1st Ayah 1 الأية ١الأوليبِسْم ِ اللهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
الم
Alif-lam-meem
Somali
(Waxay ku tusin mucjisada Quraanka).
|
Ayah 3:2 الأية
اللهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ
Allahu la ilaha illahuwa alhayyu alqayyoom
Somali
Eebe Haah kale majiro isaga mooyee, ee Nool, ee Maamula khaliga.
|
Ayah 3:3 الأية
نَزَّلَ عَلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ مُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ
وَأَنزَلَ التَّوْرَاةَ وَالْإِنجِيلَ
Nazzala AAalayka alkitaba bilhaqqimusaddiqan lima bayna yadayhi waanzala
attawratawal-injeel
Somali
Wuxuu kugu Dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Quraanka) si Xaq ah, isagoo u Rumcyn
wixii ka Horeeyey, wuxuuna soo Dejiyey Eebe Tawreed iyo Injiil (waqti).
|
Ayah 3:4 الأية
مِن قَبْلُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَأَنزَلَ الْفُرْقَانَ ۗ إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا
بِآيَاتِ اللهِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ ۗ وَاللهُ عَزِيزٌ ذُو انتِقَامٍ
Min qablu hudan linnasiwaanzala alfurqana inna allatheena kafaroo bi-ayatiAllahi
lahum AAathabun shadeedun wallahuAAazeezun thoo intiqam
Somali
Hore iyagoo Hanuun u ah Dadka, wuxuuna soo Dejiyey (Eebe) Furqaan (Quraanka)
kuwa ka Gaaloobay Aayaadka Eebe waxay Mudan Cadaab Daran, Lebana waa Adkaade
Aarsada.
|
Ayah 3:5 الأية
إِنَّ اللهَ لَا يَخْفَىٰ عَلَيْهِ شَيْءٌ فِي الْأَرْضِ وَلَا فِي السَّمَاءِ
Inna Allaha la yakhfaAAalayhi shay-on fee al-ardi wala fee assama/-
Somali
Eebana kagama Qarsoona Korkiisa waxba Dhulka iyo Samada midna.
|
Ayah 3:6 الأية
هُوَ الَّذِي يُصَوِّرُكُمْ فِي الْأَرْحَامِ كَيْفَ يَشَاءُ ۚ لَا إِلَٰهَ إِلَّا
هُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ
Huwa allathee yusawwirukum feeal-arhami kayfa yashao la ilaha illahuwa
alAAazeezu alhakeem
Somali
Waana Eebaha idinku Sawira (Abuura) Riximyada (Ilmo galeenka) siduu Doono, Eebe
mooyee Ilaah kale ma jiro waana Adkaade Falsan.
|
Ayah 3:7 الأية
هُوَ الَّذِي أَنزَلَ عَلَيْكَ الْكِتَابَ مِنْهُ آيَاتٌ مُّحْكَمَاتٌ هُنَّ أُمُّ
الْكِتَابِ وَأُخَرُ مُتَشَابِهَاتٌ ۖ فَأَمَّا الَّذِينَ فِي قُلُوبِهِمْ زَيْغٌ
فَيَتَّبِعُونَ مَا تَشَابَهَ مِنْهُ ابْتِغَاءَ الْفِتْنَةِ وَابْتِغَاءَ
تَأْوِيلِهِ ۗ وَمَا يَعْلَمُ تَأْوِيلَهُ إِلَّا اللهُ ۗ وَالرَّاسِخُونَ فِي
الْعِلْمِ يَقُولُونَ آمَنَّا بِهِ كُلٌّ مِّنْ عِندِ رَبِّنَا ۗ وَمَا يَذَّكَّرُ
إِلَّا أُولُو الْأَلْبَابِ
Huwa allathee anzala AAalayka alkitabaminhu ayatun muhkamatun hunna ommualkitabi
waokharu mutashabihatun faammaallatheena fee quloobihim zayghun fayattabiAAoona
matashabaha minhu ibtighaa alfitnati wabtighaata/weelihi wama yaAAlamu
ta/weelahu illa Allahuwarrasikhoona fee alAAilmi yaqooloona amannabihi kullun
min AAindi rabbina wama yaththakkaruilla oloo al-albab
Somali
Eebe waa kan kugu soo dejiyey Kitaabka, waxaana ka mid ah Aayado sugan
(Macnahoodu Cadyahay) oo ah Hooyada Quraanka (Asalkiisa) iyo kuwa kale oo isu
eg, kuwa Qalbigoodu leexasho ku jirto waxay, Raacraacaan kan is shabaha (isu eg)
doonid Fidmo (Xumaan) iyo doonid Ta'wiil (Leexin Fasir) darteed, wax og Fasirka
(kaasna) Ma jiro Eebe iyo kuwa ku Xididaystay Cilmiga mooyee, waxayna dhihi waan
rumeynay kaas, dhammaana wuxuu ka ahaaday Eebeheen agtiisa, mana waantoobo kuwa
caqliga lch mooyee.
|
Ayah 3:8 الأية
رَبَّنَا لَا تُزِغْ قُلُوبَنَا بَعْدَ إِذْ هَدَيْتَنَا وَهَبْ لَنَا مِن لَّدُنكَ
رَحْمَةً ۚ إِنَّكَ أَنتَ الْوَهَّابُ
Rabbana la tuzigh quloobanabaAAda ith hadaytana wahab lana min ladunkarahmatan
innaka anta alwahhab
Somali
Eebow ha iilin Quluubtannada intaad hanuunisay ka dib. nagana sii agtaada
Naxariis, adiga unbaa bixinbadane ehc.
|
Ayah 3:9 الأية
رَبَّنَا إِنَّكَ جَامِعُ النَّاسِ لِيَوْمٍ لَّا رَيْبَ فِيهِ ۚ إِنَّ اللهَ لَا
يُخْلِفُ الْمِيعَادَ
Rabbana innaka jamiAAu annasiliyawmin la rayba feehi inna Allaha layukhlifu
almeeAAad
Somali
Eebow adaa u kulmin Dadka Maalin darteed (Qiyaamada) oon shaki lahayn, Eebana ma
baajiyo Ballanka.
|
Ayah 3:10 الأية
إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا لَن تُغْنِيَ عَنْهُمْ أَمْوَالُهُمْ وَلَا أَوْلَادُهُم
مِّنَ اللهِ شَيْئًا ۖ وَأُولَٰئِكَ هُمْ وَقُودُ النَّارِ
Inna allatheena kafaroo lan tughniyaAAanhum amwaluhum wala awladuhum mina
Allahishay-an waola-ika hum waqoodu annar
Somali
kuwa Gaaloobay ugama taraan Xoolahoodu iyo Caruurtoodu Eebe xagiisa waxha,
kuwaasina iyaga umbaaah Shidaalka Naarla.
|
Ayah 3:11 الأية
كَدَأْبِ آلِ فِرْعَوْنَ وَالَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا
فَأَخَذَهُمُ اللهُ بِذُنُوبِهِمْ ۗ وَاللهُ شَدِيدُ الْعِقَابِ
Kada/bi ali firAAawna wallatheenamin qablihim kaththaboo bi-ayatinafaakhathahumu
Allahu bithunoobihim wallahushadeedu alAAiqab
Somali
Waa sidii caadadii Fircoon iyo Ehelkiisii iyo kuwii ka horreeyey, waxay
beeniyeen Aayaadkangii, markaasuu Qabtay Eebe Dambigooda dartiis, Eebana waa
darantahay Ciqaabtiisu.
|
Ayah 3:12 الأية
قُل لِّلَّذِينَ كَفَرُوا سَتُغْلَبُونَ وَتُحْشَرُونَ إِلَىٰ جَهَنَّمَ ۚ وَبِئْسَ
الْمِهَادُ
Qul lillatheena kafaroo satughlaboonawatuhsharoona ila jahannama wabi/sa almihad
Somali
Waxaad u dhahdaa kuwii Gaaloobay waa laydinka adkaan, waxaana laydiin soo kulmin
Jahannamo iyadaana u xun Gogol.
|
Ayah 3:13 الأية
قَدْ كَانَ لَكُمْ آيَةٌ فِي فِئَتَيْنِ الْتَقَتَا ۖ فِئَةٌ تُقَاتِلُ فِي سَبِيلِ
اللهِ وَأُخْرَىٰ كَافِرَةٌ يَرَوْنَهُم مِّثْلَيْهِمْ رَأْيَ الْعَيْنِ ۚ
وَاللهُ يُؤَيِّدُ بِنَصْرِهِ مَن يَشَاءُ ۗ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَعِبْرَةً
لِّأُولِي الْأَبْصَارِ
Qad kana lakum ayatun feefi-atayni iltaqata fi-atun tuqatilu fee sabeeli
Allahiwaokhra kafiratun yarawnahum mithlayhim ra/yaalAAayni wallahu yu-ayyidu
binasrihi manyashao inna fee thalika laAAibratan li-olee al-absar
Somali
Waxaa iddinku sugan Aayad Labo Kooxood oo kulmay (Dagaalarnay) Kooxu Waxay ku
Dagaalami Jidka Eebe tan kalana waa Gaal, waxyna ku arkaan Mu'miniinta laba
Jibaarkood Xagga aragtida Isha, Eebana waa ku ayidaa (Xoojiyaa) Gargaarkiisa
Cidduu doono arrintaasna waanaa ugu sugan Ciddii Arag leh (wax garan).
|
Ayah 3:14 الأية
زُيِّنَ لِلنَّاسِ حُبُّ الشَّهَوَاتِ مِنَ النِّسَاءِ وَالْبَنِينَ
وَالْقَنَاطِيرِ الْمُقَنطَرَةِ مِنَ الذَّهَبِ وَالْفِضَّةِ وَالْخَيْلِ
الْمُسَوَّمَةِ وَالْأَنْعَامِ وَالْحَرْثِ ۗ ذَٰلِكَ مَتَاعُ الْحَيَاةِ
الدُّنْيَا ۖ وَاللهُ عِندَهُ حُسْنُ الْمَآبِ
Zuyyina linnasi hubbuashshahawati mina annisa-i walbaneenawalqanateeri
almuqantarati mina aththahabiwalfiddati walkhayli almusawwamati
wal-anAAamiwalharthi thalika mataAAu alhayatiaddunya wallahu AAindahu
husnualmaab
Somali
Waxaa loo qurxiyey Dadka Jacaylka waxa Naftu doonto oo ah Flaween, Wiilal iyo
wax badan oo laban laaban oo Dahab iyo qalin ah, iyo Fardo laylyan oo darban,
iyo Ancaamta (Xoolahanool) iyo Beeraha, arrintaasna waa raaxada Nolosha Aduun,
Eebe agtiisaana noqosho wanaagsan leh.
|
Ayah 3:15 الأية
قُلْ أَؤُنَبِّئُكُم بِخَيْرٍ مِّن ذَٰلِكُمْ ۚ لِلَّذِينَ اتَّقَوْا عِندَ
رَبِّهِمْ جَنَّاتٌ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا
وَأَزْوَاجٌ مُّطَهَّرَةٌ وَرِضْوَانٌ مِّنَ اللهِ ۗ وَاللهُ بَصِيرٌ
بِالْعِبَادِ
Qul aonabbi-okum bikhayrin min thalikumlillatheena ittaqaw AAinda rabbihim
jannatun tajreemin tahtiha al-anharu khalideena feehawaazwajun mutahharatun
waridwanunmina Allahi wallahu baseerun bilAAibad
Somali
Maydiin ka warramaa wax ka khayroon kiinaas, kuwa dhawrsada waxaa ugu sugnaaday
Eebahood agtiisa Jannoovin ay dareeri dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku waari
dhexdeeda iyo Haween la Daahiriyey iyo raalli ahaansho Eebe. Eebana waa arkaa
Addoomada.
