1st Ayah 1 الأية ١الأوليبِسْم ِ اللهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
قَدْ سَمِعَ اللهُ قَوْلَ الَّتِي تُجَادِلُكَ فِي زَوْجِهَا وَتَشْتَكِي إِلَى
اللهِ وَاللهُ يَسْمَعُ تَحَاوُرَكُمَا ۚ إِنَّ اللهَ سَمِيعٌ بَصِيرٌ
Qad samiAAa Allahu qawla allatee tujadilukafee zawjiha watashtakee ila Allahi
wallahuyasmaAAu tahawurakuma inna Allaha sameeAAunbaseer
Somali
Eebe wuxuu maqlay Haweenaydii hadalkeeda Nabiga kula doodaysay xaalkii ninkeeda,
oo Eebe u sheeganaysay «dhibaatadeeda», Eebana wuu maqlayey doodooda,
maxaayeelay Ilaahay waa ka wax walba maqle arka.
|
Ayah 58:2 الأية
الَّذِينَ يُظَاهِرُونَ مِنكُم مِّن نِّسَائِهِم مَّا هُنَّ أُمَّهَاتِهِمْ ۖ إِنْ
أُمَّهَاتُهُمْ إِلَّا اللَّائِي وَلَدْنَهُمْ ۚ وَإِنَّهُمْ لَيَقُولُونَ مُنكَرًا
مِّنَ الْقَوْلِ وَزُورًا ۚ وَإِنَّ اللهَ لَعَفُوٌّ غَفُورٌ
Allatheena yuthahiroonaminkum min nisa-ihim ma hunna ommahatihim inommahatuhum
illa alla-ee waladnahumwa-innahum layaqooloona munkaran mina alqawli wazooran
wa-innaAllaha laAAafuwwun ghafoor
Somali
Kuwa haweenkooda kala mid dhiga hooyadood oo kale haweenkoodu ma aha hooyadood,
hooyo waa midda wax dhashay, kuwaasina waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been
Ilaahayna hadal xun iyo been Ilaahayna waa Saamax badane Dhaafid badane.
|
Ayah 58:3 الأية
وَالَّذِينَ يُظَاهِرُونَ مِن نِّسَائِهِمْ ثُمَّ يَعُودُونَ لِمَا قَالُوا
فَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مِّن قَبْلِ أَن يَتَمَاسَّا ۚ ذَٰلِكُمْ تُوعَظُونَ بِهِ ۚ
وَاللهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ
Wallatheena yuthahiroonamin nisa-ihim thumma yaAAoodoona lima qaloofatahreeru
raqabatin min qabli an yatamassa thalikumtooAAathoona bihi wallahu
bimataAAmaloona khabeer
Somali
Kuwa haweenkooda kala mid dhigi hooyadood haddana ku noqon «haweenkii» waxaa ku
waajib ah qoor xoraynteed intayan istaaban, Arrintaasi waa waano, Ilaahayna waxa
dadku camal fali waa ogyahay.
|
Ayah 58:4 الأية
فَمَن لَّمْ يَجِدْ فَصِيَامُ شَهْرَيْنِ مُتَتَابِعَيْنِ مِن قَبْلِ أَن
يَتَمَاسَّا ۖ فَمَن لَّمْ يَسْتَطِعْ فَإِطْعَامُ سِتِّينَ مِسْكِينًا ۚ ذَٰلِكَ
لِتُؤْمِنُوا بِاللهِ وَرَسُولِهِ ۚ وَتِلْكَ حُدُودُ اللهِ ۗ وَلِلْكَافِرِينَ
عَذَابٌ أَلِيمٌ
Faman lam yajid fasiyamushahrayni mutatabiAAayni min qabli an yatamassafaman lam
yastatiAA fa-itAAamu sitteenamiskeenan thalika litu/minoo billahiwarasoolihi
watilka hudoodu Allahi walilkafireenaAAathabun aleem
Somali
Ruuxaan helin qoor uu xoreeyo wuxuu soomi Laba Bilood oo israacsan intayan
istaaban, ciddiise aan karin soonka wuxuu quudin Lixdan miskiin, arrintu waa
saas si aad Eebe u rumeysaan iyo Rasuulkiisa, taasina waa xuduuddii Ilaahay
Gaalase waxaa u sugnaaday Cadaab kulul.
