1st Ayah 1 الأية ١الأوليبِسْم ِ اللهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ وَلَهُ
الْحَمْدُ فِي الْآخِرَةِ ۚ وَهُوَ الْحَكِيمُ الْخَبِيرُ
Alhamdu lillahi allatheelahu ma fee assamawati wamafee al-ardi walahu alhamdu
fee al-akhiratiwahuwa alhakeemu alkhabeer
Somali
mahad Eebaa iska leh ay awooddiisa kujiraan waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan,
mahadna isagaa muta aakharo iyo aduunba, waana falsame xeel dheer (waxwalba
oge).
|
Ayah 34:2 الأية
يَعْلَمُ مَا يَلِجُ فِي الْأَرْضِ وَمَا يَخْرُجُ مِنْهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ
السَّمَاءِ وَمَا يَعْرُجُ فِيهَا ۚ وَهُوَ الرَّحِيمُ الْغَفُورُ
YaAAlamu ma yaliju fee al-ardiwama yakhruju minha wama yanzilu mina assama-iwama
yaAAruju feeha wahuwa arraheemualghafoor
Somali
wuxuuna ogyahay waxa dhulka gali iyo waxa ka soobixi iyo waxa ka soodagi samada
iyo waxa u kori, waana naxariiste dambidhaafa ah.
|
Ayah 34:3 الأية
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لَا تَأْتِينَا السَّاعَةُ ۖ قُلْ بَلَىٰ وَرَبِّي
لَتَأْتِيَنَّكُمْ عَالِمِ الْغَيْبِ ۖ لَا يَعْزُبُ عَنْهُ مِثْقَالُ ذَرَّةٍ فِي
السَّمَاوَاتِ وَلَا فِي الْأَرْضِ وَلَا أَصْغَرُ مِن ذَٰلِكَ وَلَا أَكْبَرُ
إِلَّا فِي كِتَابٍ مُّبِينٍ
Waqala allatheena kafaroo lata/teena assaAAatu qul bala warabbeelata/tiyannakum
AAalimi alghaybi la yaAAzubu AAanhumithqalu tharratin fee assamawatiwala fee
al-ardi wala asgharu min thalikawala akbaru illa fee kitabin mubeen
Somali
kuwii gaaloobay waxay dhaheen nooma imaaneyso saacadda (Qiyaame), waxaad dhahdaa
saas ma aha ee Eebahay baan ku dhartey way idiin imaan, Eebahay waa wax maqan
oge, wax darro la egna kagama qarsoona samooyinka iyo dhulka dhexdooda iyo wax
waxaas ka yar iyo wax la weyn midna, wax walbana kitaab cad bey ku suganyihiin.
|
Ayah 34:4 الأية
لِّيَجْزِيَ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ ۚ أُولَٰئِكَ لَهُم
مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ
Liyajziya allatheena amanoowaAAamiloo assalihati ola-ika lahummaghfiratun
warizqun kareem
Somali
Si Eebe u abaal mariyo kuwa rumeeyey (xaqa) oo camal fiican Falay kuwaasna waxay
mudan dambi dhaaf iyo risqi wanaagsan.
|
Ayah 34:5 الأية
وَالَّذِينَ سَعَوْا فِي آيَاتِنَا مُعَاجِزِينَ أُولَٰئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مِّن
رِّجْزٍ أَلِيمٌ
Wallatheena saAAaw fee ayatinamuAAajizeena ola-ika lahum AAathabun minrijzin
aleem
Somali
Kuwa u socda iney aayaadkanaga (kaleexdaan) iyagoo u maleyn iney daalin (Eebe)
kuwaasi waxay mudan cadaab daran oo xun.
|
Ayah 34:6 الأية
وَيَرَى الَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ الَّذِي أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ هُوَ
الْحَقَّ وَيَهْدِي إِلَىٰ صِرَاطِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ
Wayara allatheena ootooalAAilma allathee onzila ilayka min rabbika huwa
alhaqqawayahdee ila sirati alAAazeezi alhameed
Somali
Waxey arki kuwii cilmiga la siiyeyna (mu'miniinta) in waxa laga soo dajiyey
xagga Eebe xaq yahey kuna hanuunin jidka Eebaha adkaada ee la mahdiyo.