|
Ayah 3:16 الأية
الَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا إِنَّنَا آمَنَّا فَاغْفِرْ لَنَا ذُنُوبَنَا
وَقِنَا عَذَابَ النَّارِ
Allatheena yaqooloona rabbanainnana amanna faghfir lana thunoobanawaqina
AAathaba annar
Somali
ee ah kuwa dhihi Eebow anagu waan rumeynay ee noo dhaaf Dambiyadanada nagana
dhawr Cadaabka Naarta.
|
Ayah 3:17 الأية
الصَّابِرِينَ وَالصَّادِقِينَ وَالْقَانِتِينَ وَالْمُنفِقِينَ
وَالْمُسْتَغْفِرِينَ بِالْأَسْحَارِ
Assabireena wassadiqeenawalqaniteena walmunfiqeena walmustaghfireenabil-ashar
Somali
Ee ah kuwa Samra ee Runloowgaah, ee Adeeca Eebe, ee wax bixiya, ee dambi dhaaf
warsada Aroortii.
|
Ayah 3:18 الأية
شَهِدَ اللهُ أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ وَالْمَلَائِكَةُ وَأُولُو
الْعِلْمِ قَائِمًا بِالْقِسْطِ ۚ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ
Shahida Allahu annahu la ilahailla huwa walmala-ikatu waoloo alAAilmi
qa-imanbilqisti la ilaha illa huwaalAAazeezu alhakeem
Somali
Eebe wuxuu Qirayaa inaan Eebe mooyee Ilaah kale jirin, Malaa'igtuna (way qiri)
iyo kuwa Cilmiga leh, Maamulana Cadaalad, Eebe kale ma jiro isaga mooyee waana
adkaade Falsan.
|
Ayah 3:19 الأية
إِنَّ الدِّينَ عِندَ اللهِ الْإِسْلَامُ ۗ وَمَا اخْتَلَفَ الَّذِينَ أُوتُوا
الْكِتَابَ إِلَّا مِن بَعْدِ مَا جَاءَهُمُ الْعِلْمُ بَغْيًا بَيْنَهُمْ ۗ وَمَن
يَكْفُرْ بِآيَاتِ اللهِ فَإِنَّ اللهَ سَرِيعُ الْحِسَابِ
Inna addeena AAinda Allahial-islamu wama ikhtalafa allatheena ootooalkitaba illa
min baAAdi ma jaahumualAAilmu baghyan baynahum waman yakfur bi-ayati
Allahifa-inna Allaha sareeAAu alhisab
Somali
Diintuna (Xaqa ah) Eebe agtiisa waa Islaamka, ismana khilaafin kuwii la siiyey
Kitaabka intuu u yimid Cilmi mooyee, Xasad (Dulmi) dhexdooda ah dartiis, ruuxii
ka Gaalooba Aayaadka Eebe Ilaahay waa deg deg badantahay Xisaabitiisu (wuu
Ciqaabi).
|
Ayah 3:20 الأية
فَإِنْ حَاجُّوكَ فَقُلْ أَسْلَمْتُ وَجْهِيَ لِلَّهِ وَمَنِ اتَّبَعَنِ ۗ وَقُل
لِّلَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ وَالْأُمِّيِّينَ أَأَسْلَمْتُمْ ۚ فَإِنْ
أَسْلَمُوا فَقَدِ اهْتَدَوا ۖ وَّإِن تَوَلَّوْا فَإِنَّمَا عَلَيْكَ الْبَلَاغُ ۗ
وَاللهُ بَصِيرٌ بِالْعِبَادِ
Fa-in hajjooka faqul aslamtu wajhiyalillahi wamani ittabaAAani waqul lillatheena
ootooalkitaba walommiyyeena aaslamtum fa-inaslamoo faqadi ihtadaw wa-in tawallaw
fa-innama AAalaykaalbalaghu wallahu baseerun bilAAibad
Somali
Hadday kula Xujaytamaan (Murmaan) waxaad dhahdaa waxaan u Flogaamiyey Wajigayga
Eebe (Ani) iyo inta i raaeday, waxaad ku dhahdaa kuwa la siiyey Kitaabka (Ehelu
Kitaabka) iyo Umiyiinta (Wax aqoon) ma Hogaansamaysaan (Hogaansama) hadday
bogaansamaana way Hanuuneen, Hadday Jeedsadaanna waxaa uun ku saaran -
Gaadhsiin, Eebana waa arkaa addoomada.
|
Ayah 3:21 الأية
إِنَّ الَّذِينَ يَكْفُرُونَ بِآيَاتِ اللهِ وَيَقْتُلُونَ النَّبِيِّينَ
بِغَيْرِ حَقٍّ وَيَقْتُلُونَ الَّذِينَ يَأْمُرُونَ بِالْقِسْطِ مِنَ النَّاسِ
فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ
Inna allatheena yakfuroona bi-ayatiAllahi wayaqtuloona annabiyyeena bighayri
haqqinwayaqtuloona allatheena ya/muroona bilqistimina annasi fabashshirhum
biAAathabin aleem
Somali
Kuwa ka Gaaloobi Aayaadka Eebe oo u Dila Nabiyada Xaq darro oo Dila kuwa fara
Caddaaladda oo Dadka ka mid ah ugu Bishaaree Cadaab Daran.
|
Ayah 3:22 الأية
أُولَٰئِكَ الَّذِينَ حَبِطَتْ أَعْمَالُهُمْ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ وَمَا
لَهُم مِّن نَّاصِرِينَ
Ola-ika allatheena habitataAAmaluhum fee addunya wal-akhiratiwama lahum min
nasireen
Somali
Kuwaasi waa kuwuu buray (Hoobtay) Camalkoodu Adduun iyo Aakhiraba mana u sugnaan
wax u gargaara.
|
Ayah 3:23 الأية
أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ أُوتُوا نَصِيبًا مِّنَ الْكِتَابِ يُدْعَوْنَ إِلَىٰ
كِتَابِ اللهِ لِيَحْكُمَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ يَتَوَلَّىٰ فَرِيقٌ مِّنْهُمْ وَهُم
مُّعْرِضُونَ
Alam tara ila allatheena ootoonaseeban mina alkitabi yudAAawna ila kitabiAllahi
liyahkuma baynahum thumma yatawallafareequn minhum wahum muAAridoon
Somali
Ma aragtay (ka waran) kuwii la siiyey Qayb ka mid ah Kitaabka oo loogu yeedhi
Kitaabka Eebe inuu kala xukurno dhexdooda markaas ay jeedsan Koox ka mid ah
iyagoo diidan (Xaqa).
|
Ayah 3:24 الأية
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَالُوا لَن تَمَسَّنَا النَّارُ إِلَّا أَيَّامًا
مَّعْدُودَاتٍ ۖ وَغَرَّهُمْ فِي دِينِهِم مَّا كَانُوا يَفْتَرُونَ
Thalika bi-annahum qaloo lantamassana annaru illa ayyamanmaAAdoodatin
wagharrahum fee deenihim ma kanooyaftaroon
Somali
Xaxaana ugu wacan inay dheheen ma na tabaato Naaru Maalmo mooyee, waxaa ku
dhagray Diinlooda waxay been abuuran jireen.
|
Ayah 3:25 الأية
فَكَيْفَ إِذَا جَمَعْنَاهُمْ لِيَوْمٍ لَّا رَيْبَ فِيهِ وَوُفِّيَتْ كُلُّ نَفْسٍ
مَّا كَسَبَتْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ
Fakayfa itha jamaAAnahumliyawmin la rayba feehi wawuffiyat kullu nafsin
makasabat wahum la yuthlamoon
Somali
Ee say ahaan markaanu u kulmino Maalin aan shaki lahayn, loona oofiyo.
(dhameeyo) Naf kastaa waxay kasbatay iyagoon la dulmayn.
|
Ayah 3:26 الأية
قُلِ اللهُمَّ مَالِكَ الْمُلْكِ تُؤْتِي الْمُلْكَ مَن تَشَاءُ وَتَنزِعُ
الْمُلْكَ مِمَّن تَشَاءُ وَتُعِزُّ مَن تَشَاءُ وَتُذِلُّ مَن تَشَاءُ ۖ بِيَدِكَ
الْخَيْرُ ۖ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
Quli allahumma malika almulkitu/tee almulka man tashao watanziAAu almulka mimman
tashaowatuAAizzu man tashao watuthillu man tashaobiyadika alkhayru innaka AAala
kulli shay-in qadeer
Somali
Waxaad dhahdaa Eebow adaa hanta Xukunka waxaad siisaa Xukunka Ciddaad doonto
waxaad ka siibtaa «Wareejisaa» Xukunka Ciddaad doonto waxaadna cisaysaa Ciddaad
doonto waxaadna Dulaysaa Ciddaad doonto adaana Hanta Khayrka, adaana wax kasta
kara.
|
Ayah 3:27 الأية
تُولِجُ اللَّيْلَ فِي النَّهَارِ وَتُولِجُ النَّهَارَ فِي اللَّيْلِ ۖ وَتُخْرِجُ
الْحَيَّ مِنَ الْمَيِّتِ وَتُخْرِجُ الْمَيِّتَ مِنَ الْحَيِّ ۖ وَتَرْزُقُ مَن
تَشَاءُ بِغَيْرِ حِسَابٍ
Tooliju allayla fee annahariwatooliju annahara fee allayli watukhriju
alhayyamina almayyiti watukhriju almayyita mina alhayyi watarzuquman tashao
bighayri hisab
Somali
Waxaadna dhexgelisaa Habeenka Maalinta, dhexgelisaa Maalinta Habeenka, kana soo
bixisaa wax Nool wax dhimaad ah wax Nool, waadna Arzaaqdaa Ciddaad doonto Xisaab
la'aan.
|
Ayah 3:28 الأية
لَّا يَتَّخِذِ الْمُؤْمِنُونَ الْكَافِرِينَ أَوْلِيَاءَ مِن دُونِ الْمُؤْمِنِينَ
ۖ وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ فَلَيْسَ مِنَ اللهِ فِي شَيْءٍ إِلَّا أَن تَتَّقُوا
مِنْهُمْ تُقَاةً ۗ وَيُحَذِّرُكُمُ اللهُ نَفْسَهُ ۗ وَإِلَى اللهِ الْمَصِيرُ
La yattakhithi almu/minoonaalkafireena awliyaa min dooni almu/mineena
wamanyafAAal thalika falaysa mina Allahi fee shay-in illaan tattaqoo minhum
tuqatan wayuhaththirukumuAllahu nafsahu wa-ila Allahi almaseer
Somali
Yeyna ka yeelan Mu'miniintu Gaalada Sokeeye Mu'miniinta ka Sokow ruuxii fala
saas waxba Eebe kama mudna, inaad dhawrsasho xaggooda ka dhawrsataan mooyee,
wuxuuna idiinka digi Eebe Naftiisa, xaga Eebaana loo ahaan.
|
Ayah 3:29 الأية
قُلْ إِن تُخْفُوا مَا فِي صُدُورِكُمْ أَوْ تُبْدُوهُ يَعْلَمْهُ اللهُ ۗ
وَيَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ وَاللهُ عَلَىٰ كُلِّ
شَيْءٍ قَدِيرٌ
Qul in tukhfoo ma fee sudoorikumaw tubdoohu yaAAlamhu Allahu wayaAAlamu ma fee
assamawatiwama fee al-ardi wallahu AAalakulli shay-in qadeer
Somali
Waxaad dhahdaa haddaad Qarisaan waxa Laabtiina ku sugan amaad muujisaan waa
ogaan Eebe, wuxuuna ogaan waxa Samooyinka ku sugan iyo Dhulka, Eebana wax kasta
uu (doono) wuu karaa.