|
Ayah 58:5 الأية
إِنَّ الَّذِينَ يُحَادُّونَ اللهَ وَرَسُولَهُ كُبِتُوا كَمَا كُبِتَ الَّذِينَ
مِن قَبْلِهِمْ ۚ وَقَدْ أَنزَلْنَا آيَاتٍ بَيِّنَاتٍ ۚ وَلِلْكَافِرِينَ عَذَابٌ
مُّهِينٌ
Inna allatheena yuhaddoona Allahawarasoolahu kubitoo kama kubita allatheena
minqablihim waqad anzalna ayatin bayyinatinwalilkafireena AAathabun muheen
Somali
Kuwa Eebe iyo Rasuulkiisa hilaafaya waxay mudan yihiin halaag sidii loo halaagay
kuwii ka horreeyey, Eebana wuxuu soo dajiyey Aayado cad cad Gaalana waxaa u
sugnaaday cadaab wax ihaaneeya.
|
Ayah 58:6 الأية
يَوْمَ يَبْعَثُهُمُ اللهُ جَمِيعًا فَيُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوا ۚ أَحْصَاهُ
اللهُ وَنَسُوهُ ۚ وَاللهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ
Yawma yabAAathuhumu Allahu jameeAAanfayunabbi-ohum bima AAamiloo ahsahu
Allahuwanasoohu wallahu AAala kulli shay-inshaheed
Somali
Maalinbuuna ihaanayn Ilaahay uu soo bixin dhammaantood, ugana warrami waxay
camal faleen, Eebana waa koobay iyana waa hilmaameen Ilaahayna wax kasta wuu
daalacan (arkaa).
|
Ayah 58:7 الأية
أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللهَ يَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۖ
مَا يَكُونُ مِن نَّجْوَىٰ ثَلَاثَةٍ إِلَّا هُوَ رَابِعُهُمْ وَلَا خَمْسَةٍ
إِلَّا هُوَ سَادِسُهُمْ وَلَا أَدْنَىٰ مِن ذَٰلِكَ وَلَا أَكْثَرَ إِلَّا هُوَ
مَعَهُمْ أَيْنَ مَا كَانُوا ۖ ثُمَّ يُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوا يَوْمَ
الْقِيَامَةِ ۚ إِنَّ اللهَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ
Alam tara anna Allaha yaAAlamu mafee assamawati wama fee al-ardima yakoonu min
najwa thalathatin illahuwa rabiAAuhum wala khamsatin illa huwa sadisuhumwala
adna min thalika wala aktharailla huwa maAAahum ayna ma kanoo thummayunabbi-ohum
bima AAamiloo yawma alqiyamati innaAllaha bikulli shay-in AAaleem
Somali
Ma ogtahay in Ilaahay ogyahay Cirka iyo Dhulka waxa ku jira, Seddexdii faqiba
Ilaahay baa afreeya, Shantana Ilaahay baa Lixeeya; waxa ka yar iyo waxa ka
badanba Ilaaahaybaa la jooga meeshay ahaadaanba, wuxuuna uga qarrami waxay camal
faleen Maalinta Qiyaamo Ilaahayna wax walba waa ogyahay.
|
Ayah 58:8 الأية
أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ نُهُوا عَنِ النَّجْوَىٰ ثُمَّ يَعُودُونَ لِمَا
نُهُوا عَنْهُ وَيَتَنَاجَوْنَ بِالْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ وَمَعْصِيَتِ الرَّسُولِ
وَإِذَا جَاءُوكَ حَيَّوْكَ بِمَا لَمْ يُحَيِّكَ بِهِ اللهُ وَيَقُولُونَ فِي
أَنفُسِهِمْ لَوْلَا يُعَذِّبُنَا اللهُ بِمَا نَقُولُ ۚ حَسْبُهُمْ جَهَنَّمُ
يَصْلَوْنَهَا ۖ فَبِئْسَ الْمَصِيرُ
Alam tara ila allatheena nuhooAAani annajwa thumma yaAAoodoona lima nuhooAAanhu
wayatanajawna bil-ithmi walAAudwaniwamaAAsiyati arrasooli wa-itha jaookahayyawka
bima lam yuhayyika bihi Allahuwayaqooloona fee anfusihim lawla
yuAAaththibunaAllahu bima naqoolu hasbuhum jahannamu yaslawnahafabi/sa almaseer
Somali
Miyaadan ogayn kuwa laga reebay faqa xun oo haddana ku noqon waxa laga reebay,
kuna faqi dambi iyo cadawnimo iyo caasinnimada Rasuulka, markay Nabiga u
yimaadaanna ku salaamaya waxaan Eebe ku salaamin oo hoos u dhihi maa Eebe nagu
cadaabo waxaan ku hadlayno waxaa ku filan Jahaannamo oo ay galayaan waana Guri
xun.
