaana yeelay faraciisii Nabinimo iyo Kitaab
(loo soodajiyey) waxaana siiney ajrigiisii adduunyada dhexdeeda aakhirana wuxuu
ka mid noqon kuwa suuban.
|
Ayah 29:28 الأية
وَلُوطًا إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِ إِنَّكُمْ لَتَأْتُونَ الْفَاحِشَةَ مَا سَبَقَكُم
بِهَا مِنْ أَحَدٍ مِّنَ الْعَالَمِينَ
Walootan ith qalaliqawmihi innakum lata/toona alfahishata masabaqakum biha min
ahadin mina alAAalameen
Somali
«Nabi» Luudhna «xusuuso» markuu ku yidhi qoomkiisii waxaad latimaadeen xumaan
aan cidna idiinkahormarin addunyada.
|
Ayah 29:29 الأية
أَئِنَّكُمْ لَتَأْتُونَ الرِّجَالَ وَتَقْطَعُونَ السَّبِيلَ وَتَأْتُونَ فِي
نَادِيكُمُ الْمُنكَرَ ۖ فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِ إِلَّا أَن قَالُوا ائْتِنَا
بِعَذَابِ اللهِ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ
A-innakum lata/toona arrijalawataqtaAAoona assabeela wata/toona fee
nadeekumualmunkara fama kana jawaba qawmihi illaan qaloo i/tina biAAathabi
Allahi inkunta mina assadiqeen
Somali
idinku ma waxaad u tagaysaan Ragga ood goynaysaan Jidka Kulana imaanaysaan
Naadigiina wax la naco, mana noqonin qoomkiisii jawaabtoodii inay dhahaan noo
keen cadaabka Eebe hadaad ka Mid tahay runlayaasha mooyee.
|
Ayah 29:30 الأية
قَالَ رَبِّ انصُرْنِي عَلَى الْقَوْمِ الْمُفْسِدِينَ
Qala rabbi onsurnee AAalaalqawmi almufsideen
Somali
wuxuuna yidhi Eebow iiga gargaar qoomka wax fasaadiya.
|
Ayah 29:31 الأية
وَلَمَّا جَاءَتْ رُسُلُنَا إِبْرَاهِيمَ بِالْبُشْرَىٰ قَالُوا إِنَّا مُهْلِكُو
أَهْلِ هَٰذِهِ الْقَرْيَةِ ۖ إِنَّ أَهْلَهَا كَانُوا ظَالِمِينَ
Walamma jaat rusulunaibraheema bilbushra qaloo innamuhlikoo ahli hathihi
alqaryati inna ahlaha kanoothalimeen
Somali
markay ulatimid fariintanadii (Malaa'igtii) Nabi Ibraahim bishaaro waxay dhaheen
anagu waxaan halaagayna ehelka magaaladan, ehelkeedu waa daalimiine.
|
Ayah 29:32 الأية
قَالَ إِنَّ فِيهَا لُوطًا ۚ قَالُوا نَحْنُ أَعْلَمُ بِمَن فِيهَا ۖ
لَنُنَجِّيَنَّهُ وَأَهْلَهُ إِلَّا امْرَأَتَهُ كَانَتْ مِنَ الْغَابِرِينَ
Qala inna feeha lootanqaloo nahnu aAAlamu biman feehalanunajjiyannahu waahlahu
illa imraatahu kanat minaalghabireen
Somali
(wuxuu yidhi Nabi Ibraahim) waxaa ku sugan Luudh, waxay dhaheen anagaa og cidda
dhexdeeda ah waanu korinaynaa Luudh iyo ehelkiisa Haweenaydiisa mooyee oo noqon
ku wa halaaggu ku hadhi.