|
Ayah 3:30 الأية
يَوْمَ تَجِدُ كُلُّ نَفْسٍ مَّا عَمِلَتْ مِنْ خَيْرٍ مُّحْضَرًا وَمَا عَمِلَتْ
مِن سُوءٍ تَوَدُّ لَوْ أَنَّ بَيْنَهَا وَبَيْنَهُ أَمَدًا بَعِيدًا ۗ
وَيُحَذِّرُكُمُ اللهُ نَفْسَهُ ۗ وَاللهُ رَءُوفٌ بِالْعِبَادِ
Yawma tajidu kullu nafsin ma AAamilatmin khayrin muhdaran wama AAamilat min
soo-intawaddu law anna baynaha wabaynahu amadan baAAeedan
wayuhaththirukumuAllahu nafsahu wallahu raoofun bilAAibad
Somali
(Xusuuso) Maalinta ay heli Nafkastaa waxay Camal fashay oo Khayr ah oo la soo
xaadiriyey (la keenay) waxay Camal Fashay oo Xumaan ahna waxay jeelaan in la
yeelo iyada iyo isaga dhexdooda muddo dheer, wuxuuna idiinka digi Eebe Naftiisa
(Ciqaabtiisa) Eebana waa u Naxariistaha Adoomadiisa.
|
Ayah 3:31 الأية
قُلْ إِن كُنتُمْ تُحِبُّونَ اللهَ فَاتَّبِعُونِي يُحْبِبْكُمُ اللهُ
وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ ۗ وَاللهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Qul in kuntum tuhibboona AllahafattabiAAoonee yuhbibkumu Allahu wayaghfirlakum
thunoobakum wallahu ghafoorun raheem
Somali
Waxaad dhahdaa haddaad tihiin kuwo jeeel Eebe i raaca haydin jeelaado Eeebee
hana idiin dhaafo dambigiinee, Eebana wa dambi dhaafe Naxariista.
|
Ayah 3:32 الأية
قُلْ أَطِيعُوا اللهَ وَالرَّسُولَ ۖ فَإِن تَوَلَّوْا فَإِنَّ اللهَ لَا
يُحِبُّ الْكَافِرِينَ
Qul ateeAAoo Allaha warrasoolafa-in tawallaw fa-inna Allaha la yuhibbu
alkafireen
Somali
Waxaad dhahdaa adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa, haddaad jeedsataan Eebe ma jeela
Gaalada.
|
Ayah 3:33 الأية
إِنَّ اللهَ اصْطَفَىٰ آدَمَ وَنُوحًا وَآلَ إِبْرَاهِيمَ وَآلَ عِمْرَانَ عَلَى
الْعَالَمِينَ
Inna Allaha istafa adamawanoohan waala ibraheema waala AAimranaAAala alAAalameen
Somali
Eebe wuxuu ka doortay Aadan, Nuux, Ehelkii Ibraahim iyo Ehelkii Cimraan
Calaamka.
|
Ayah 3:34 الأية
ذُرِّيَّةً بَعْضُهَا مِن بَعْضٍ ۗ وَاللهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ
Thurriyyatan baAAduhamin baAAdin wallahu sameeAAun AAaleem
Somali
Waana Farac Qaarkood Qaar ka yimid Eebana waa Maqle oge ah.
|
Ayah 3:35 الأية
إِذْ قَالَتِ امْرَأَتُ عِمْرَانَ رَبِّ إِنِّي نَذَرْتُ لَكَ مَا فِي بَطْنِي
مُحَرَّرًا فَتَقَبَّلْ مِنِّي ۖ إِنَّكَ أَنتَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ
Ith qalati imraatu AAimranarabbi innee nathartu laka ma fee batnee
muharraranfataqabbal minnee innaka anta assameeAAu alAAaleem
Somali
Xusuuso markay tidhi Haweenaydii Cimraan Eebow waxaan kuugu Nadray waxaa
uurkayga ku jira inuu Xor kuu ahaado (Cibaadadaada) ee iga aqbal adiga umbaa wax
Maqleoge ehe.
|
Ayah 3:36 الأية
فَلَمَّا وَضَعَتْهَا قَالَتْ رَبِّ إِنِّي وَضَعْتُهَا أُنثَىٰ وَاللهُ أَعْلَمُ
بِمَا وَضَعَتْ وَلَيْسَ الذَّكَرُ كَالْأُنثَىٰ ۖ وَإِنِّي سَمَّيْتُهَا مَرْيَمَ
وَإِنِّي أُعِيذُهَا بِكَ وَذُرِّيَّتَهَا مِنَ الشَّيْطَانِ الرَّجِيمِ
Falamma wadaAAat-ha qalatrabbi innee wadaAAtuha ontha wallahuaAAlamu bima
wadaAAat walaysa aththakarukalontha wa-innee sammaytuha maryamawa-innee
oAAeethuha bika wathurriyyatahamina ashshaytani arrajeem
Somali
Markay dhashay Gabadh waxay tidhi Eebow waxaan dhalay Dhaddig, Eebana waa
ogyahay waxay dhashay Labna la mid ma aha dhaddig, waxaana ka magacaabay Maryam
waxaana kaa magan galin iyada iyo Faraceeda Shaydaanka la dhagaxyeeyey (la
dheereeyey).
|
Ayah 3:37 الأية
فَتَقَبَّلَهَا رَبُّهَا بِقَبُولٍ حَسَنٍ وَأَنبَتَهَا نَبَاتًا حَسَنًا
وَكَفَّلَهَا زَكَرِيَّا ۖ كُلَّمَا دَخَلَ عَلَيْهَا زَكَرِيَّا الْمِحْرَابَ
وَجَدَ عِندَهَا رِزْقًا ۖ قَالَ يَا مَرْيَمُ أَنَّىٰ لَكِ هَٰذَا ۖ قَالَتْ هُوَ
مِنْ عِندِ اللهِ ۖ إِنَّ اللهَ يَرْزُقُ مَن يَشَاءُ بِغَيْرِ حِسَابٍ
Fataqabbalaha rabbuhabiqaboolin hasanin waanbataha nabatan hasananwakaffalaha
zakariyya kullama dakhalaAAalayha zakariyya almihraba wajadaAAindaha rizqan qala
ya maryamu annalaki hatha qalat huwa min AAindi Allahi innaAllaha yarzuqu man
yashao bighayri hisab
Somali
Wuxuuna ka aqbalay Eebe aqbal fiican, wuuna koriyey korin fiican (Xanaano)
waxaana kafaala qaaday (Dhaqaaleeyey) Zakariye, markastoos ugu galana Mixraabka
(Qolka) wuxuu ka helaa agteeda Rizqi, wuxuuna dhahaa xaggee kaaga yimid Maryamow
kan, waxayna dhahdaa wuxuu ka yimid Eebe agtiisa, Eebana wuu u Arzuqaa Cidduu
doono Xisaab la'aan.
|
Ayah 3:38 الأية
هُنَالِكَ دَعَا زَكَرِيَّا رَبَّهُ ۖ قَالَ رَبِّ هَبْ لِي مِن لَّدُنكَ
ذُرِّيَّةً طَيِّبَةً ۖ إِنَّكَ سَمِيعُ الدُّعَاءِ
Hunalika daAAa zakariyyarabbahu qala rabbi hab lee min ladunka
thurriyyatantayyibatan innaka sameeAAu adduAAa/-
Somali
Halkaasuu baryey Zakariye Eebihiis, yidhina Eebow iga sii agtaada Farac
wanaagsan adaa Maqla (ajiiba) Ducadee.
|
Ayah 3:39 الأية
فَنَادَتْهُ الْمَلَائِكَةُ وَهُوَ قَائِمٌ يُصَلِّي فِي الْمِحْرَابِ أَنَّ
اللهَ يُبَشِّرُكَ بِيَحْيَىٰ مُصَدِّقًا بِكَلِمَةٍ مِّنَ اللهِ وَسَيِّدًا
وَحَصُورًا وَنَبِيًّا مِّنَ الصَّالِحِينَ
Fanadat-hu almala-ikatu wahuwaqa-imun yusallee fee almihrabi annaAllaha
yubashshiruka biyahya musaddiqanbikalimatin mina Allahi wasayyidan
wahasooranwanabiyyan mina assaliheen
Somali
Waxaana u dhawaaqday Malaa'igtii isagoo taagan oo ku Tukan Mixraabka Eebe wuxuu
kuugu Bishaarayn Yaxye isagoo rumeyn Kalimada Eebe (Ciise) Sayidna ah
Dhawrsoonna, Nabina ah, ka mid ah kuwa wanaagsan.
|
Ayah 3:40 الأية
قَالَ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي غُلَامٌ وَقَدْ بَلَغَنِيَ الْكِبَرُ وَامْرَأَتِي
عَاقِرٌ ۖ قَالَ كَذَٰلِكَ اللهُ يَفْعَلُ مَا يَشَاءُ
Qala rabbi anna yakoonu leeghulamun waqad balaghaniya alkibaru wamraatee
AAaqirunqala kathalika Allahu yafAAalu mayasha/
Somali
Wuxuu yidhi Eebow sidee iigu ahaan Wiil Anooy isoo gaadhay Duqnimo,
Haweeneydeyduna Madhalaystahay, wuxuu yidhi saasuu ku falaa Eebe wuxuu doono.
|
Ayah 3:41 الأية
قَالَ رَبِّ اجْعَل لِّي آيَةً ۖ قَالَ آيَتُكَ أَلَّا تُكَلِّمَ النَّاسَ
ثَلَاثَةَ أَيَّامٍ إِلَّا رَمْزًا ۗ وَاذْكُر رَّبَّكَ كَثِيرًا وَسَبِّحْ
بِالْعَشِيِّ وَالْإِبْكَارِ
Qala rabbi ijAAal lee ayatan qalaayatuka alla tukallima annasa thalathataayyamin
illa ramzan wathkur rabbakakatheeran wasabbih bilAAashiyyi wal-ibkar
Somali
Wuxuu yidhi Eebow ii yeel Calaamo wuxuuna yidhi Calaamaddu waa inaadan la hadlin
Dadka Saddex Maal mood ishaaro Mooyee, Xusna Eebahaa wax badan una Tasbiixso
Galabatii iyo A roortiiba.
|
Ayah 3:42 الأية
وَإِذْ قَالَتِ الْمَلَائِكَةُ يَا مَرْيَمُ إِنَّ اللهَ اصْطَفَاكِ وَطَهَّرَكِ
وَاصْطَفَاكِ عَلَىٰ نِسَاءِ الْعَالَمِينَ
Wa-ith qalati almala-ikatuya maryamu inna Allaha istafaki watahharakiwastafaki
AAala nisa-i alAAalameen
Somali
(Xusuuso) markay tidhi Malaa'igtu Maryamoy Eebe waa ku doortay waana ku daahir
yeelay wuxuuna kaa doortay Haweenka Caalamka.
|
Ayah 3:43 الأية
يَا مَرْيَمُ اقْنُتِي لِرَبِّكِ وَاسْجُدِي وَارْكَعِي مَعَ الرَّاكِعِينَ
Ya maryamu oqnutee lirabbiki wasjudeewarkaAAee maAAa arrakiAAeen
Somali
Maryamooy adeec (u khushuue) Eebahaa sujuudna Rukuuena (la tuko) kuwa rukuuea
(Tukada).
|
Ayah 3:44 الأية
ذَٰلِكَ مِنْ أَنبَاءِ الْغَيْبِ نُوحِيهِ إِلَيْكَ ۚ وَمَا كُنتَ لَدَيْهِمْ إِذْ
يُلْقُونَ أَقْلَامَهُمْ أَيُّهُمْ يَكْفُلُ مَرْيَمَ وَمَا كُنتَ لَدَيْهِمْ إِذْ
يَخْتَصِمُونَ
Thalika min anba-i alghaybinooheehi ilayka wama kunta ladayhim ithyulqoona
aqlamahum ayyuhum yakfulu maryama wamakunta ladayhim ith yakhtasimoon
Somali
Taasi waa warka waxa Maqan oonnu kuu waxyoon mana aadan la joogin markey
tuurayeen Qalimadooda koodii kafaala qaadi Maryam, mana aadan la joogin markey
murmayeen.