|
Ayah 58:9 الأية
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا تَنَاجَيْتُمْ فَلَا تَتَنَاجَوْا
بِالْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ وَمَعْصِيَتِ الرَّسُولِ وَتَنَاجَوْا بِالْبِرِّ
وَالتَّقْوَىٰ ۖ وَاتَّقُوا اللهَ الَّذِي إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ
Ya ayyuha allatheena amanooitha tanajaytum fala tatanajaw bil-ithmiwalAAudwani
wamaAAsiyati arrasooliwatanajaw bilbirri wattaqwa wattaqooAllaha allathee ilayhi
tuhsharoon
Somali
Kuwa rumeeyayow markaad faqaysaan ha ku faqina dambi, colnimo iyo caasinnimada
Rasuulka ee ku faqa wanaag dhawrsani, Eebana ka yaaba isagaa la isu soo kulmine.
|
Ayah 58:10 الأية
إِنَّمَا النَّجْوَىٰ مِنَ الشَّيْطَانِ لِيَحْزُنَ الَّذِينَ آمَنُوا وَلَيْسَ
بِضَارِّهِمْ شَيْئًا إِلَّا بِإِذْنِ اللهِ ۚ وَعَلَى اللهِ فَلْيَتَوَكَّلِ
الْمُؤْمِنُونَ
Innama annajwa mina ashshaytaniliyahzuna allatheena amanoo walaysa
bidarrihimshay-an illa bi-ithni Allahi waAAalaAllahi falyatawakkali almu/minoon
Somali
Faqa xun Shaydaan buu kayimaaddaa suu u walbahaar geliyo kuwa xaqa rumeeyay,
waxbase kama dhibo idan Ilaahay Mooyee, Ilaahay uun ha tala saarteen kuwa xaqa
rumeeyey.
|
Ayah 58:11 الأية
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا قِيلَ لَكُمْ تَفَسَّحُوا فِي الْمَجَالِسِ
فَافْسَحُوا يَفْسَحِ اللهُ لَكُمْ ۖ وَإِذَا قِيلَ انشُزُوا فَانشُزُوا يَرْفَعِ
اللهُ الَّذِينَ آمَنُوا مِنكُمْ وَالَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ دَرَجَاتٍ ۚ
وَاللهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ
Ya ayyuha allatheena amanooitha qeela lakum tafassahoo fee almajalisifafsahoo
yafsahi Allahu lakum wa-ithaqeela onshuzoo fanshuzoo yarfaAAi Allahu
allatheenaamanoo minkum wallatheena ootoo alAAilmadarajatin wallahu bima
taAAmaloonakhabeer
Somali
Kuwa xaqa rumeeyayow haddii la idin dhaho isu waasiciya fadhiga; isuwaasiciya
Ilaahay wanaagga ha idiin waasiciyee, marka la idin yiraahdo Jihaadka iyo
Khayrka u degdegana; u degdega Ilaahay wuu koryeelayaa kuwa xaqa rumeeya kuwa
cilmiga lehna daragooyin yuu koryeelayaa Eebana waxa la camal fali waa ogyahay.
|
Ayah 58:12 الأية
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا نَاجَيْتُمُ الرَّسُولَ فَقَدِّمُوا بَيْنَ
يَدَيْ نَجْوَاكُمْ صَدَقَةً ۚ ذَٰلِكَ خَيْرٌ لَّكُمْ وَأَطْهَرُ ۚ فَإِن لَّمْ
تَجِدُوا فَإِنَّ اللهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Ya ayyuha allatheena amanooitha najaytumu arrasoola faqaddimoo baynayaday
najwakum sadaqatan thalika khayrunlakum waatharu fa-in lam tajidoo fa-inna
Allahaghafoorun raheem
Somali
Kuwa xaqa rumeeyayow markaad Nabiga qaabilaysaan hormariya Sadaqo, saasaa idiin
khayr badan idiina nadiifsan, haddaydaan helaynin Eebe waa dambi dhaaf badane
Naxariis badane.