|
Ayah 29:33 الأية
وَلَمَّا أَن جَاءَتْ رُسُلُنَا لُوطًا سِيءَ بِهِمْ وَضَاقَ بِهِمْ ذَرْعًا
وَقَالُوا لَا تَخَفْ وَلَا تَحْزَنْ ۖ إِنَّا مُنَجُّوكَ وَأَهْلَكَ إِلَّا
امْرَأَتَكَ كَانَتْ مِنَ الْغَابِرِينَ
Walamma an jaat rusulunalootan see-a bihim wadaqa bihim tharAAan waqaloola
takhaf wala tahzan inna munajjookawaahlaka illa imraataka kanat mina alghabireen
Somali
markay Rasuuladanadii (Malaa'igtii) u timid Luudh wuu ka tiiraanyooday wuuna la
cidhiidhyamay waxayna ku dhaheen ha cabsan hana tiiraanyoon waanu ku korin adiga
iyo ehelkaagabee Haweenaydaada mooyee oo noqon kuwa lahalaagi.
|
Ayah 29:34 الأية
إِنَّا مُنزِلُونَ عَلَىٰ أَهْلِ هَٰذِهِ الْقَرْيَةِ رِجْزًا مِّنَ السَّمَاءِ
بِمَا كَانُوا يَفْسُقُونَ
Inna munziloona AAala ahli hathihialqaryati rijzan mina assama-i bima
kanooyafsuqoon
Somali
waxaanu ku soo dajin magaalada Dadkeeda Dhagaxyo (Naarced) oo Samada ka yimid
faasiqnimadooda darteed.
|
Ayah 29:35 الأية
وَلَقَد تَّرَكْنَا مِنْهَا آيَةً بَيِّنَةً لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ
Walaqad tarakna minha ayatanbayyinatan liqawmin yaAAqiloon
Somali
waxaanu kaga tagnay magaaladaa calaamad u muuqata Qoomkii wax kasi.
|
Ayah 29:36 الأية
وَإِلَىٰ مَدْيَنَ أَخَاهُمْ شُعَيْبًا فَقَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللهَ
وَارْجُوا الْيَوْمَ الْآخِرَ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ
Wa-ila madyana akhahumshuAAayban faqala ya qawmi oAAbudoo Allahawarjoo alyawma
al-akhira wala taAAthaw feeal-ardi mufsideen
Somali
ree Madyanna (waxaanu u diray Walaalkood (Nabi) Shucayb wuxuuna ku yidhi
Qoomkayow Caabuda Eebe, rajeeyana (ka yaaba) Maalintii dambaysay hana la
soconina dhulka fasaadin.
|
Ayah 29:37 الأية
فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَتْهُمُ الرَّجْفَةُ فَأَصْبَحُوا فِي دَارِهِمْ جَاثِمِينَ
Fakaththaboohu faakhathat-humuarrajfatu faasbahoo fee darihim jathimeen
Somali
markaasay beeniyeen waxaana qabtay Gariir (iyo Qaylo) waxayna noqdeen kuwo
Lawyaha u dhaca.
|
Ayah 29:38 الأية
وَعَادًا وَثَمُودَ وَقَد تَّبَيَّنَ لَكُم مِّن مَّسَاكِنِهِمْ ۖ وَزَيَّنَ لَهُمُ
الشَّيْطَانُ أَعْمَالَهُمْ فَصَدَّهُمْ عَنِ السَّبِيلِ وَكَانُوا مُسْتَبْصِرِينَ
WaAAadan wathamooda waqad tabayyanalakum min masakinihim wazayyana lahumu
ashshaytanuaAAmalahum fasaddahum AAani assabeeli wakanoomustabsireen
Somali
Caad iyo Thamuudna (waan halaagnay), «halaagooduna» wuxuu idiinka muuqdaa
Guryahoodii, wuxuuna u qurxiyey Shaydaan Camal koodi, wuxuuna kaleexiyey Jidka
waxayna ahaayeen kuwo wax arka (haday waantoobi) .
|
Ayah 29:39 الأية
وَقَارُونَ وَفِرْعَوْنَ وَهَامَانَ ۖ وَلَقَدْ جَاءَهُم مُّوسَىٰ بِالْبَيِّنَاتِ
فَاسْتَكْبَرُوا فِي الْأَرْضِ وَمَا كَانُوا سَابِقِينَ
Waqaroona wafirAAawna wahamanawalaqad jaahum moosa bilbayyinati fastakbaroofee
al-ardi wama kanoo sabiqeen
Somali
Qaaruun, Fircoon iyo Haamaana (waa lahalaagay), dhab ahaanna wuxuu ugula yimid
(Nabi) Muuse xujooyin wayna isku kibriyeen dhulka, mana aha kuwo naga dheereyn
(carari) kara.