|
Ayah 3:45 الأية
إِذْ قَالَتِ الْمَلَائِكَةُ يَا مَرْيَمُ إِنَّ اللهَ يُبَشِّرُكِ بِكَلِمَةٍ
مِّنْهُ اسْمُهُ الْمَسِيحُ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ وَجِيهًا فِي الدُّنْيَا
وَالْآخِرَةِ وَمِنَ الْمُقَرَّبِينَ
Ith qalati almala-ikatuya maryamu inna Allaha yubashshiruki bikalimatinminhu
ismuhu almaseehu AAeesa ibnu maryama wajeehanfee addunya wal-akhirati
waminaalmuqarrabeen
Somali
(Xusuuso) markey tidhi Malaa'igtu Maryamooy Eebe wuxuu kuugu Bishaarayn Kalimo
Xaggiisa ah (Wiil) Magaeiisu yahay Masiix Ciise Ibnu Maryam isagoo Sharaf leh
Adduun iyo Aakhiraba kana mid ah kuwa la soo dhaweeyey.
|
Ayah 3:46 الأية
وَيُكَلِّمُ النَّاسَ فِي الْمَهْدِ وَكَهْلًا وَمِنَ الصَّالِحِينَ
Wayukallimu annasa feealmahdi wakahlan wamina assaliheen
Somali
Kulana hadli Dadka Dharabta iyo isagoo (Gadhmadoobe) nin wayn ah kana mid ah
kuwa Suuban.
|
Ayah 3:47 الأية
قَالَتْ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي وَلَدٌ وَلَمْ يَمْسَسْنِي بَشَرٌ ۖ قَالَ
كَذَٰلِكِ اللهُ يَخْلُقُ مَا يَشَاءُ ۚ إِذَا قَضَىٰ أَمْرًا فَإِنَّمَا يَقُولُ
لَهُ كُن فَيَكُونُ
Qalat rabbi anna yakoonu leewaladun walam yamsasnee basharun qala kathaliki
Allahuyakhluqu ma yashao itha qada amranfa-innama yaqoolu lahu kun fayakoon
Somali
Waxay tidhi (Maryam) Eebow sidee Ilmo iigu ahaan isagoon i taaban Dad (Nin wuxuu
yidhi (Eebe) saasuu Eebe wax u abuuraa wuxun doono, markuu xukmin amarna wuxuu
uun u dhahaa ahow wuuna ahaadaa.
|
Ayah 3:48 الأية
وَيُعَلِّمُهُ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَالتَّوْرَاةَ وَالْإِنجِيلَ
WayuAAallimuhu alkitaba walhikmatawattawrata wal-injeel
Somali
Wuxuuna (Eebe) bari Ciise Kitaabkka, Xigmad, Towreed iyo Injiil.
|
Ayah 3:49 الأية
وَرَسُولًا إِلَىٰ بَنِي إِسْرَائِيلَ أَنِّي قَدْ جِئْتُكُم بِآيَةٍ مِّن
رَّبِّكُمْ ۖ أَنِّي أَخْلُقُ لَكُم مِّنَ الطِّينِ كَهَيْئَةِ الطَّيْرِ فَأَنفُخُ
فِيهِ فَيَكُونُ طَيْرًا بِإِذْنِ اللهِ ۖ وَأُبْرِئُ الْأَكْمَهَ وَالْأَبْرَصَ
وَأُحْيِي الْمَوْتَىٰ بِإِذْنِ اللهِ ۖ وَأُنَبِّئُكُم بِمَا تَأْكُلُونَ وَمَا
تَدَّخِرُونَ فِي بُيُوتِكُمْ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً لَّكُمْ إِن كُنتُم
مُّؤْمِنِينَ
Warasoolan ila banee isra-eelaannee qad ji/tukum bi-ayatin min rabbikum annee
akhluqulakum mina atteeni kahay-ati attayrifaanfukhu feehi fayakoonu tayran
bi-ithni Allahiwaobri-o al-akmaha wal-abrasa waohyeealmawta bi-ithni Allahi
waonabbi-okum bimata/kuloona wama taddakhiroona fee buyootikum inna fee
thalikalaayatan lakum in kuntum mu/mineen
Somali
Waa Rasuulka Bani Isra'iil, (isagoo) u dhihi waxaan idiin la imid Aayad xaga
Eebihiin ka ahaatay, waxaana idiinka abuuri dhoobada shimbira oo kale, oon
afuufi ooy noqon shimbir Idamka Eebe, waxaana bogsiiyaa indhala'aan kudhashe
Baraslaha, waxaana nooleeyaa Maydka Idamka Eebe, waxaana idiin ka warrami waxaad
Cunaysaan iyo waxaad ku kaydsanaysaan Guryihiinna, taasira waxay idiin tahay
Calamad haddaad rumeynaysaan (Xaqa).
|
Ayah 3:50 الأية
وَمُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيَّ مِنَ التَّوْرَاةِ وَلِأُحِلَّ لَكُم بَعْضَ
الَّذِي حُرِّمَ عَلَيْكُمْ ۚ وَجِئْتُكُم بِآيَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ فَاتَّقُوا
اللهَ وَأَطِيعُونِ
Wamusaddiqan lima baynayadayya mina attawrati wali-ohilla lakumbaAAda allathee
hurrima AAalaykum waji/tukumbi-ayatin min rabbikum fattaqoo Allaha waateeAAoon
Somali
Waxaana rumeyn wixii iga horreeyey oo Tawreed ah, waxaan idiin bannayn wixii
laydinka reebay Qaarkiis, waxaana idiin la imid Calaamad xagga Eebihiin ka
ahaatay, ee ka dhawrsada Eebe, ina adeeca.
|
Ayah 3:51 الأية
إِنَّ اللهَ رَبِّي وَرَبُّكُمْ فَاعْبُدُوهُ ۗ هَٰذَا صِرَاطٌ مُّسْتَقِيمٌ
Inna Allaha rabbee warabbukum faAAbudoohuhatha siratun mustaqeem
Somali
Ilaah waa Eebahay iyo Eebihiin ee Caabuda, taasaana ah Jidka toosane.
|
Ayah 3:52 الأية
فَلَمَّا أَحَسَّ عِيسَىٰ مِنْهُمُ الْكُفْرَ قَالَ مَنْ أَنصَارِي إِلَى اللهِ ۖ
قَالَ الْحَوَارِيُّونَ نَحْنُ أَنصَارُ اللهِ آمَنَّا بِاللهِ وَاشْهَدْ
بِأَنَّا مُسْلِمُونَ
Falamma ahassa AAeesaminhumu alkufra qala man ansaree ila Allahiqala
alhawariyyoona nahnu ansaruAllahi amanna billahi washhadbi-anna muslimoon
Somali
Markuu ka kasay Ciise Xaggooda Gaalnimo yuu yidhi yaa iigu gargaari Eebe,
waxayna dhaheen Xawaariyiintii (gargaarayaashii) anagaa ah gargaaraha Eebe
(Diintiisa) waxaan rumeynay Eebe ee marag ka noqo inaan Muslimiin nahay.
|
Ayah 3:53 الأية
رَبَّنَا آمَنَّا بِمَا أَنزَلْتَ وَاتَّبَعْنَا الرَّسُولَ فَاكْتُبْنَا مَعَ
الشَّاهِدِينَ
Rabbana amanna bimaanzalta wattabaAAna arrasoola faktubnamaAAa ashshahideen
Somali
Eebow waan rumeynay waxaad soo dejisay waxaana raaenay Rasuulka ee nagu qor
(nagadhig) la jirka markhaatiyada. (Umadda Nabi Muxamad).
|
Ayah 3:54 الأية
وَمَكَرُوا وَمَكَرَ اللهُ ۖ وَاللهُ خَيْرُ الْمَاكِرِينَ
Wamakaroo wamakara Allahu wallahukhayru almakireen
Somali
Way dhakreen, Eebana wuu ka abaalmariyey Eebana u wanaagsan wax abaal mariya.
|
Ayah 3:55 الأية
إِذْ قَالَ اللهُ يَا عِيسَىٰ إِنِّي مُتَوَفِّيكَ وَرَافِعُكَ إِلَيَّ
وَمُطَهِّرُكَ مِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا وَجَاعِلُ الَّذِينَ اتَّبَعُوكَ فَوْقَ
الَّذِينَ كَفَرُوا إِلَىٰ يَوْمِ الْقِيَامَةِ ۖ ثُمَّ إِلَيَّ مَرْجِعُكُمْ
فَأَحْكُمُ بَيْنَكُمْ فِيمَا كُنتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ
Ith qala Allahu yaAAeesa innee mutawaffeeka warafiAAuka ilayya wamutahhirukamina
allatheena kafaroo wajaAAilu allatheenaittabaAAooka fawqa allatheena kafaroo ila
yawmialqiyamati thumma ilayya marjiAAukum faahkumubaynakum feema kuntum feehi
takhtalifoon
Somali
Xusuuso markuu ku yidhi Eebe Ciisow waan ku oofsan waana ku koryeeli, waana kaa
dahirin kuwii gaaloobay, waxaana yeeli kuwa raaca (xaqa dhabta ah raaca) korka
kuwa Gaaloobay tan iyo Qiyaamada, markaasna xaggaygaa laydiin soo celin waana
idin kala Xukumi dhexdiina waxaad isku khilaafsanaydeen.
|
Ayah 3:56 الأية
فَأَمَّا الَّذِينَ كَفَرُوا فَأُعَذِّبُهُمْ عَذَابًا شَدِيدًا فِي الدُّنْيَا
وَالْآخِرَةِ وَمَا لَهُم مِّن نَّاصِرِينَ
Faamma allatheena kafaroofaoAAaththibuhum AAathaban shadeedan fee
addunyawal-akhirati wama lahum min nasireen
Somali
Kuwa Gaaloobase waxaan Cadaabi, cadaab daran Adduun iyo Aakhiraba, mana helaan
gargaare.
|
Ayah 3:57 الأية
وَأَمَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ فَيُوَفِّيهِمْ أُجُورَهُمْ ۗ
وَاللهُ لَا يُحِبُّ الظَّالِمِينَ
Waamma allatheena amanoowaAAamiloo assalihati fayuwaffeehimojoorahum wallahu la
yuhibbu aththalimeen
Somali
kuwa (Xaqa) rumeeyeyse oo camal fiican falay wuxuu u oofin (dhammayn Eebe)
ajirkooda, Eebana ma jeela daalimiinta.
|
Ayah 3:58 الأية
ذَٰلِكَ نَتْلُوهُ عَلَيْكَ مِنَ الْآيَاتِ وَالذِّكْرِ الْحَكِيمِ
Thalika natloohu AAalayka mina al-ayatiwaththikri alhakeem
Somali
kaasaan ku akhriyeynaa korkaaga oo aayaad ah iyo xus (Quraan) xigmo leh.
|
Ayah 3:59 الأية
إِنَّ مَثَلَ عِيسَىٰ عِندَ اللهِ كَمَثَلِ آدَمَ ۖ خَلَقَهُ مِن تُرَابٍ ثُمَّ
قَالَ لَهُ كُن فَيَكُونُ
Inna mathala AAeesa AAinda Allahikamathali adama khalaqahu min turabin thumma
qalalahu kun fayakoon
Somali
Tusaalaha Ciise Eebe agtiisa waa sida (Nabi) aadam, Eebaa ka Abuuray Carro
markaasuu u yidhi ahow wuuna ahaan.
|
Ayah 3:60 الأية
الْحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلَا تَكُن مِّنَ الْمُمْتَرِينَ
Alhaqqu min rabbika fala takunmina almumtareen
Somali
Xaqu Eebahaa nuu ka ahaaday ee ha noqonin kuwa shakiya.