|
Ayah 58:13 الأية
أَأَشْفَقْتُمْ أَن تُقَدِّمُوا بَيْنَ يَدَيْ نَجْوَاكُمْ صَدَقَاتٍ ۚ فَإِذْ لَمْ
تَفْعَلُوا وَتَابَ اللهُ عَلَيْكُمْ فَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ
وَأَطِيعُوا اللهَ وَرَسُولَهُ ۚ وَاللهُ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ
Aashfaqtum an tuqaddimoo bayna yaday najwakumsadaqatin fa-ith lam tafAAaloo
watabaAllahu AAalaykum faaqeemoo assalatawaatoo azzakata waateeAAoo
Allahawarasoolahu wallahu khabeerun bimataAAmaloon
Somali
Ma waxaad ka cabsateen inaad hormarsataan Sadaqooyin markaad Nabiga la
kulmaysaan; haddaydaan saas falin Eebe waa idin ka toobada aqbalaye ee Salaadda
ooga Sakadana bixiya Ilaahaay iyo Rasuulkiisana adeeca, Eebana waa ogyahay
waxaad camal falaysaan.
|
Ayah 58:14 الأية
أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ تَوَلَّوْا قَوْمًا غَضِبَ اللهُ عَلَيْهِم مَّا هُم
مِّنكُمْ وَلَا مِنْهُمْ وَيَحْلِفُونَ عَلَى الْكَذِبِ وَهُمْ يَعْلَمُونَ
Alam tara ila allatheenatawallaw qawman ghadiba Allahu AAalayhim mahum minkum
wala minhum wayahlifoona AAalaalkathibi wahum yaAAlamoon
Somali
Ma ogtahay kuwii ka sokeeye dhigtay kuwa Eebe u cadhooday kuwaasi idin ka mid ma
aha iyagana ka mid ma aha (waa munaafiqiinta) waxayna ku dhaaran been iyagoo og.
|
Ayah 58:15 الأية
أَعَدَّ اللهُ لَهُمْ عَذَابًا شَدِيدًا ۖ إِنَّهُمْ سَاءَ مَا كَانُوا
يَعْمَلُونَ
aAAadda Allahu lahum AAathabanshadeedan innahum saa ma kanoo yaAAmaloon
Somali
Eebe wuxuu u darbay kuwaas cadaab daran maxaa yeelay wax xun bay falayeen.
|
Ayah 58:16 الأية
اتَّخَذُوا أَيْمَانَهُمْ جُنَّةً فَصَدُّوا عَن سَبِيلِ اللهِ فَلَهُمْ عَذَابٌ
مُّهِينٌ
Ittakhathoo aymanahum junnatanfasaddoo AAan sabeeli Allahi falahum
AAathabunmuheen
Somali
Dhaartoodii bay gaashaan ka dhigteen dadkana xaqiibay ka leexiyeen waxayna mudan
yihiin cadaab wax ihaaneeya.
|
Ayah 58:17 الأية
لَّن تُغْنِيَ عَنْهُمْ أَمْوَالُهُمْ وَلَا أَوْلَادُهُم مِّنَ اللهِ شَيْئًا ۚ
أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
Lan tughniya AAanhum amwaluhum walaawladuhum mina Allahi shay-an ola-ika
as-habuannari hum feeha khalidoon
Somali
Xoolahooda iyo Caruurtoodu wax ugama taraan Eebe xaggiisa, waana kuwa ehelu Naar
ah wayna ku waari.