|
Ayah 29:40 الأية
فَكُلًّا أَخَذْنَا بِذَنبِهِ ۖ فَمِنْهُم مَّنْ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِ حَاصِبًا
وَمِنْهُم مَّنْ أَخَذَتْهُ الصَّيْحَةُ وَمِنْهُم مَّنْ خَسَفْنَا بِهِ الْأَرْضَ
وَمِنْهُم مَّنْ أَغْرَقْنَا ۚ وَمَا كَانَ اللهُ لِيَظْلِمَهُمْ وَلَٰكِن
كَانُوا أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ
Fakullan akhathna bithanbihifaminhum man arsalna AAalayhi hasiban waminhum
manakhathat-hu assayhatu waminhum mankhasafna bihi al-arda waminhum man
aghraqnawama kana Allahu liyathlimahumwalakin kanoo anfusahum yathlimoon
Somali
dhammantood waxaan u qabanay dambigooda, waxaa ka mid ah mid aan ku diray Dabayl
Dhagax wadata, waxaa ka mid ah miday qabtay Qaylo, waxaa ka mid ah midaan la
goynay Dhulka, waxaa ka mid ah midaan maanshaynay, Eebana ma aha kii dulmiya
hasayeeshee iyagaa naftooda dulmiyey.
|
Ayah 29:41 الأية
مَثَلُ الَّذِينَ اتَّخَذُوا مِن دُونِ اللهِ أَوْلِيَاءَ كَمَثَلِ الْعَنكَبُوتِ
اتَّخَذَتْ بَيْتًا ۖ وَإِنَّ أَوْهَنَ الْبُيُوتِ لَبَيْتُ الْعَنكَبُوتِ ۖ لَوْ
كَانُوا يَعْلَمُونَ
Mathalu allatheena ittakhathoomin dooni Allahi awliyaa kamathali
alAAankabootiittakhathat baytan wa-inna awhana albuyooti labaytualAAankabooti
law kanoo yaAAlamoon
Somali
kuwii yeeshay Eebe kasokow Awliyo (sokeeye u gargaara) waxay lamid yihiin Caaro
yeelatay Guri waxaana ugu xun Guri' Guri Caaro hadday wax ogyihiin.
|
Ayah 29:42 الأية
إِنَّ اللهَ يَعْلَمُ مَا يَدْعُونَ مِن دُونِهِ مِن شَيْءٍ ۚ وَهُوَ الْعَزِيزُ
الْحَكِيمُ
Inna Allaha yaAAlamu mayadAAoona min doonihi min shay-in wahuwa alAAazeezu
alhakeem
Somali
Eebe waa ogyahay waxay baryayaan (Caabudayaan) oo isaga kasoo hadhay, Eebana waa
adkaade falsan.
|
Ayah 29:43 الأية
وَتِلْكَ الْأَمْثَالُ نَضْرِبُهَا لِلنَّاسِ ۖ وَمَا يَعْقِلُهَا إِلَّا
الْعَالِمُونَ
Watilka al-amthalu nadribuhalinnasi wama yaAAqiluha illaalAAalimoon
Somali
taasina waa tusaale aannu u yeelayno Dadka'wax kasi oon ahayn kuwa wax yaqaanna
ma jiro.
|
Ayah 29:44 الأية
خَلَقَ اللهُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ بِالْحَقِّ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً
لِّلْمُؤْمِنِينَ
Khalaqa Allahu assamawatiwal-arda bilhaqqi inna fee thalikalaayatan lilmu-mineen
Somali
Eebaa u abuuray Samooyinka iyo Dhulka si xaq ah, arrintaasna Calaamaa ugu sugan
Mu'miniinta.