|
Ayah 3:61 الأية
فَمَنْ حَاجَّكَ فِيهِ مِن بَعْدِ مَا جَاءَكَ مِنَ الْعِلْمِ فَقُلْ تَعَالَوْا
نَدْعُ أَبْنَاءَنَا وَأَبْنَاءَكُمْ وَنِسَاءَنَا وَنِسَاءَكُمْ وَأَنفُسَنَا
وَأَنفُسَكُمْ ثُمَّ نَبْتَهِلْ فَنَجْعَل لَّعْنَتَ اللهِ عَلَى الْكَاذِبِينَ
Faman hajjaka feehi min baAAdi majaaka mina alAAilmi faqul taAAalaw nadAAu
abnaanawaabnaakum wanisaana wanisaakumwaanfusana waanfusakum thumma nabtahil
fanajAAal laAAnataAllahi AAala alkathibeen
Somali
ee ruuxii kugula dooda intuu kuu yimid Cilmi ka dib waxaad dhahdaa kaalaya aan u
yeedhno Caruurtannada iyo Caruurtiinna iyo Naftanaada iyo Naftiinna markaas aan
baryootanno oon laeanadda Eebe kor yeello Beenaalayaasha.
|
Ayah 3:62 الأية
إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ الْقَصَصُ الْحَقُّ ۚ وَمَا مِنْ إِلَٰهٍ إِلَّا اللهُ ۚ
وَإِنَّ اللهَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ
Inna hatha lahuwa alqasasualhaqqu wama min ilahin illa Allahuwa-inna Allaha
lahuwa alAAazeezu alhakeem
Somali
Kaas (Quraanka) unbaa Qisooyin Xaq ah, Eebe mooyee Ilaah (kalana) ma jiro,
Eebana waa adkaade falsan.
|
Ayah 3:63 الأية
فَإِن تَوَلَّوْا فَإِنَّ اللهَ عَلِيمٌ بِالْمُفْسِدِينَ
Fa-in tawallaw fa-inna AllahaAAaleemun bilmufsideen
Somali
Hadday jedsadaan Gaaladuna Eebe waa ogyahay kuwa wax fasahaadiya.
|
Ayah 3:64 الأية
قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ تَعَالَوْا إِلَىٰ كَلِمَةٍ سَوَاءٍ بَيْنَنَا
وَبَيْنَكُمْ أَلَّا نَعْبُدَ إِلَّا اللهَ وَلَا نُشْرِكَ بِهِ شَيْئًا وَلَا
يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضًا أَرْبَابًا مِّن دُونِ اللهِ ۚ فَإِن تَوَلَّوْا
فَقُولُوا اشْهَدُوا بِأَنَّا مُسْلِمُونَ
Qul ya ahla alkitabi taAAalawila kalimatin sawa-in baynana wabaynakum
allanaAAbuda illa Allaha wala nushrika bihishay-an wala yattakhitha
baAAdunabaAAdan arbaban min dooni Allahi fa-intawallaw faqooloo ishhadoo bi-anna
muslimoon
Somali
Waxaad dhahdaa Nabiyow Ehelu Kittabow u kaalaya kalimo (odhaah) aan u simanahay
aniga iyo adinkaba oo ah inaynaan caabudin Eebe mooyee, (wax kale) oynaan lana
wadaajin waxba kana yeelan qaarkeen qaar Eebayaal, Hadday jeedsadaanna waxaad
dhahdaa marag noqda inaan Muslimiin nahay.
|
Ayah 3:65 الأية
يَا أَهْلَ الْكِتَابِ لِمَ تُحَاجُّونَ فِي إِبْرَاهِيمَ وَمَا أُنزِلَتِ
التَّوْرَاةُ وَالْإِنجِيلُ إِلَّا مِن بَعْدِهِ ۚ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
Ya ahla alkitabi lima tuhajjoonafee ibraheema wama onzilati attawratuwal-injeelu
illa min baAAdihi afalataAAqiloon
Somali
Ehelu Kitaabow maxaad ugu murmaysaan (Nabi) Ibraahim, Tawreed iyo Injiilba lama
soo dejin gadaashiisa mooyee, meydaan wax kasayn.
|
Ayah 3:66 الأية
هَا أَنتُمْ هَٰؤُلَاءِ حَاجَجْتُمْ فِيمَا لَكُم بِهِ عِلْمٌ فَلِمَ تُحَاجُّونَ
فِيمَا لَيْسَ لَكُم بِهِ عِلْمٌ ۚ وَاللهُ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ
Ha antum haola-i hajajtumfeema lakum bihi AAilmun falima tuhajjoona feemalaysa
lakum bihi AAilmun wallahu yaAAlamu waantumla taAAlamoon
Somali
Kuwanow (Yuhuud iyo Nasaaro) waxaad ku muranteen waxaad wax ka ogtihiin ee
maxaad ugu murmeysaan waxaydaan Cilmi u lahayn, Eebaa og idinkuse wax ma
ogidiin.
|
Ayah 3:67 الأية
مَا كَانَ إِبْرَاهِيمُ يَهُودِيًّا وَلَا نَصْرَانِيًّا وَلَٰكِن كَانَ حَنِيفًا
مُّسْلِمًا وَمَا كَانَ مِنَ الْمُشْرِكِينَ
Ma kana ibraheemuyahoodiyyan wala nasraniyyan walakinkana haneefan musliman wama
kana minaalmushrikeen
Somali
Ma aha (Nabi) Ibraahim Yuhuud iyo Nasaara (midna) waase toosane Muslim ah kana
mid aha Mushrikiinta (Gaalada).
|
Ayah 3:68 الأية
إِنَّ أَوْلَى النَّاسِ بِإِبْرَاهِيمَ لَلَّذِينَ اتَّبَعُوهُ وَهَٰذَا النَّبِيُّ
وَالَّذِينَ آمَنُوا ۗ وَاللهُ وَلِيُّ الْمُؤْمِنِينَ
Inna awla annasibi-ibraheema lallatheena ittabaAAoohu wahathaannabiyyu
wallatheena amanoo wallahuwaliyyu almu/mineen
Somali
Waxaa Dadka ugu mudan (Nabi) Ibraahim kuwii raacay iyo nabigan (Muxamad ah) iyo
kuwa (Xaqa rumeeyey) Eebana waa Waliga (Gargaare) Mu'miniinta.
|
Ayah 3:69 الأية
وَدَّت طَّائِفَةٌ مِّنْ أَهْلِ الْكِتَابِ لَوْ يُضِلُّونَكُمْ وَمَا يُضِلُّونَ
إِلَّا أَنفُسَهُمْ وَمَا يَشْعُرُونَ
Waddat ta-ifatun min ahli alkitabilaw yudilloonakum wama yudilloona
illaanfusahum wama yashAAuroon
Somali
Waxay jeelaatay koox ka mid ah Ehelu Kitaabka inay idin baadiyeeyaan, mana
baadiyeeyaan waxaan Naftooda ahayn, mana kasayaan.
|
Ayah 3:70 الأية
يَا أَهْلَ الْكِتَابِ لِمَ تَكْفُرُونَ بِآيَاتِ اللهِ وَأَنتُمْ تَشْهَدُونَ
Ya ahla alkitabi limatakfuroona bi-ayati Allahi waantumtashhadoon
Somali
Ehelu Kitaabow maxaad uga Gaaloobaysaan Aayadka Eebe idinkoo marag ah (og
xaqnimadeeda).
|
Ayah 3:71 الأية
يَا أَهْلَ الْكِتَابِ لِمَ تَلْبِسُونَ الْحَقَّ بِالْبَاطِلِ وَتَكْتُمُونَ
الْحَقَّ وَأَنتُمْ تَعْلَمُونَ
Ya ahla alkitabi limatalbisoona alhaqqa bilbatili wataktumoonaalhaqqa waantum
taAAlamoon
Somali
Ehelu Kitaabow maxaad ugu Khaldaysaan Xaqa baadil (Xumaan) oo u qarineysaan xaqa
idinkoo og.
|
Ayah 3:72 الأية
وَقَالَت طَّائِفَةٌ مِّنْ أَهْلِ الْكِتَابِ آمِنُوا بِالَّذِي أُنزِلَ عَلَى
الَّذِينَ آمَنُوا وَجْهَ النَّهَارِ وَاكْفُرُوا آخِرَهُ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ
Waqalat ta-ifatun min ahlialkitabi aminoo billathee onzilaAAala allatheena
amanoo wajha annahariwakfuroo akhirahu laAAallahum yarjiAAoon
Somali
Waxay dhaheen koox ka mid ah Ehelu Kitaabka rumeeya waxa lagu soo dajiyey kuwa
(Xaqa) rumeeyey (Quraanka) Maalinta horteeda kana gaalooba maalinta gadaasheeda
waxay u dhawyihiin Mu'miniintu inay noqdaane (Gaaloobaan).
|
Ayah 3:73 الأية
وَلَا تُؤْمِنُوا إِلَّا لِمَن تَبِعَ دِينَكُمْ قُلْ إِنَّ الْهُدَىٰ هُدَى
اللهِ أَن يُؤْتَىٰ أَحَدٌ مِّثْلَ مَا أُوتِيتُمْ أَوْ يُحَاجُّوكُمْ عِندَ
رَبِّكُمْ ۗ قُلْ إِنَّ الْفَضْلَ بِيَدِ اللهِ يُؤْتِيهِ مَن يَشَاءُ ۗ
وَاللهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ
Wala tu/minoo illa limantabiAAa deenakum qul inna alhuda huda Allahian yu/ta
ahadun mithla ma ooteetum aw yuhajjookumAAinda rabbikum qul inna alfadla biyadi
Allahiyu/teehi man yashao wallahu wasiAAunAAaleem
Somali
Hana aaminina (rumeynina) ruuxaan Diintiinna raacin, waxaad dhahdaa Hanuun waa
hanuunka Eebe, in la siiyo cid wax la mid ah waxa laydin siiyey ama idinkula
doodaan Eebihiin agtiisa, waxaad dhahdaa Fadligu gacanta Eebe yuu ku suganyahay
wuxuuna siiyaa Cidduu doono, Eebana waa waasae (deeq badane) og.
|
Ayah 3:74 الأية
يَخْتَصُّ بِرَحْمَتِهِ مَن يَشَاءُ ۗ وَاللهُ ذُو الْفَضْلِ الْعَظِيمِ
Yakhtassu birahmatihi man yashaowallahu thoo alfadli alAAatheem
Somali
Wuxuuna ku gaaryeelaa Naxariistiisa cidduu doono, Eebana iska leh Fadliga Wayn.
|
Ayah 3:75 الأية
وَمِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ مَنْ إِن تَأْمَنْهُ بِقِنطَارٍ يُؤَدِّهِ إِلَيْكَ
وَمِنْهُم مَّنْ إِن تَأْمَنْهُ بِدِينَارٍ لَّا يُؤَدِّهِ إِلَيْكَ إِلَّا مَا
دُمْتَ عَلَيْهِ قَائِمًا ۗ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَالُوا لَيْسَ عَلَيْنَا فِي
الْأُمِّيِّينَ سَبِيلٌ وَيَقُولُونَ عَلَى اللهِ الْكَذِبَ وَهُمْ يَعْلَمُونَ
Wamin ahli alkitabi man in ta/manhubiqintarin yu-addihi ilayka waminhum man in
ta/manhubideenarin la yu-addihi ilayka illa madumta AAalayhi qa-iman thalika
bi-annahum qaloolaysa AAalayna fee al-ommiyyeena sabeelun wayaqooloonaAAala
Allahi alkathiba wahum yaAAlamoon
Somali
Ehelu Kitaabka waxaa ka mid ah Ruux Haddaad ku Aaminto Xoolo badan ku siin
(Nasaarada Qaarkeed) waxaana ka mid ah mid haddaad ku Aaminto Diinaar aan ku
siinaynin, inaad kor taagnaato mooyey (waa Yuhuudda iyo wixii la mid ah) waxaana
ugu wacan Arrintaas inay dhaheeh naguma laha Umiyiintu Jid, waxayna ku dhihi
Eebe Been iyagoo og.
