1st Ayah 1 الأية ١الأوليبِسْم ِ اللهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
وَالذَّارِيَاتِ ذَرْوًا
Waththariyati tharwa
Somali
Eebe wuxuu ku dhaartay dabaysha (Carrada kicisa).
|
Ayah 51:2 الأية
فَالْحَامِلَاتِ وِقْرًا
Falhamilati wiqra
Somali
Iyo daruurta xambaarta culayska (Roobka).
|
Ayah 51:3 الأية
فَالْجَارِيَاتِ يُسْرًا
Faljariyati yusra
Somali
iyo doonnida sida fudud u socota.
|
Ayah 51:4 الأية
فَالْمُقَسِّمَاتِ أَمْرًا
Falmuqassimati amra
Somali
Iyo Malaa'igta amarka qaybisa.
|
Ayah 51:5 الأية
إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَصَادِقٌ
Innama tooAAadoona lasadiq
Somali
Ee dadow waxa laydiinku goodin waa run.
|
Ayah 51:6 الأية
وَإِنَّ الدِّينَ لَوَاقِعٌ
Wa-inna addeena lawaqiAA
Somali
Abaalmarintuna waa sugantahay.
|
Ayah 51:7 الأية
وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الْحُبُكِ
Wassama-i thati alhubuk
Somali
Samada yuu Eebe ku dhaartay ee quruxda iyo waddooyinka leh.
|
Ayah 51:8 الأية
إِنَّكُمْ لَفِي قَوْلٍ مُّخْتَلِفٍ
Innakum lafee qawlin mukhtalif
Somali
Ee dadow waxaad ku sugantihiin hadal is khilaafsan.
|
Ayah 51:9 الأية
يُؤْفَكُ عَنْهُ مَنْ أُفِكَ
Yu/faku AAanhu man ofik
Somali
Iimaankana waxaa laga iilaa ruux dhumay.
|
Ayah 51:10 الأية
قُتِلَ الْخَرَّاصُونَ
Qutila alkharrasoon
Somali
Waxaana la nacladay Beenalayaasha.
|
Ayah 51:11 الأية
الَّذِينَ هُمْ فِي غَمْرَةٍ سَاهُونَ
Allatheena hum fee ghamratin sahoon
Somali
Ee ah kuwa xumaantooda (baadinimadooda) ku dhexhilmaansan.
|
Ayah 51:12 الأية
يَسْأَلُونَ أَيَّانَ يَوْمُ الدِّينِ
Yas-aloona ayyana yawmu addeen
Somali
waxay waydiin goorta abaalmarinta (qiyaamada).
|
Ayah 51:13 الأية
يَوْمَ هُمْ عَلَى النَّارِ يُفْتَنُونَ
Yawma hum AAala annariyuftanoon
Somali
Waana maalinta naarta lagu gubi.
|
Ayah 51:14 الأية
ذُوقُوا فِتْنَتَكُمْ هَٰذَا الَّذِي كُنتُم بِهِ تَسْتَعْجِلُونَ
Thooqoo fitnatakum hatha allatheekuntum bihi tastaAAjiloon
Somali
Laguna dhihi dhadhamiya caddibaddii aad dadajisanayseen.
|
Ayah 51:15 الأية
إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي جَنَّاتٍ وَعُيُونٍ
Inna almuttaqeena fee jannatinwaAAuyoon
Somali
Kuwa dhawrsaday waxay ku sugnaan Jannooyin iyo Ilo.
|
Ayah 51:16 الأية
آخِذِينَ مَا آتَاهُمْ رَبُّهُمْ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا قَبْلَ ذَٰلِكَ مُحْسِنِينَ
Akhitheena ma atahumrabbuhum innahum kanoo qabla thalika muhsineen
Somali
Iyagoo qaadan waxa Eebe siiyay, maxaayeelay waxay ahaayeen horay kuwo wanaag
fala.
|
Ayah 51:17 الأية
كَانُوا قَلِيلًا مِّنَ اللَّيْلِ مَا يَهْجَعُونَ
Kanoo qaleelan mina allayli mayahjaAAoon
Somali
Waxayna ahaayeen kuwo wax yar Habeenkii seexda.
|
Ayah 51:18 الأية
وَبِالْأَسْحَارِ هُمْ يَسْتَغْفِرُونَ
Wabil-ashari humyastaghfiroon
Somali
Waagana way dambi dhaaf waydiisanayeen.
|
Ayah 51:19 الأية
وَفِي أَمْوَالِهِمْ حَقٌّ لِّلسَّائِلِ وَالْمَحْرُومِ
Wafee amwalihim haqqun lissa-iliwalmahroom
Somali
Xoolohoodana xaq bay ku leeyihiin kuwa waydiista iyo kadhibaataysan.