|
Ayah 29:45 الأية
اتْلُ مَا أُوحِيَ إِلَيْكَ مِنَ الْكِتَابِ وَأَقِمِ الصَّلَاةَ ۖ إِنَّ
الصَّلَاةَ تَنْهَىٰ عَنِ الْفَحْشَاءِ وَالْمُنكَرِ ۗ وَلَذِكْرُ اللهِ أَكْبَرُ
ۗ وَاللهُ يَعْلَمُ مَا تَصْنَعُونَ
Otlu ma oohiya ilayka minaalkitabi waaqimi assalata inna assalatatanha AAani
alfahsha-i walmunkariwalathikru Allahi akbaru wallahuyaAAlamu ma tasnaAAoon
Somali
Akhri (Nabiyow) waxa luguu waxyoon oo Kitaabka ah oog Salaaddana
maxaayeelaySalaaddu waxay ka reebta (Dadka) Xumaanta iyo waxa la noco, xusidda
Eebaana weyn, Eebana waa ogyahay waxaad sanceyneysaan.
|
Ayah 29:46 الأية
وَلَا تُجَادِلُوا أَهْلَ الْكِتَابِ إِلَّا بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ إِلَّا
الَّذِينَ ظَلَمُوا مِنْهُمْ ۖ وَقُولُوا آمَنَّا بِالَّذِي أُنزِلَ إِلَيْنَا
وَأُنزِلَ إِلَيْكُمْ وَإِلَٰهُنَا وَإِلَٰهُكُمْ وَاحِدٌ وَنَحْنُ لَهُ
مُسْلِمُونَ
Wala tujadiloo ahla alkitabiilla billatee hiya ahsanu illa allatheenathalamoo
minhum waqooloo amanna billatheeonzila ilayna waonzila ilaykum
wa-ilahunawa-ilahukum wahidun wanahnu lahu muslimoon
Somali
hakula murmina ehelu Kitaabka wax fiican mooyee, marka lagareebo kuwa dulmiga
fala oo ka mid ah, waxaadna dhahdaan waxaan rumeynay wixii nalagu soo dajiyey
iyo wixii laydinku soo dajiyey Ilaahaanno iyo ilaahiinna waa mid annaguna
isagaan u hogaansanay.
|
Ayah 29:47 الأية
وَكَذَٰلِكَ أَنزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ ۚ فَالَّذِينَ آتَيْنَاهُمُ الْكِتَابَ
يُؤْمِنُونَ بِهِ ۖ وَمِنْ هَٰؤُلَاءِ مَن يُؤْمِنُ بِهِ ۚ وَمَا يَجْحَدُ
بِآيَاتِنَا إِلَّا الْكَافِرُونَ
Wakathalika anzalna ilaykaalkitaba fallatheena ataynahumualkitaba yu/minoona
bihi wamin haola-i manyu/minu bihi wama yajhadu bi-ayatinailla alkafiroon
Somali
saasaanu kuugu soodajiney Kitaabka, kuwa la siiyey Kitaabkana way rumeeyaan,
kuwaasna waxaa ka mid ah kuwo rumeyn (ree Makaad), mana diido aayaadkanaga
Gaalmooyee.
|
Ayah 29:48 الأية
وَمَا كُنتَ تَتْلُو مِن قَبْلِهِ مِن كِتَابٍ وَلَا تَخُطُّهُ بِيَمِينِكَ ۖ إِذًا
لَّارْتَابَ الْمُبْطِلُونَ
Wama kunta tatloo min qablihi min kitabinwala takhuttuhu biyameenika ithan
lartabaalmubtiloon
Somali
matihid mid wax akhriya Quraanka ka hor kumana aadan dhigi jirin Midigtaada
markaas ay shakiyaan kuwa baadhilka (xumaanta) ku socda.
|
Ayah 29:49 الأية
بَلْ هُوَ آيَاتٌ بَيِّنَاتٌ فِي صُدُورِ الَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ ۚ وَمَا
يَجْحَدُ بِآيَاتِنَا إِلَّا الظَّالِمُونَ
Bal huwa ayatun bayyinatunfee sudoori allatheena ootoo alAAilma wamayajhadu
bi-ayatina illa aththalimoon
Somali
waase aayaad cad cad kuna sugan laabta kuwa cilmiga la siiyey, wax diidi
aayaadkanaga oon daalimiinta ahayna ma jiro.