|
Ayah 3:76 الأية
بَلَىٰ مَنْ أَوْفَىٰ بِعَهْدِهِ وَاتَّقَىٰ فَإِنَّ اللهَ يُحِبُّ الْمُتَّقِينَ
Bala man awfa biAAahdihi wattaqafa-inna Allaha yuhibbu almuttaqeen
Somali
Saas ma aha ee ruuxii oofiya Ballankiisa oo Dhawrsada Eebe waa Jecelyahay
Dhawrsadayaasha.
|
Ayah 3:77 الأية
إِنَّ الَّذِينَ يَشْتَرُونَ بِعَهْدِ اللهِ وَأَيْمَانِهِمْ ثَمَنًا قَلِيلًا
أُولَٰئِكَ لَا خَلَاقَ لَهُمْ فِي الْآخِرَةِ وَلَا يُكَلِّمُهُمُ اللهُ وَلَا
يَنظُرُ إِلَيْهِمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَلَا يُزَكِّيهِمْ وَلَهُمْ عَذَابٌ
أَلِيمٌ
Inna allatheena yashtaroona biAAahdiAllahi waaymanihim thamanan qaleelan
ola-ikala khalaqa lahum fee al-akhirati walayukallimuhumu Allahu wala
yanthuruilayhim yawma alqiyamati wala yuzakkeehim walahumAAathabun aleem
Somali
Kuwa ku Gata Ballankii Eebe iyo Dhaartoodii Lacag (Qiimo) yar kuwaasu Nasiib
kuma laha Aakhiro, lamana hadlo Eebe (si Naxariis ah) mana dayo Xaggooda
Maalinta Qiyaame, mana Daahiriyo, waxayna mudan Cadaab daran.
|
Ayah 3:78 الأية
وَإِنَّ مِنْهُمْ لَفَرِيقًا يَلْوُونَ أَلْسِنَتَهُم بِالْكِتَابِ لِتَحْسَبُوهُ
مِنَ الْكِتَابِ وَمَا هُوَ مِنَ الْكِتَابِ وَيَقُولُونَ هُوَ مِنْ عِندِ اللهِ
وَمَا هُوَ مِنْ عِندِ اللهِ وَيَقُولُونَ عَلَى اللهِ الْكَذِبَ وَهُمْ
يَعْلَمُونَ
Wa-inna minhum lafareeqan yalwoonaalsinatahum bilkitabi litahsaboohu
minaalkitabi wama huwa mina alkitabiwayaqooloona huwa min AAindi Allahi wama
huwa minAAindi Allahi wayaqooloona AAala Allahi alkathibawahum yaAAlamoon
Somali
Waxaa ka mid ah (Yuhuudda) Kox ku Leexisa Carraabkooda Kitaabka (Quraanka) si
aad ugu malaysaan Kitaabka, kana mid ma aha Kitaabka waxayna odhan Isagu wuxuu
ka ahaaday Eebe agtiisa kamana ahaanin Eebe agtiisa. waxayna ku dhihi Eebe Been
iyagoo og.
|
Ayah 3:79 الأية
مَا كَانَ لِبَشَرٍ أَن يُؤْتِيَهُ اللهُ الْكِتَابَ وَالْحُكْمَ وَالنُّبُوَّةَ
ثُمَّ يَقُولَ لِلنَّاسِ كُونُوا عِبَادًا لِّي مِن دُونِ اللهِ وَلَٰكِن كُونُوا
رَبَّانِيِّينَ بِمَا كُنتُمْ تُعَلِّمُونَ الْكِتَابَ وَبِمَا كُنتُمْ تَدْرُسُونَ
Ma kana libasharin anyu/tiyahu Allahu alkitaba walhukmawannubuwwata thumma
yaqoola linnasikoonoo AAibadan lee min dooni Allahi walakinkoonoo rabbaniyyeena
bima kuntum tuAAallimoonaalkitaba wabima kuntum tadrusoon
Somali
Kuma haboona Dad in Eebe siiyo Kitaab, Xukun iyo Nabinimo markaas ku dhaha Dadka
Addoomo ii noqda Eebe ka sokow, hasayeeshee noqdo Cumino (Dabeeco fiican)
Kitaabkaad baraysaan dartiis iyo waxaad baranaysaan.
|
Ayah 3:80 الأية
وَلَا يَأْمُرَكُمْ أَن تَتَّخِذُوا الْمَلَائِكَةَ وَالنَّبِيِّينَ أَرْبَابًا ۗ
أَيَأْمُرُكُم بِالْكُفْرِ بَعْدَ إِذْ أَنتُم مُّسْلِمُونَ
Wala ya/murakum an tattakhithooalmala-ikata wannabiyyeena arbabanaya/murukum
bilkufri baAAda ith antum muslimoon
Somali
Idinmana farayo Eebe inaad ka yeelataan Malaa'igta iyo Nabiyada Eebayaal, ma
wuxuu idin fari Gaalnimo intaad Muslim noqoteen ka dib.
|
Ayah 3:81 الأية
وَإِذْ أَخَذَ اللهُ مِيثَاقَ النَّبِيِّينَ لَمَا آتَيْتُكُم مِّن كِتَابٍ
وَحِكْمَةٍ ثُمَّ جَاءَكُمْ رَسُولٌ مُّصَدِّقٌ لِّمَا مَعَكُمْ لَتُؤْمِنُنَّ بِهِ
وَلَتَنصُرُنَّهُ ۚ قَالَ أَأَقْرَرْتُمْ وَأَخَذْتُمْ عَلَىٰ ذَٰلِكُمْ إِصْرِي ۖ
قَالُوا أَقْرَرْنَا ۚ قَالَ فَاشْهَدُوا وَأَنَا مَعَكُم مِّنَ الشَّاهِدِينَ
Wa-ith akhatha Allahumeethaqa annabiyyeena lama ataytukummin kitabin wahikmatin
thumma jaakumrasoolun musaddiqun lima maAAakum latu/minunna bihiwalatansurunnahu
qala aaqrartum waakhathtumAAala thalikum isree qaloo aqrarnaqala fashhadoo waana
maAAakum mina ashshahideen
Somali
(Xusuuso) markuu ka qaaday Eebe Ballan adag Nabiyada waxaan idinsiiyo oo Kitaab
iyo Xigmo ah markaas idiin yimaado Rasuul rumeyn waxaad haysatan waa inaad
rumeysaan una gargaartaan, kuna yidhi (Eebe) Ma qirteen oo ma qaadeen Arrintaas
Ballankeyga ah oo dheheen waan qirnay (ogolaanay) markaas ku yidhi Marag ka
noqda Anna la jirkiina yaan ka mid noqon kuwa marag kici.
|
Ayah 3:82 الأية
فَمَن تَوَلَّىٰ بَعْدَ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْفَاسِقُونَ
Faman tawalla baAAda thalikafaola-ika humu alfasiqoon
Somali
Ruuxiise jeedsada intaas ka dib kuwaasi waa kuwo Faasiqiin ah.
|
Ayah 3:83 الأية
أَفَغَيْرَ دِينِ اللهِ يَبْغُونَ وَلَهُ أَسْلَمَ مَن فِي السَّمَاوَاتِ
وَالْأَرْضِ طَوْعًا وَكَرْهًا وَإِلَيْهِ يُرْجَعُونَ
Afaghayra deeni Allahi yabghoonawalahu aslama man fee assamawati wal-arditawAAan
wakarhan wa-ilayhi yurjaAAoon
Somali
Ma Diinta Eebe waxaan ahayn yey rabaan isagoo u hogaansamay waxa Samaawaadka iyo
Dhulka ku sugan ogolaan iyo ikraahba Xaggiisaana loo Celin (Dadka).
|
Ayah 3:84 الأية
قُلْ آمَنَّا بِاللهِ وَمَا أُنزِلَ عَلَيْنَا وَمَا أُنزِلَ عَلَىٰ إِبْرَاهِيمَ
وَإِسْمَاعِيلَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ وَالْأَسْبَاطِ وَمَا أُوتِيَ مُوسَىٰ
وَعِيسَىٰ وَالنَّبِيُّونَ مِن رَّبِّهِمْ لَا نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِّنْهُمْ
وَنَحْنُ لَهُ مُسْلِمُونَ
Qul amanna billahiwama onzila AAalayna wama onzila AAalaibraheema wa-ismaAAeela
wa-ishaqawayaAAqooba wal-asbati wama ootiya moosawaAAeesa wannabiyyoona min
rabbihim lanufarriqu bayna ahadin minhum wanahnu lahumuslimoon
Somali
Waxaad dhahdaa waxaan rumaynay Eebe iyo waxa nalagu soo dajiyey iyo waxa lagu
soo dajiyey (Nabi) Ibraahim, Ismaaeiil, Isxaaq, Yacquub, Faracyadii, wixii la
siiyey Muuse, Ciise iyo Nabiyadii Xagga Eebahood kala bixin mayno dhexdooda
Anaguna Eehaan u hogaansameynaa.
|
Ayah 3:85 الأية
وَمَن يَبْتَغِ غَيْرَ الْإِسْلَامِ دِينًا فَلَن يُقْبَلَ مِنْهُ وَهُوَ فِي
الْآخِرَةِ مِنَ الْخَاسِرِينَ
Waman yabtaghi ghayra al-islamideenan falan yuqbala minhu wahuwa fee al-akhirati
minaalkhasireen
Somali
Ruxii doona Diin aan Islaamka ahayn laga aqbali maayo, Aakhirana wuxuu noqon
kuwa khasaaray.
|
Ayah 3:86 الأية
كَيْفَ يَهْدِي اللهُ قَوْمًا كَفَرُوا بَعْدَ إِيمَانِهِمْ وَشَهِدُوا أَنَّ
الرَّسُولَ حَقٌّ وَجَاءَهُمُ الْبَيِّنَاتُ ۚ وَاللهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ
الظَّالِمِينَ
Kayfa yahdee Allahu qawman kafaroobaAAda eemanihim washahidoo anna arrasoola
haqqunwajaahumu albayyinatu wallahu layahdee alqawma aththalimeen
Somali
Sidee u Hanuunin Eebe Qoom Gaaloobay rumayn ka dib, oo qiray in Rasuulku Xaq
yahay una Yimaadeen Xujooyin, Eebana ma hanuuniyo Qoom Daalimiin ah.
|
Ayah 3:87 الأية
أُولَٰئِكَ جَزَاؤُهُمْ أَنَّ عَلَيْهِمْ لَعْنَةَ اللهِ وَالْمَلَائِكَةِ
وَالنَّاسِ أَجْمَعِينَ
Ola-ika jazaohum annaAAalayhim laAAnata Allahi walmala-ikati wannasiajmaAAeen
Somali
Kuwaas abaalkoodu waa Lacnad Eeboo korkooda ah iyo Malaa'igta iyo Dadka
Dhammaantiis.
|
Ayah 3:88 الأية
خَالِدِينَ فِيهَا لَا يُخَفَّفُ عَنْهُمُ الْعَذَابُ وَلَا هُمْ يُنظَرُونَ
Khalideena feeha layukhaffafu AAanhumu alAAathabu wala hum yuntharoon
Somali
Wayna ku waari (Ciqaatbtooda) dhexdeeda lagamana fududeeyo Cadaabka lamana Sugo.
|
Ayah 3:89 الأية
إِلَّا الَّذِينَ تَابُوا مِن بَعْدِ ذَٰلِكَ وَأَصْلَحُوا فَإِنَّ اللهَ غَفُورٌ
رَّحِيمٌ
Illa allatheena taboomin baAAdi thalika waaslahoo fa-inna Allahaghafoorun raheem
Somali
Kuwa Toobad keena intaas ka dib mooyee oo wanaajiya Eebana waa dambi dhaafe
Naxariista.