|
Ayah 51:20 الأية
وَفِي الْأَرْضِ آيَاتٌ لِّلْمُوقِنِينَ
Wafee al-ardi ayatunlilmooqineen
Somali
Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin.
|
Ayah 51:21 الأية
وَفِي أَنفُسِكُمْ ۚ أَفَلَا تُبْصِرُونَ
Wafee anfusikum afala tubsiroon
Somali
Naftiinna miyaydaan arkaynin (waana qaadasho).
|
Ayah 51:22 الأية
وَفِي السَّمَاءِ رِزْقُكُمْ وَمَا تُوعَدُونَ
Wafee assama-i rizqukum wamatooAAadoon
Somali
Samada yuuna jiraa risqigiinnu iyo waxa laydiin yaboohi.
|
Ayah 51:23 الأية
فَوَرَبِّ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ إِنَّهُ لَحَقٌّ مِّثْلَ مَا أَنَّكُمْ
تَنطِقُونَ
Fawarabbi assama-i wal-ardiinnahu lahaqqun mithla ma annakum tantiqoon
Somali
Ebaha Cirka iyo dhulka yaan ku dhaarannaye waxa quraanku sheegi waa suganyahay
sida hadalkiinna oo kale.
|
Ayah 51:24 الأية
هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ ضَيْفِ إِبْرَاهِيمَ الْمُكْرَمِينَ
Hal ataka hadeethu dayfiibraheema almukrameen
Somali
Ma ku soo gaadhay warkii martidii (Nabi) Ibraahiim ee sharafta lahayd.
|
Ayah 51:25 الأية
إِذْ دَخَلُوا عَلَيْهِ فَقَالُوا سَلَامًا ۖ قَالَ سَلَامٌ قَوْمٌ مُّنكَرُونَ
Ith dakhaloo AAalayhi faqaloosalaman qala salamun qawmun munkaroon
Somali
Markay salaameenna, isna uu salaantii ka celiyey yidhi waxaad tihiin kuwo aan la
oqoonnin.
|
Ayah 51:26 الأية
فَرَاغَ إِلَىٰ أَهْلِهِ فَجَاءَ بِعِجْلٍ سَمِينٍ
Faragha ila ahlihi fajaabiAAijlin sameen
Somali
Markaasu aaday ehelkiisii lana yimid Dibi shilis (una gawracay).
|
Ayah 51:27 الأية
فَقَرَّبَهُ إِلَيْهِمْ قَالَ أَلَا تَأْكُلُونَ
Faqarrabahu ilayhim qala alata/kuloon
Somali
Una soo dhaweeyay isagoo ku leh maxaad u cuni waydeen.
|
Ayah 51:28 الأية
فَأَوْجَسَ مِنْهُمْ خِيفَةً ۖ قَالُوا لَا تَخَفْ ۖ وَبَشَّرُوهُ بِغُلَامٍ
عَلِيمٍ
Faawjasa minhum kheefatan qaloo latakhaf wabashsharoohu bighulamin AAaleem
Somali
Wuxuuna naftiisa ka kasay cabsi xaggooda ah, waxayna ku dheheen ha cabsanin,
waxayna ugu bishaareeyeen wiil cilmi yeelan,
|
Ayah 51:29 الأية
فَأَقْبَلَتِ امْرَأَتُهُ فِي صَرَّةٍ فَصَكَّتْ وَجْهَهَا وَقَالَتْ عَجُوزٌ
عَقِيمٌ
Faaqbalati imraatuhu fee sarratin fasakkatwajhaha waqalat AAajoozun AAaqeem
Somali
Markaasay soo qaabishay haweenaydiisii iyadoo ku qaylyi wajigana garaaci Ma
Habar mandhalays ah (yaa wax dhali).
|
Ayah 51:30 الأية
قَالُوا كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ ۖ إِنَّهُ هُوَ الْحَكِيمُ الْعَلِيمُ
Qaloo kathaliki qalarabbuki innahu huwa alhakeemu alAAaleem
Somali
waxayna ku dheheen xaalku waa saas, Eebahaaga falkasan ee waxwalba og yaa yidhi
|
Ayah 51:31 الأية
قَالَ فَمَا خَطْبُكُمْ أَيُّهَا الْمُرْسَلُونَ
Qala fama khatbukumayyuha almursaloon
Somali
(Nabi Ibraahim) wuxuu ku yidhi xaalkiinnu see yahay kuwayohow la soo diray.
|
Ayah 51:32 الأية
قَالُوا إِنَّا أُرْسِلْنَا إِلَىٰ قَوْمٍ مُّجْرِمِينَ
Qaloo inna orsilna ilaqawmin mujrimeen
Somali
Waxayna dheheen waxaa lanoo soo diray qoon dambiilayaal ah.