|
Ayah 29:50 الأية
وَقَالُوا لَوْلَا أُنزِلَ عَلَيْهِ آيَاتٌ مِّن رَّبِّهِ ۖ قُلْ إِنَّمَا
الْآيَاتُ عِندَ اللهِ وَإِنَّمَا أَنَا نَذِيرٌ مُّبِينٌ
Waqaloo lawla onzila AAalayhi ayatunmin rabbihi qul innama al-ayatu AAinda
Allahiwa-innama ana natheerun mubeen
Somali
waxay dhaheen gaaladii (Makaad) maxaa loogu dajinwaayey korkiisa aayado xagga
Eebe ka yimid, waxaad dhahdaa aayaadku waxaa uun ay ka yimaadaan Eebe agtiisa
aniguse waxaan uun ahay udige muuqda.
|
Ayah 29:51 الأية
أَوَلَمْ يَكْفِهِمْ أَنَّا أَنزَلْنَا عَلَيْكَ الْكِتَابَ يُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ۚ
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَرَحْمَةً وَذِكْرَىٰ لِقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
Awa lam yakfihim anna anzalnaAAalayka alkitaba yutla AAalayhim inna fee
thalikalarahmatan wathikra liqawmin yu/minoon
Somali
miyuusanse ku fileyn inaan kugu soo dajinay Kitaabka (Quraanka) oo lagu akhriyo
korkaaga, arrintaasna naxariis iyo waano yaa ugu sugan qoomkii rumeyn (xaqa).
|
Ayah 29:52 الأية
قُلْ كَفَىٰ بِاللهِ بَيْنِي وَبَيْنَكُمْ شَهِيدًا ۖ يَعْلَمُ مَا فِي
السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۗ وَالَّذِينَ آمَنُوا بِالْبَاطِلِ وَكَفَرُوا
بِاللهِ أُولَٰئِكَ هُمُ الْخَاسِرُونَ
Qul kafa billahibaynee wabaynakum shaheedan yaAAlamu ma fee assamawatiwal-ardi
wallatheena amanoobilbatili wakafaroo billahi ola-ikahumu alkhasiroon
Somali
waxaad dhahdaa waxaa ku filan dhexdeenna Eebe markhaati ahaan wuxuuna ogyahay
waxa ku sugan samooyinka iyo Dhulka, kuwa rumeeyey badhil kana gaaloobay Eebe
kuwaasi iyaga uunbaa khasaaray.
|
Ayah 29:53 الأية
وَيَسْتَعْجِلُونَكَ بِالْعَذَابِ ۚ وَلَوْلَا أَجَلٌ مُّسَمًّى لَّجَاءَهُمُ
الْعَذَابُ وَلَيَأْتِيَنَّهُم بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
WayastaAAjiloonaka bilAAathabiwalawla ajalun musamman lajaahumu
alAAathabuwalaya/tiyannahum baghtatan wahum la yashAAuroon
Somali
waxay kaa dadajisan Cadaab, haddaynajirin muddo magacaaban waxaa u imaan lahaa
Cadaabka, wuxuuna ugu imaanlahaa kado iyagoon ogayn.
|
Ayah 29:54 الأية
يَسْتَعْجِلُونَكَ بِالْعَذَابِ وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمُحِيطَةٌ بِالْكَافِرِينَ
YastaAAjiloonaka bilAAathabiwa-inna jahannama lamuheetatun bilkafireen
Somali
waxay kaa dadajisan Cadaab, Naarta Jahannamana waxay koobi gaalada.
|
Ayah 29:55 الأية
يَوْمَ يَغْشَاهُمُ الْعَذَابُ مِن فَوْقِهِمْ وَمِن تَحْتِ أَرْجُلِهِمْ وَيَقُولُ
ذُوقُوا مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Yawma yaghshahumu alAAathabumin fawqihim wamin tahti arjulihim wayaqoolu
thooqooma kuntum taAAmaloon
Somali
maalinta (Qiyaamada) waxaa dabooli Gaalada Cadaab korkooda iyo Lugahooda
hoostoodaba, wuxuuna ku dhihi Eebe dhadhamiya waxaad Camalfali jirteen.