|
Ayah 34:7 الأية
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا هَلْ نَدُلُّكُمْ عَلَىٰ رَجُلٍ يُنَبِّئُكُمْ إِذَا
مُزِّقْتُمْ كُلَّ مُمَزَّقٍ إِنَّكُمْ لَفِي خَلْقٍ جَدِيدٍ
Waqala allatheena kafaroo halnadullukum AAala rajulin yunabbi-okum ithamuzziqtum
kulla mumazzaqin innakum lafee khalqin jadeed
Somali
Waxey dhaheen kuwii gaaloobey maydin tusinaa nin idiin ka warrami in marka
laydinkala geeyo (jidkiina) kala gayn dhamaanteed in abuur cusub leydin abuuri.
|
Ayah 34:8 الأية
أَفْتَرَىٰ عَلَى اللهِ كَذِبًا أَم بِهِ جِنَّةٌ ۗ بَلِ الَّذِينَ لَا
يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ فِي الْعَذَابِ وَالضَّلَالِ الْبَعِيدِ
Aftara AAala Allahi kathibanam bihi jinnatun bali allatheena la yu/minoona
bil-akhiratifee alAAathabi waddalali albaAAeed
Somali
Ma Eebuu ku been abuuran mase wuu waalanyahay, saas ma aha ee kuwaan rumeynin
aakhiro waxay ku sugnaan cadaab iyo baadi fog.
|
Ayah 34:9 الأية
أَفَلَمْ يَرَوْا إِلَىٰ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُم مِّنَ السَّمَاءِ
وَالْأَرْضِ ۚ إِن نَّشَأْ نَخْسِفْ بِهِمُ الْأَرْضَ أَوْ نُسْقِطْ عَلَيْهِمْ
كِسَفًا مِّنَ السَّمَاءِ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً لِّكُلِّ عَبْدٍ مُّنِيبٍ
Afalam yaraw ila ma baynaaydeehim wama khalfahum mina assama-i wal-ardiin nasha/
nakhsif bihimu al-arda aw nusqitAAalayhim kisafan mina assama-i inna fee
thalikalaayatan likulli AAabdin muneeb
Somali
Miyeyna arkaynin waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah oo samo iyo dhul ah
hadaan doono waxaanu la goyn dhulka, mise waxaan ku soo rideynaa goosimo samada
kamid ah arintaasna aayadbaa ugu sugan adoonkastoo towbadkeen badan.
|
Ayah 34:10 الأية
وَلَقَدْ آتَيْنَا دَاوُودَ مِنَّا فَضْلًا ۖ يَا جِبَالُ أَوِّبِي مَعَهُ
وَالطَّيْرَ ۖ وَأَلَنَّا لَهُ الْحَدِيدَ
Walaqad atayna dawoodaminna fadlan ya jibalu awwibeemaAAahu wattayra waalanna
lahu alhadeed
Somali
Dhab ahaanbaan u siinay Nabi Daawuud fadli (dheeraad) xaganaga ah, waxaana nidhi
buurahoow ka celceliya tasbiixda, shimbirahoowna (la celceliya tasbiixda,)
waxaana u jilcincy birta.
|
Ayah 34:11 الأية
أَنِ اعْمَلْ سَابِغَاتٍ وَقَدِّرْ فِي السَّرْدِ ۖ وَاعْمَلُوا صَالِحًا ۖ إِنِّي
بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ
Ani iAAmal sabighatin waqaddirfee assardi waAAmaloo salihan inneebima
taAAmaloona baseer
Somali
Waxaana ku nidhi ka samce dirieyada (dharka dagaalka) sugna tixiddeeda wanaagna
fala, waxaad faleeysaana waan arkaa.