|
Ayah 58:18 الأية
يَوْمَ يَبْعَثُهُمُ اللهُ جَمِيعًا فَيَحْلِفُونَ لَهُ كَمَا يَحْلِفُونَ لَكُمْ
ۖ وَيَحْسَبُونَ أَنَّهُمْ عَلَىٰ شَيْءٍ ۚ أَلَا إِنَّهُمْ هُمُ الْكَاذِبُونَ
Yawma yabAAathuhumu Allahu jameeAAanfayahlifoona lahu kama yahlifoona lakum
wayahsaboonaannahum AAala shay-in ala innahum humu alkathiboon
Somali
Maalinta Eebe soo bixiyo dhamaantood way u dhaaran Eebe siday idinka idiinku
dhaartaan iyagoo u malayn inay wax (xuja ah) haystaan waase kuwo beenaalayaal
ah.
|
Ayah 58:19 الأية
اسْتَحْوَذَ عَلَيْهِمُ الشَّيْطَانُ فَأَنسَاهُمْ ذِكْرَ اللهِ ۚ أُولَٰئِكَ
حِزْبُ الشَّيْطَانِ ۚ أَلَا إِنَّ حِزْبَ الشَّيْطَانِ هُمُ الْخَاسِرُونَ
Istahwatha AAalayhimu ashshaytanufaansahum thikra Allahi ola-ika
hizbuashshaytani ala inna hizba ashshaytanihumu alkhasiroon
Somali
Waxaa ka qaalib noqday Shaydaan oo hilaamsiiyey xusidda Eebe, kuwaasi waa
Xisbiga shaydaanka, Xisbiga shaydaankuna waa kuwa khasaaray.
|
Ayah 58:20 الأية
إِنَّ الَّذِينَ يُحَادُّونَ اللهَ وَرَسُولَهُ أُولَٰئِكَ فِي الْأَذَلِّينَ
Inna allatheena yuhaddoona Allahawarasoolahu ola-ika fee al-athalleen
Somali
Kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa khilaafaya waxay ka mid noqon kuwa dullooba.
|
Ayah 58:21 الأية
كَتَبَ اللهُ لَأَغْلِبَنَّ أَنَا وَرُسُلِي ۚ إِنَّ اللهَ قَوِيٌّ عَزِيزٌ
Kataba Allahu laaghlibanna anawarusulee inna Allaha qawiyyun AAazeez
Somali
Eebe wuxuu xugmiyey inuu adkaado isaga iyo Rasuulkiisa, maxaa yeelay waa xoog
badane adkaade ah.
|
Ayah 58:22 الأية
لَّا تَجِدُ قَوْمًا يُؤْمِنُونَ بِاللهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ يُوَادُّونَ مَنْ
حَادَّ اللهَ وَرَسُولَهُ وَلَوْ كَانُوا آبَاءَهُمْ أَوْ أَبْنَاءَهُمْ أَوْ
إِخْوَانَهُمْ أَوْ عَشِيرَتَهُمْ ۚ أُولَٰئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ الْإِيمَانَ
وَأَيَّدَهُم بِرُوحٍ مِّنْهُ ۖ وَيُدْخِلُهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا
الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا ۚ رَضِيَ اللهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ ۚ
أُولَٰئِكَ حِزْبُ اللهِ ۚ أَلَا إِنَّ حِزْبَ اللهِ هُمُ الْمُفْلِحُونَ
La tajidu qawman yu/minoona billahiwalyawmi al-akhiri yuwaddoona man haddaAllaha
warasoolahu walaw kanoo abaahumaw abnaahum aw ikhwanahum aw AAasheeratahum
ola-ikakataba fee quloobihimu al-eemana waayyadahum biroohinminhu wayudkhiluhum
jannatin tajree min tahtihaal-anharu khalideena feeha radiya AllahuAAanhum
waradoo AAanhu ola-ika hizbu Allahiala inna hizba Allahi humu almuflihoon
Somali
Ma helaysid dad Ilaahay rumeeyey iyo Maalintii dambeeysay oo haddana jecel ruux
Ilaahay iyo Rasuulkiisa khilaafaya haba ahaadeen Aabayowgood, Caruurtooda,
Walaahood ama Qaraabadooda, kuwaas (aan jeelaanin) waa kuwo qalbigooda iimaanka
lagu dhigay Eebena ku xoojiyey gargaarkiisa, wuxuuna gelin Jannooyin Wabiyaal
dhex socdaan ay kuna waari, kuwaas Ilaahay baa ka raalli noqday iyana way ka
raallii noqdeen waana Xisbiga Ilaahay; Xisbiga Ilaahayna waa kuwa Liibaanay.
|
©
EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us
|