|
Ayah 29:56 الأية
يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّ أَرْضِي وَاسِعَةٌ فَإِيَّايَ فَاعْبُدُونِ
Ya AAibadiya allatheenaamanoo inna ardee wasiAAatun fa-iyyayafaAAbudoon
Somali
addoomadayda rumeeyow Dhulkayga waa waasac ee Aniga uun i caabuda.
|
Ayah 29:57 الأية
كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ۖ ثُمَّ إِلَيْنَا تُرْجَعُونَ
Kullu nafsin tha-iqatu almawti thummailayna turjaAAoon
Somali
Nafkastaa waxay dhadhamin Geerida xaggaygaana laydiin soo celin markaas.
|
Ayah 29:58 الأية
وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَنُبَوِّئَنَّهُم مِّنَ الْجَنَّةِ
غُرَفًا تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا ۚ نِعْمَ أَجْرُ
الْعَامِلِينَ
Wallatheena amanoowaAAamiloo assalihati lanubawwi-annahummina aljannati ghurafan
tajree min tahtiha al-anharukhalideena feeha niAAma ajru alAAamileen
Somali
kuwa (xaqa) rumeeyey Camalfiicanna falay waxaanu dajin Jannada Qolol ay dureri
dhexdeeda wabiyaal ayna ku waari dhexdeeda, waxaana ugu wanaagsan ujuurada kuwa
shaqeeyey (Jannada).
|
Ayah 29:59 الأية
الَّذِينَ صَبَرُوا وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ
Allatheena sabaroo waAAalarabbihim yatawakkaloon
Somali
ee ah kuwa samray Eebahoodna tala saarta.
|
Ayah 29:60 الأية
وَكَأَيِّن مِّن دَابَّةٍ لَّا تَحْمِلُ رِزْقَهَا اللهُ يَرْزُقُهَا
وَإِيَّاكُمْ ۚ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ
Wakaayyin min dabbatin la tahmilurizqaha Allahu yarzuquha wa-iyyakumwahuwa
assameeAAu alAAaleem
Somali
badanaa dhul socod aan xambaaran karin rizqigeeda ee Eebe arzuqo iyada iyo
idinkaba. Eebana waa maqle oge ah.
|
Ayah 29:61 الأية
وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَسَخَّرَ الشَّمْسَ
وَالْقَمَرَ لَيَقُولُنَّ اللهُ ۖ فَأَنَّىٰ يُؤْفَكُونَ
Wala-in saaltahum man khalaqa assamawatiwal-arda wasakhkhara ashshamsa
walqamaralayaqoolunna Allahu faanna yu/fakoon
Somali
haddaad waydiiso Gaalada yaa abuuray samooyinka iyo dhulka oo sakhiray Qoraxda
iyo Dayaxa, waxay odhan Ilaahay, ee xagee loo iili Gaalada.
|
Ayah 29:62 الأية
اللهُ يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ وَيَقْدِرُ لَهُ ۚ إِنَّ
اللهَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ
Allahu yabsutu arrizqaliman yashao min AAibadihi wayaqdiru lahu inna
Allahabikulli shay-in AAaleem
Somali
Eebaa u waasiciya rizqiga ruuxuu doono oo addoomihiisa ah, kuna cidhiidhya (kuu
doono), Eebana wax walba waa ogyahay.
|
Ayah 29:63 الأية
وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّن نَّزَّلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَحْيَا بِهِ الْأَرْضَ
مِن بَعْدِ مَوْتِهَا لَيَقُولُنَّ اللهُ ۚ قُلِ الْحَمْدُ لِلَّهِ ۚ بَلْ
أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْقِلُونَ
Wala-in saaltahum man nazzala mina assama-imaan faahya bihi al-arda min
baAAdimawtiha layaqoolunna Allahu quli alhamdulillahi bal aktharuhum la
yaAAqiloon
Somali
haddaad waydiiso Gaalada yaa ka soo dajiya Samada Biyo oo ku nooleeya dhulka
intuu dhintay (abaaroobay) kadib waxay odhan Ilaahay, waxaad dhahdaa mahad Eebaa
iska leh, badankooduse wax ma kasayaan.