|
Ayah 3:90 الأية
إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا بَعْدَ إِيمَانِهِمْ ثُمَّ ازْدَادُوا كُفْرًا لَّن
تُقْبَلَ تَوْبَتُهُمْ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الضَّالُّونَ
Inna allatheena kafaroo baAAda eemanihimthumma izdadoo kufran lan tuqbala
tawbatuhum waola-ikahumu addalloon
Somali
Kuwa Gaalooba rumayn ka dib, markaas kororsada Gaalnimo lagama aqbalo Toobadooba
kuwaasina waa kuwa Dhumay.
|
Ayah 3:91 الأية
إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا وَمَاتُوا وَهُمْ كُفَّارٌ فَلَن يُقْبَلَ مِنْ أَحَدِهِم
مِّلْءُ الْأَرْضِ ذَهَبًا وَلَوِ افْتَدَىٰ بِهِ ۗ أُولَٰئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ
أَلِيمٌ وَمَا لَهُم مِّن نَّاصِرِينَ
Inna allatheena kafaroo wamatoowahum kuffarun falan yuqbala min ahadihim
miloal-ardi thahaban walawi iftada bihi ola-ikalahum AAathabun aleemun wama
lahum min nasireen
Somali
Kuwii Gaaloobay oo dhintay iya goo Gaalo ah lagama aqbalo mid ka mid ah Dhulka
Muggii oo Dahab ah hadduu isku furto, kuwaasina waxaa u sugnaaday Cadaab daran
wax u gargaarana ma leh.
|
Ayah 3:92 الأية
لَن تَنَالُوا الْبِرَّ حَتَّىٰ تُنفِقُوا مِمَّا تُحِبُّونَ ۚ وَمَا تُنفِقُوا مِن
شَيْءٍ فَإِنَّ اللهَ بِهِ عَلِيمٌ
Lan tanaloo albirra hattatunfiqoo mimma tuhibboona wama tunfiqoo minshay-in
fa-inna Allaha bihi AAaleem
Somali
Ma gaadhaan sama fal intaad wax ka bixisaan waxaad jeeeshihiin, waxaad bixisaana
Eebe waa ogyahay.
|
Ayah 3:93 الأية
كُلُّ الطَّعَامِ كَانَ حِلًّا لِّبَنِي إِسْرَائِيلَ إِلَّا مَا حَرَّمَ
إِسْرَائِيلُ عَلَىٰ نَفْسِهِ مِن قَبْلِ أَن تُنَزَّلَ التَّوْرَاةُ ۗ قُلْ
فَأْتُوا بِالتَّوْرَاةِ فَاتْلُوهَا إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ
Kullu attaAAami kanahillan libanee isra-eela illa ma harramaisra-eelu AAala
nafsihi min qabli an tunazzala attawratuqul fa/too bittawrati fatlooha inkuntum
sadiqeen
Somali
Cuntada dhamaanteed xalaal bay u ahayd Banii-israa'iil wuxuu ka reebay Israa'iil
Naftiisa mooyee, soo degidii Tawreed ka hor waxaad dhahdaa keena Tawreed oo
Akhriya haddaad runlow tihiin.
|
Ayah 3:94 الأية
فَمَنِ افْتَرَىٰ عَلَى اللهِ الْكَذِبَ مِن بَعْدِ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ
الظَّالِمُونَ
Famani iftara AAala Allahialkathiba min baAAdi thalika faola-ika humuathalimoon
Somali
Ruuxii ku been abuurta Eebe korkiisa intaas ka dib kuwaasu waa uun Daalimmin.
|
Ayah 3:95 الأية
قُلْ صَدَقَ اللهُ ۗ فَاتَّبِعُوا مِلَّةَ إِبْرَاهِيمَ حَنِيفًا وَمَا كَانَ
مِنَ الْمُشْرِكِينَ
Qul sadaqa Allahu fattabiAAoomillata ibraheema haneefan wama kanamina
almushrikeen
Somali
Waxaad dhahdaa Runbuu sheegay Eebe, ee raaca Milladda Ibraahiim (Jidkiisii)
isagoo toosan, kamana mid ahayn Mushrikiinta.
|
Ayah 3:96 الأية
إِنَّ أَوَّلَ بَيْتٍ وُضِعَ لِلنَّاسِ لَلَّذِي بِبَكَّةَ مُبَارَكًا وَهُدًى
لِّلْعَالَمِينَ
Inna awwala baytin wudiAAa linnasilallathee bibakkata mubarakan wahudan
lilAAalameen
Somali
Guriga ugu horreevey ee loo soo dejiyey Dadka waa kan Maka (Kachada) waana
barakaysanyahay waana Hanuunka Caalamka.
|
Ayah 3:97 الأية
فِيهِ آيَاتٌ بَيِّنَاتٌ مَّقَامُ إِبْرَاهِيمَ ۖ وَمَن دَخَلَهُ كَانَ آمِنًا ۗ
وَلِلَّهِ عَلَى النَّاسِ حِجُّ الْبَيْتِ مَنِ اسْتَطَاعَ إِلَيْهِ سَبِيلًا ۚ
وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ اللهَ غَنِيٌّ عَنِ الْعَالَمِينَ
Feehi ayatun bayyinatunmaqamu ibraheema waman dakhalahu kana aminanwalillahi
AAala annasi hijjualbayti mani istataAAa ilayhi sabeelan waman kafarafa-inna
Allaha ghaniyyun AAani alAAalameen
Somali
Waxaa ku sugan Aayaad Cad Cad Maqqaamu Ibraahiimna (waa ku yaal) Ruuxii galana
wuxuu ahaan Aamin, Eebana wuxuu ku leeyahay Dadka Xajka Baydka Ruuxii kara
Wadada, Ruuxii Gaaloobana Eebe waa ka kaaftoonyahay Caalamka.
|
Ayah 3:98 الأية
قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ لِمَ تَكْفُرُونَ بِآيَاتِ اللهِ وَاللهُ شَهِيدٌ
عَلَىٰ مَا تَعْمَلُونَ
Qul ya ahla alkitabi limatakfuroona bi-ayati Allahi wallahushaheedun AAala ma
taAAmaloon
Somali
Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabow maxaad uga Gaaloobaysaan Aayaadka Eebe, isagoo
Eebana Marag u yahay waxaad Camal falaysaan.
|
Ayah 3:99 الأية
قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ لِمَ تَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ اللهِ مَنْ آمَنَ
تَبْغُونَهَا عِوَجًا وَأَنتُمْ شُهَدَاءُ ۗ وَمَا اللهُ بِغَافِلٍ عَمَّا
تَعْمَلُونَ
Qul ya ahla alkitabi lima tasuddoonaAAan sabeeli Allahi man amana
tabghoonahaAAiwajan waantum shuhadao wama Allahu bighafilinAAamma taAAmaloon
Somali
Ehelu Kitabow maxaad uga Celinaysaan Dadka Eebe Ruuxii Rumeyn idinkoo la dooni
(Xaqa) Qallooc idinkoo marag ah Eebana ma halmaansana waxaad Falaysaan.
|
Ayah 3:100 الأية
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِن تُطِيعُوا فَرِيقًا مِّنَ الَّذِينَ أُوتُوا
الْكِتَابَ يَرُدُّوكُم بَعْدَ إِيمَانِكُمْ كَافِرِينَ
Ya ayyuha allatheena amanooin tuteeAAoo fareeqan mina allatheena ootoo
alkitabayaruddookum baAAda eemanikum kafireen
Somali
Kuwa (Xaqa) rumeeyow Haddaad Adeecdaan (Maqashaan) Koox ka mid ah kuwa la Siiyey
Kitabka (yuhuud iyo Nasaara) waxay idiin Celin Iimaankiinna ka dih Gaalnimo.
|
Ayah 3:101 الأية
وَكَيْفَ تَكْفُرُونَ وَأَنتُمْ تُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ آيَاتُ اللهِ وَفِيكُمْ
رَسُولُهُ ۗ وَمَن يَعْتَصِم بِاللهِ فَقَدْ هُدِيَ إِلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ
Wakayfa takfuroona waantum tutlaAAalaykum ayatu Allahi wafeekum rasooluhuwaman
yaAAtasim billahi faqad hudiya ilasiratin mustaqeem
Somali
Seed u Gaaloobaysaan idinkoo laydinku kor Akhrin Aayaadka Eebe Dhexdiinnana
Joogo Rasuulkiisii, ruuxii Cuskada Eebe (oo ka dhawrsada) waxaa lagu hanuuniyey
Jidka Toosan.
|
Ayah 3:102 الأية
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللهَ حَقَّ تُقَاتِهِ وَلَا تَمُوتُنَّ
إِلَّا وَأَنتُم مُّسْلِمُونَ
Ya ayyuha allatheena amanooittaqoo Allaha haqqa tuqatihi walatamootunna illa
waantum muslimoon
Somali
Kuwa (Xaqa) rumeeyow ka dhawrsada Eebe dhawrsashadiisa Xaqa ah, hana dhimanina
idinkoon Muslim ahayn.
|
Ayah 3:103 الأية
وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُوا ۚ وَاذْكُرُوا نِعْمَتَ
اللهِ عَلَيْكُمْ إِذْ كُنتُمْ أَعْدَاءً فَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِكُمْ
فَأَصْبَحْتُم بِنِعْمَتِهِ إِخْوَانًا وَكُنتُمْ عَلَىٰ شَفَا حُفْرَةٍ مِّنَ
النَّارِ فَأَنقَذَكُم مِّنْهَا ۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ اللهُ لَكُمْ آيَاتِهِ
لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ
WaAAtasimoo bihabliAllahi jameeAAan wala tafarraqoo wathkurooniAAmata Allahi
AAalaykum ith kuntum aAAdaanfaallafa bayna quloobikum faasbahtum
biniAAmatihiikhwanan wakuntum AAala shafa hufratinmina annari faanqathakum minha
kathalikayubayyinu Allahu lakum ayatihi laAAallakumtahtadoon
Somali
Qabsada Xadhigga Eebe (Islaamka) dhamaantiin hana kala tagina, xusana Nicmada
Eebe ee korkiinna ah, markaad Col ahaydeen oos isu Dumay Quluubtiinna ood
Noqoteen Niemada Eebe darteed Walaalo, idinkoo ahaa Qar God Naar ah, oos idinka
koriyey Xaggeeda, saasuu idiinku Cadayn Eebe Aayaadkiisii si aad u Hanuuntaan.
|
Ayah 3:104 الأية
وَلْتَكُن مِّنكُمْ أُمَّةٌ يَدْعُونَ إِلَى الْخَيْرِ وَيَأْمُرُونَ
بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ ۚ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ
Waltakun minkum ommatun yadAAoona ilaalkhayri waya/muroona bilmaAAroofi
wayanhawna AAanialmunkari waola-ika humu almuflihoon
Somali
Ha laydinka helo Umad u yeedha Khayrka oo fari Wanaagga oo ka reebta waxa la
Naco (Xumaanta) kuwaasina waa uun kuwa Liibaanay.
|
Ayah 3:105 الأية
وَلَا تَكُونُوا كَالَّذِينَ تَفَرَّقُوا وَاخْتَلَفُوا مِن بَعْدِ مَا جَاءَهُمُ
الْبَيِّنَاتُ ۚ وَأُولَٰئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ
Wala takoonoo kallatheenatafarraqoo wakhtalafoo min baAAdi ma jaahumualbayyinatu
waola-ika lahum AAathabun AAatheem
Somali
Hana noqonina kuwa kala tegay oo kale ee iskhilaafay intay u yimaadeen Xujooyin
ka dib kuwaasina waa kuwa Cadaab weyn u Sugnaaday.