|
Ayah 51:33 الأية
لِنُرْسِلَ عَلَيْهِمْ حِجَارَةً مِّن طِينٍ
Linursila AAalayhim hijaratanmin teen
Somali
Si aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo (kulul).
|
Ayah 51:34 الأية
مُّسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَ لِلْمُسْرِفِينَ
Musawwamatan AAinda rabbika lilmusrifeen
Somali
Oo Eebe agtiisa loogu calaameeyay kuwa xadgudbay.
|
Ayah 51:35 الأية
فَأَخْرَجْنَا مَن كَانَ فِيهَا مِنَ الْمُؤْمِنِينَ
Faakhrajna man kana feehamina almu/mineen
Somali
Markaasaan ka bixinnay kuwii mu'miniinta ahaa oo ku dhexjiray.
|
Ayah 51:36 الأية
فَمَا وَجَدْنَا فِيهَا غَيْرَ بَيْتٍ مِّنَ الْمُسْلِمِينَ
Fama wajadna feehaghayra baytin mina almuslimeen
Somali
kamana aannaan helin waxaan halguri oo muslin ah ahayn.
|
Ayah 51:37 الأية
وَتَرَكْنَا فِيهَا آيَةً لِّلَّذِينَ يَخَافُونَ الْعَذَابَ الْأَلِيمَ
Watarakna feeha ayatanlillatheena yakhafoona alAAathaba al-aleem
Somali
Waxaana kaga tagnay dhexdeeda calaamad (ay ku waana qaatan) kuwa ka cabsan
caddibaad daran.
|
Ayah 51:38 الأية
وَفِي مُوسَىٰ إِذْ أَرْسَلْنَاهُ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ بِسُلْطَانٍ مُّبِينٍ
Wafee moosa ith arsanahuila firAAawna bisultanin mubeen
Somali
(Nabi) Muusana calaamo lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo
wata xujo cad.
|
Ayah 51:39 الأية
فَتَوَلَّىٰ بِرُكْنِهِ وَقَالَ سَاحِرٌ أَوْ مَجْنُونٌ
Fatawalla biruknihi waqala sahirunaw majnoon
Somali
Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku yidhi waa Saaxir ama waa
waalanyahay.
|
Ayah 51:40 الأية
فَأَخَذْنَاهُ وَجُنُودَهُ فَنَبَذْنَاهُمْ فِي الْيَمِّ وَهُوَ مُلِيمٌ
Faakhathnahu wajunoodahufanabathnahum fee alyammi wahuwa muleem
Somali
Markaasaan qabannay (ciqaabnay) isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray
Badda isagoo la dagaalay.
|
Ayah 51:41 الأية
وَفِي عَادٍ إِذْ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمُ الرِّيحَ الْعَقِيمَ
Wafee AAadin ith arsalnaAAalayhimu arreeha alAAaqeem
Somali
Ree Caadna (calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray dabayl wax
halaagta.
|
Ayah 51:42 الأية
مَا تَذَرُ مِن شَيْءٍ أَتَتْ عَلَيْهِ إِلَّا جَعَلَتْهُ كَالرَّمِيمِ
Ma tatharu min shay-in atatAAalayhi illa jaAAalat-hu karrameem
Somali
Wax kasta oy martana ka dhigi wax tirtiran.
|
Ayah 51:43 الأية
وَفِي ثَمُودَ إِذْ قِيلَ لَهُمْ تَمَتَّعُوا حَتَّىٰ حِينٍ
Wafee thamooda ith qeela lahumtamattaAAoo hatta heen
Somali
Ree Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markii lagu yidhi
taaxaysta ilaa waqti.
|
Ayah 51:44 الأية
فَعَتَوْا عَنْ أَمْرِ رَبِّهِمْ فَأَخَذَتْهُمُ الصَّاعِقَةُ وَهُمْ يَنظُرُونَ
FaAAataw AAan amri rabbihim faakhathat-humuassaAAiqatu wahum yanthuroon
Somali
Waxayna iska kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi.
|
Ayah 51:45 الأية
فَمَا اسْتَطَاعُوا مِن قِيَامٍ وَمَا كَانُوا مُنتَصِرِينَ
Fama istataAAoo min qiyaminwama kanoo muntasireen
Somali
Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin.
|
Ayah 51:46 الأية
وَقَوْمَ نُوحٍ مِّن قَبْلُ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ
Waqawma noohin min qablu innahum kanooqawman fasiqeen
Somali
(Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo faasiqiin ah,
|
Ayah 51:47 الأية
وَالسَّمَاءَ بَنَيْنَاهَا بِأَيْدٍ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ
Wassamaa banaynahabi-aydin wa-inna lamoosiAAoon
Somali
Samada annagaa u dhisnay si xoog ah, waana waasicinnay.
