Dadka ma waxaa la yaab ku Noqotay inaan u waxyoon Nin ka mida u Dig Dadka, uguna
Bishaaree kuwa Rumeeyey inay ku leeyihiin Camal fiican Eebahood agtiisa, waxay
Dheheen Gaaladiina kani waa Sixirrow Cad.
Haddu Eebe u Dedejiyo Dadka Xumaanta siday khayrka u Dedejistaan waxaa loo
Dhamayn lahaa Ajashooda, Waanuse ku Dayn Kuwaan Rajaynayn la kulank nanaga
Fasaadkooda iyagoo ku Wareersan.
Marka lagu Akhriyo Korkooda Aayaadkanaga oo Cad Cad waxay Dhahaan kuwaan
Rajaynayn la kulankanaga noo keen Quraan aan kan ahayn ama badal, waxaad dhahdaa
igama suurowdo inaan ka baddalo agtayda, waxaan nun Raaci waxa lay waxyoodo,
waxaan ka cabsan Haddaao Eebe Caasiyo Cadaab Maalin wayn.
Eebe waa Kan Idinku Wada Barriga iyo Baddaba markay ahaadaan Doonta oo ay ku
socdaan Dabayl Fiican oo ay Markaas ku Farxaan oy u Timaaddo Dabayl Daran ugana
yimaaddo hirku Dhan kasta oy una Maleeyaan in la koobay (la Halaagay) waxay
Baryaan Eebe iyagoo u kaliyeeli Diinta Iyagoo (Dhihi) Haddaad naga koriso tan
waannu kugu Mahdin.
Nolosha Adduunyo waa uun Biyo oo kale oon ka soo Dejinay Samada oo ku Dheehnay
waxa ka so baxa Dhulka oo ah wuxuu Dadku Cuno iyo Xooluhu markuu dhulku Qurux ka
Buuxsamo oy isqurxhiso oo Dadkeedu u Maleeyo inay Karaan (Goosashadeeda) yaa
waxaa u Yimaadda Amarkannagii Habeen ama Dharaar waxaana ka yeelaa wax la Shafay
sidii iyadoon Shalay Jirin, Saasaana ugu Caddaynay Aayaadka Qoomkii Firkiri.
ka warran maalintaan kulminaynno Dhammaan markaas aan ku dhahaynno kuwii la
wadaajiyey (Gaaloobay) Meejiinna ahaada idinka iyo kuwaad la wadaajiseen
markaasaan kala gaynay dhexdooda, waxayna dheheen kuway la wadaajiyeen (Eebe) an
naga nama aydaan Caabudayn.
waxaad dhahdaa ma ka midyahay shurakadiinna cid ku hanuunin xaqa, waxaad dhadaa
Eebaa ku hanuunin Xaqa, mase mid ku hanuunin Xaqa yaa mudan in la raaco mise
midaan hanuuninayn in la hanuuniyo mooyee, maxaad leedihiin sideed xukumaysaan.
ma aha Quraankanu mid laga been abuurtay Eebe ka sokow, waase u rumeeyaha wixii
ka horreeyey iyo caddaynta Kitaabka (Xukunka) shakina kuma jiro wuxuuna ka
ahaaday Eebaha Caalamka.
waxayse beeniyeen waxayna cilmigiisa koobin (Quraanka) uusanna wali u imaanin
aayahiisu saasayna u beeniyeen kuwii ka horreeyey ee bal day siday noqotay
Cidhibtii Daalimiinta.
hadday ku Beeniyaan waxaad dhahdaa anuugu waxaan leeyahay Camalkayga idinkuna
camalkiinna idinku bari baad ka tihiin waxaan fali anna bari baan ka ahay waxaad
falaysaan.
Maalinta la kulminna waxay la mid noqon iyagoon nagaanin Saacad Maalin mooyee,
wayna is aqoonsan dhexdooda, waxaana khasaaray kuwa beeniyey la kulanka Eebe
mana hanuunsanayn.
waxaad dhahdaa ka warrama waxa Eebe idiin soo dejiyo oo Risqi ah ood ka yeesheen
Qaar ka mida Xaaraan (qaarna) Xalaal, waxaad dhahdaa ma Eebaa idiin idmay mise
Eebaad ku Beenabuuranaysaan.
Eebaa iska leh waxa samooyinka iyo Dhulka ku sugan, waxay raacayaan oy Caabudi
Eebe ka sokow wa Shurako (Sanamyo) waxaan mala ahayna ma raacayaan, waxaan
heenaalayaal ahaynna ma aha.
ku akhri korkooda warkii Nabi Nuux markuu ku yidhi qoomkiisii qoomkayow hadday
idin la waynaatay Nagaadigayga iyo ku waanintayada aayaadka Eebe waxaan tala
saartay Eebe ee kulmiya amarkiinna iyo shurakadinnaa yuuna ahaan amarkiinna wax
qarsoon (oo dhiba) markaas i xukuma hana i sugina.
Wayna beeniyeen waxaana ku korinnay Nabi Nuux iyo intii la jirtay Doontii,
waxaana ka yeelay kuwo u hadha dhulka, waxaana maanshaynay kuwii beeniyey
Aayaadkannaga ee day siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay.
ma rumaymn Nabi Muuse Farac yar oo Qoomkiisii ka mida mooyee iyagoo ka Cabsan
fircoon fyo Kooxdiisii inay fidmeeyaan, fircoonna wuu isku kibriyey dhulka
wuxuuna ka mid ahaa xadgudbayaaaha.