|
Ayah 29:64 الأية
وَمَا هَٰذِهِ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا لَهْوٌ وَلَعِبٌ ۚ وَإِنَّ الدَّارَ
الْآخِرَةَ لَهِيَ الْحَيَوَانُ ۚ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ
Wama hathihi alhayatuaddunya illa lahwun walaAAibun wa-inna addaraal-akhirata
lahiya alhayawanu law kanooyaAAlamoon
Somali
mana aha noloshan adduunyo Ciyaar iyo dheeldheel mooyee, Daarta aakhiraana meel
nololeed ah hadday wax ogyihiin Dadku.
|
Ayah 29:65 الأية
فَإِذَا رَكِبُوا فِي الْفُلْكِ دَعَوُا اللهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ
فَلَمَّا نَجَّاهُمْ إِلَى الْبَرِّ إِذَا هُمْ يُشْرِكُونَ
Fa-itha rakiboo fee alfulki daAAawooAllaha mukhliseena lahu addeena
falammanajjahum ila albarri itha hum yushrikoon
Somali
markay koraan Doonta waxay baryaan Eebe iyagoo u kaliyeeli Cibaadada, markuu u
koriyo (oo geeyo) Barrigana (Dhulkana) markaasay u shariigyeelaan (wax la
caabudaan).
|
Ayah 29:66 الأية
لِيَكْفُرُوا بِمَا آتَيْنَاهُمْ وَلِيَتَمَتَّعُوا ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ
Liyakfuroo bima ataynahumwaliyatamattaAAoo fasawfa yaAAlamoon
Somali
si ay uga gaaloobaan waxaan siinay uguna raaxaystaan, wayse ogaan doonaan
(Cidhibteeda).
|
Ayah 29:67 الأية
أَوَلَمْ يَرَوْا أَنَّا جَعَلْنَا حَرَمًا آمِنًا وَيُتَخَطَّفُ النَّاسُ مِنْ
حَوْلِهِمْ ۚ أَفَبِالْبَاطِلِ يُؤْمِنُونَ وَبِنِعْمَةِ اللهِ يَكْفُرُونَ
Awa lam yaraw anna jaAAalna haramanaminan wayutakhattafu annasu min
hawlihimafabilbatili yu/minoona wabiniAAmati Allahiyakfuroon
Somali
miyeyna arkeyn Gaaladii (Qureesheed) inaan yeeley (dajiney) Xaram aamin ah oo
ladafayo Dadka dhinacyadooda ah, mabaadilbay rumeyn oo nicmada Eebe ka gaaloobi.
|
Ayah 29:68 الأية
وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَىٰ عَلَى اللهِ كَذِبًا أَوْ كَذَّبَ بِالْحَقِّ
لَمَّا جَاءَهُ ۚ أَلَيْسَ فِي جَهَنَّمَ مَثْوًى لِّلْكَافِرِينَ
Waman athlamu mimmani iftaraAAala Allahi kathiban aw kaththaba bilhaqqilamma
jaahu alaysa fee jahannama mathwan lilkafireen
Somali
Cidna kama dulmi badna ruux ku been abuurtay Eebe korkiisa ama beeniyey xaqa
markuu u yimid, miyeyna ahayn Jahannamo Hoyga Gaalada.
|
Ayah 29:69 الأية
وَالَّذِينَ جَاهَدُوا فِينَا لَنَهْدِيَنَّهُمْ سُبُلَنَا ۚ وَإِنَّ اللهَ
لَمَعَ الْمُحْسِنِينَ
Wallatheena jahadoofeena lanahdiyannahum subulana wa-inna AllahalamaAAa
almuhsineen
Somali
kuwa ku jahaaday Dartanno waxaanu ku hanuunin Jidkanaga, Eebana wuxuu la jiraa
kuwa wanaagga fala.
|
©
EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us
|