|
Ayah 51:48 الأية
وَالْأَرْضَ فَرَشْنَاهَا فَنِعْمَ الْمَاهِدُونَ
Wal-arda farashnahafaniAAma almahidoon
Somali
Dhulkana waan gogollay cid wax gogoshana annagaa u fiican (Eebe).
|
Ayah 51:49 الأية
وَمِن كُلِّ شَيْءٍ خَلَقْنَا زَوْجَيْنِ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ
Wamin kulli shay-in khalaqna zawjaynilaAAallakum tathakkaroon
Somali
Waxwalbana waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan.
|
Ayah 51:50 الأية
فَفِرُّوا إِلَى اللهِ ۖ إِنِّي لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ مُّبِينٌ
Fafirroo ila Allahi inneelakum minhu natheerun mubeen
Somali
Ee Eebe u carara (toobad keena), waxaana idiin ahay dige cade (muuqda).
|
Ayah 51:51 الأية
وَلَا تَجْعَلُوا مَعَ اللهِ إِلَٰهًا آخَرَ ۖ إِنِّي لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ
مُّبِينٌ
Wala tajAAaloo maAAa Allahi ilahanakhara innee lakum minhu natheerun mubeen
Somali
Hana yeelina Eebe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cade;.
|
Ayah 51:52 الأية
كَذَٰلِكَ مَا أَتَى الَّذِينَ مِن قَبْلِهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا قَالُوا سَاحِرٌ
أَوْ مَجْنُونٌ
Kathalika ma ata allatheenamin qablihim min rasoolin illa qaloo sahirunaw
majnoon
Somali
Xaalku waa saas, Gaaladii ReeMakaad ka horreysayna markastoo Rasuul uyimaado
waxay dhihi jireen waa Saaxir ama waa waalanyahay.
|
Ayah 51:53 الأية
أَتَوَاصَوْا بِهِ ۚ بَلْ هُمْ قَوْمٌ طَاغُونَ
Atawasaw bihi bal hum qawmun taghoon
Somali
Miyay isu dardaarmeen arrintaas, waase qoom xadgudbay.
|
Ayah 51:54 الأية
فَتَوَلَّ عَنْهُمْ فَمَا أَنتَ بِمَلُومٍ
Fatawalla AAanhum fama anta bimaloom
Somali
Ee Nabiyow iskaga jeedsado xaggooda, ma tihid mid la dagaaliye (Eebe agtiisa).
|
Ayah 51:55 الأية
وَذَكِّرْ فَإِنَّ الذِّكْرَىٰ تَنفَعُ الْمُؤْمِنِينَ
Wathakkir fa-inna aththikratanfaAAu almu/mineen
Somali
Ee wax waani, waanaduna waxay anfici mu'minintee.
|
Ayah 51:56 الأية
وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ
Wama khalaqtu aljinna wal-insailla liyaAAbudoon
Somali
Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin.
|
Ayah 51:57 الأية
مَا أُرِيدُ مِنْهُم مِّن رِّزْقٍ وَمَا أُرِيدُ أَن يُطْعِمُونِ
Ma oreedu minhum min rizqin wamaoreedu an yutAAimoon
Somali
Kamana doonaayo Risqi, iyo inay i quudiyaan.
|
Ayah 51:58 الأية
إِنَّ اللهَ هُوَ الرَّزَّاقُ ذُو الْقُوَّةِ الْمَتِينُ
Inna Allaha huwa arrazzaquthoo alquwwati almateen
Somali
Illeen Eebe umbaa ah arsuqe xoogbadane.
|
Ayah 51:59 الأية
فَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا ذَنُوبًا مِّثْلَ ذَنُوبِ أَصْحَابِهِمْ فَلَا
يَسْتَعْجِلُونِ
Fa-inna lillatheena thalamoothanooban mithla thanoobi as-habihimfala
yastaAAjiloon
Somali
59 Kuwii dulmiilowga ahaa waxaa u sugnaaday. Qyb (ciqaab ah) oo la mid ah tii
saaxiibbadoodii (ka horreeyey) ee ha dadajisanin.
|
Ayah 51:60 الأية
فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ كَفَرُوا مِن يَوْمِهِمُ الَّذِي يُوعَدُونَ
Fawaylun lillatheena kafaroo minyawmihimu allathee yooAAadoon
Somali
Halaag wuxuu usugnaaday kuwii gaaloobay maalintoodii (Qiyaame) ee loogu
yaboohay.
|
©
EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us
|