|
Ayah 3:106 الأية
يَوْمَ تَبْيَضُّ وُجُوهٌ وَتَسْوَدُّ وُجُوهٌ ۚ فَأَمَّا الَّذِينَ اسْوَدَّتْ
وُجُوهُهُمْ أَكَفَرْتُم بَعْدَ إِيمَانِكُمْ فَذُوقُوا الْعَذَابَ بِمَا كُنتُمْ
تَكْفُرُونَ
Yawma tabyaddu wujoohun wataswadduwujoohun faamma allatheena iswaddat
wujoohuhumakafartum baAAda eemanikum fathooqoo alAAathababima kuntum takfuroon
Somali
Maalintay Caddaan (Nuuri) Wajiyaal oyna Madoobaan (Doorsoomi) Wajiyaal, kuway
Madoobaato Wajiyadoodu (Waxaa lagu dhihi) miyaad Gaaloowdeen Rumeyntiinii ka
dib, Dhadhamiya Cadaabka Gaalnimadiinii darteed.
|
Ayah 3:107 الأية
وَأَمَّا الَّذِينَ ابْيَضَّتْ وُجُوهُهُمْ فَفِي رَحْمَةِ اللهِ هُمْ فِيهَا
خَالِدُونَ
Waamma allatheena ibyaddatwujoohuhum fafee rahmati Allahi hum feeha khalidoon
Somali
Kuwuu Caddaado (Nuuro) Wajigoodu Naxariista Eebe Dhexdeeday ku waarayaan.
|
Ayah 3:108 الأية
تِلْكَ آيَاتُ اللهِ نَتْلُوهَا عَلَيْكَ بِالْحَقِّ ۗ وَمَا اللهُ يُرِيدُ
ظُلْمًا لِّلْعَالَمِينَ
Tilka ayatu Allahinatlooha AAalayka bilhaqqi wama Allahuyureedu thulman
lilAAalameen
Somali
Taasi waa Aayadkii Eebe oon ugu Akhriyeynaa korkaaga si Xaq ah, Eebana ma aha
mid la doona Dulmi Caalamka.
|
Ayah 3:109 الأية
وَلِلَّهِ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۚ وَإِلَى اللهِ تُرْجَعُ
الْأُمُورُ
Walillahi ma fee assamawatiwama fee al-ardi wa-ila AllahiturjaAAu al-omoor
Somali
Eebe waxaa u sugnaaday waxa Samaawaadka iyo Dhulka ku Sugan, Xaggiisaana loo
Celiyaa Umuuraha.
|
Ayah 3:110 الأية
كُنتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ تَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ
وَتَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَتُؤْمِنُونَ بِاللهِ ۗ وَلَوْ آمَنَ أَهْلُ
الْكِتَابِ لَكَانَ خَيْرًا لَّهُم ۚ مِّنْهُمُ الْمُؤْمِنُونَ وَأَكْثَرُهُمُ
الْفَاسِقُونَ
Kuntum khayra ommatin okhrijat linnasita/muroona bilmaAAroofi watanhawna AAani
almunkariwatu/minoona billahi walaw amana ahlu alkitabilakana khayran lahum
minhumu almu/minoona waaktharuhumualfasiqoon
Somali
Waxaad tihiin Ummadda u Khayroon ee loo soo bixiyey Dadka, waxaad fartaan
Wannaagga waxaadna ka reebtaan Xumaanta waxaadna ru meysaan Eebe, hadday
rumeeyaan Ehelu Kitaabka (Xaqa) Saasaa u khayrroonaanlahayad, waxaa ka mid ah
Mu'miniin, badankoodna waa Faasiqiin.
|
Ayah 3:111 الأية
لَن يَضُرُّوكُمْ إِلَّا أَذًى ۖ وَإِن يُقَاتِلُوكُمْ يُوَلُّوكُمُ الْأَدْبَارَ
ثُمَّ لَا يُنصَرُونَ
Lan yadurrookum illa athanwa-in yuqatilookum yuwallookumu al-adbara thumma
layunsaroon
Somali
Idin wax yeellayn mahayaan wax dhibah mooyee, hadday idin la dagaallamaana waxay
idiin jeedin Dabada (way carari) loona Gargaari Maayo.
|
Ayah 3:112 الأية
ضُرِبَتْ عَلَيْهِمُ الذِّلَّةُ أَيْنَ مَا ثُقِفُوا إِلَّا بِحَبْلٍ مِّنَ اللهِ
وَحَبْلٍ مِّنَ النَّاسِ وَبَاءُوا بِغَضَبٍ مِّنَ اللهِ وَضُرِبَتْ عَلَيْهِمُ
الْمَسْكَنَةُ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَانُوا يَكْفُرُونَ بِآيَاتِ اللهِ
وَيَقْتُلُونَ الْأَنبِيَاءَ بِغَيْرِ حَقٍّ ۚ ذَٰلِكَ بِمَا عَصَوا وَّكَانُوا
يَعْتَدُونَ
Duribat AAalayhimu aththillatuayna ma thuqifoo illa bihablin mina Allahiwahablin
mina annasi wabaoo bighadabinmina Allahi waduribat AAalayhimu almaskanatu
thalikabi-annahum kanoo yakfuroona bi-ayati Allahiwayaqtuloona al-anbiyaa
bighayri haqqin thalikabima AAasaw wakanoo yaAAtadoon
Somali
Waxaana lagu qadaray Korkooda Dulli meel kastooy joogaanba, Xadhig Eebe iyo
Xadhig Dad mooyee, waxayna la noqdaan Cadho Eebe, waxaana lagu qadaray
Miskiinimo, waxaana ugu wacan inay ka gaaloobaan Aayaadka Eebe Dilayaanna
Nabiyada Xaq daro, waxaana ugu wacan Caasinimadooda iyo Xadgudubkooda.
|
Ayah 3:113 الأية
لَيْسُوا سَوَاءً ۗ مِّنْ أَهْلِ الْكِتَابِ أُمَّةٌ قَائِمَةٌ يَتْلُونَ آيَاتِ
اللهِ آنَاءَ اللَّيْلِ وَهُمْ يَسْجُدُونَ
Laysoo sawaan min ahli alkitabiommatun qa-imatun yatloona ayati Allahianaa
allayli wahum yasjudoon
Somali
Isku mid ma aha, Ehelu Kitaabka waxaa ma mid ah Ummad u Taagan (Xaqa) oo Akhrida
Aayaadka Eebe Saacadaha Habeenka iyagoo Sujuudsan, (waa Cadbullaahi Binu Salaamo
iyo Saaziibadiis).
|
Ayah 3:114 الأية
يُؤْمِنُونَ بِاللهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَيَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ
وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُسَارِعُونَ فِي الْخَيْرَاتِ وَأُولَٰئِكَ مِنَ
الصَّالِحِينَ
Yu/minoona billahi walyawmial-akhiri waya/muroona bilmaAAroofi wayanhawnaAAani
almunkari wayusariAAoona fee alkhayrati waola-ikamina assaliheen
Somali
Rumeynna Eebe iyo Maalinta Dambe farana Wanaagga kana reeba waxa la naco (Xun)
una dag dagi Wanaagga, kuwaasi waxay ka mid yihiin kuwa suuban.
|
Ayah 3:115 الأية
وَمَا يَفْعَلُوا مِنْ خَيْرٍ فَلَن يُكْفَرُوهُ ۗ وَاللهُ عَلِيمٌ
بِالْمُتَّقِينَ
Wama yafAAaloo min khayrin falanyukfaroohu wallahu AAaleemun bilmuttaqeen
Somali
Waxay Falaan oo Khayr ah laga ma qariyo (Dayaeo), Eebana waa ogyahay kuwa
dhawrsada.
|
Ayah 3:116 الأية
إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا لَن تُغْنِيَ عَنْهُمْ أَمْوَالُهُمْ وَلَا أَوْلَادُهُم
مِّنَ اللهِ شَيْئًا ۖ وَأُولَٰئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ ۚ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
Inna allatheena kafaroo lan tughniyaAAanhum amwaluhum wala awladuhum mina
Allahishay-an waola-ika as-habu annarihum feeha khalidoon
Somali
Kuwa Gaaloobay kama kaafido Xoolahoodu iyo Caruurtoodu Eebe Xaggiisa waxba,
kuwaasuna waa Ehelka Naarta wayna ku Dhex waari.
|
Ayah 3:117 الأية
مَثَلُ مَا يُنفِقُونَ فِي هَٰذِهِ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا كَمَثَلِ رِيحٍ فِيهَا
صِرٌّ أَصَابَتْ حَرْثَ قَوْمٍ ظَلَمُوا أَنفُسَهُمْ فَأَهْلَكَتْهُ ۚ وَمَا
ظَلَمَهُمُ اللهُ وَلَٰكِنْ أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ
Mathalu ma yunfiqoona fee hathihialhayati addunya kamathali reehinfeeha sirrun
asabat hartha qawmin thalamooanfusahum faahlakat-hu wama thalamahumu
Allahuwalakin anfusahum yathlimoon
Somali
Waxay Bixiyaan Noloshan Adduunna waxay la mid tahay Dabayl Qabow (daran) oo ku
dhaeday Beer Qoom dulmiyey Naftooda ooy Halaagtay, ma dulmiyin Eebe iyagaase
Naftooda Dulmiyey.
|
Ayah 3:118 الأية
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا بِطَانَةً مِّن دُونِكُمْ لَا
يَأْلُونَكُمْ خَبَالًا وَدُّوا مَا عَنِتُّمْ قَدْ بَدَتِ الْبَغْضَاءُ مِنْ
أَفْوَاهِهِمْ وَمَا تُخْفِي صُدُورُهُمْ أَكْبَرُ ۚ قَدْ بَيَّنَّا لَكُمُ
الْآيَاتِ ۖ إِن كُنتُمْ تَعْقِلُونَ
Ya ayyuha allatheena amanoola tattakhithoo bitanatan min doonikum laya/loonakum
khabalan waddoo ma AAanittum qad badatialbaghdao min afwahihim wama tukhfee
sudooruhumakbaru qad bayyanna lakumu al-ayati inkuntum taAAqiloon
Somali
Kuwa (Xaqa) rumeeyow ha ka yeelanina Saaxiib (Hoose) wax idinka soo hadhay, kuma
gabood falaan Fasaadintiinna waxayna Jecelyihiin dhibkiinna, waxay ka muuqataa
Cadhadu Afkooda, waxay qarsan Laabahoodu yaa ka weyn, waan idiin Caddaynay
Aayaadka haddaad wax kasaysaan.
|
Ayah 3:119 الأية
هَا أَنتُمْ أُولَاءِ تُحِبُّونَهُمْ وَلَا يُحِبُّونَكُمْ وَتُؤْمِنُونَ
بِالْكِتَابِ كُلِّهِ وَإِذَا لَقُوكُمْ قَالُوا آمَنَّا وَإِذَا خَلَوْا عَضُّوا
عَلَيْكُمُ الْأَنَامِلَ مِنَ الْغَيْظِ ۚ قُلْ مُوتُوا بِغَيْظِكُمْ ۗ إِنَّ
اللهَ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ
Ha antum ola-i tuhibboonahumwala yuhibboonakum watu/minoona bilkitabikullihi
wa-itha laqookum qaloo amannawa-itha khalaw AAaddoo AAalaykumu al-anamilamina
alghaythi qul mootoo bighaythikuminna Allaha AAaleemun bithati assudoor
Somali
Idinkani waad Jeceshihiin Iyaguna idinma jeela, waxaadna rumeysaan Kitaabka
dhammaantiis, hadday idin la kulmaanna waxay dhahaan waannu rumeynay Hadday
kaliyoobaanna waxay idiin Qaaniinaan Xubnaha (Faraha) Cadho darteed, waxaad
dhahdaa ku dhinta Cadhadiinna, Eebana waa ogyahay waxa Laabta ku sugan.
|
|