|
Ayah 34:12 الأية
وَلِسُلَيْمَانَ الرِّيحَ غُدُوُّهَا شَهْرٌ وَرَوَاحُهَا شَهْرٌ ۖ وَأَسَلْنَا
لَهُ عَيْنَ الْقِطْرِ ۖ وَمِنَ الْجِنِّ مَن يَعْمَلُ بَيْنَ يَدَيْهِ بِإِذْنِ
رَبِّهِ ۖ وَمَن يَزِغْ مِنْهُمْ عَنْ أَمْرِنَا نُذِقْهُ مِنْ عَذَابِ السَّعِيرِ
Walisulaymana arreehaghuduwwuha shahrun warawahuha shahrunwaasalna lahu AAayna
alqitri wamina aljinni manyaAAmalu bayna yadayhi bi-ithni rabbihi waman
yazighminhum AAan amrina nuthiqhu min AAathabi assaAAeer
Somali
Nabi suleymaanna waxaan u Sakhirray dabeysha, kallahaadeedu waabil,
carraabaheeduna waa bil, waxaan u dureeriney il Nuxaad ah (maar) Jinigana waxaa
ka mid ah kuwo ku hor shaqeeya idanka Eebe, ruuxii ka mid ah oo ka iilata
amarkanaga waxaan dhadhansiineeynaa cadaabka saciiro.
|
Ayah 34:13 الأية
يَعْمَلُونَ لَهُ مَا يَشَاءُ مِن مَّحَارِيبَ وَتَمَاثِيلَ وَجِفَانٍ كَالْجَوَابِ
وَقُدُورٍ رَّاسِيَاتٍ ۚ اعْمَلُوا آلَ دَاوُودَ شُكْرًا ۚ وَقَلِيلٌ مِّنْ
عِبَادِيَ الشَّكُورُ
YaAAmaloona lahu ma yashao minmahareeba watamatheela wajifanin
kaljawabiwaqudoorin rasiyatin iAAmaloo ala dawoodashukran waqaleelun min
AAibadiya ashshakoor
Somali
Waxay u sameyn suleymaan wuxuu doono oo mixraabyo (Fooqaq) iyo suurooyin, iyo
xeedhooyin dar oo kale ah, iyo dharyo sugan, waxaana ku nidhi fala ehelka
Daawuudow mahadnaq, waxaana yar adoomadayda shugriga badan.
|
Ayah 34:14 الأية
فَلَمَّا قَضَيْنَا عَلَيْهِ الْمَوْتَ مَا دَلَّهُمْ عَلَىٰ مَوْتِهِ إِلَّا
دَابَّةُ الْأَرْضِ تَأْكُلُ مِنسَأَتَهُ ۖ فَلَمَّا خَرَّ تَبَيَّنَتِ الْجِنُّ
أَن لَّوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ الْغَيْبَ مَا لَبِثُوا فِي الْعَذَابِ الْمُهِينِ
Falamma qadaynaAAalayhi almawta ma dallahum AAala mawtihi illadabbatu al-ardi
ta/kulu minsaatahu falammakharra tabayyanati aljinnu an law kanoo
yaAAlamoonaalghayba ma labithoo fee alAAathabi almuheen
Somali
Markaan geerida ku xukunay Nabi suleymaan wax tusiyey geeridiisa ma jiro oon
ahayn aboorka cunay ushiisa, markuu dhacay yaa waxaa u cadaaday jinigii hadey
waxa maqan ogyihiin ineyna ku nagaadeen cadaab wax duleeya (shaqadiisa darteed).
|
Ayah 34:15 الأية
لَقَدْ كَانَ لِسَبَإٍ فِي مَسْكَنِهِمْ آيَةٌ ۖ جَنَّتَانِ عَن يَمِينٍ وَشِمَالٍ
ۖ كُلُوا مِن رِّزْقِ رَبِّكُمْ وَاشْكُرُوا لَهُ ۚ بَلْدَةٌ طَيِّبَةٌ وَرَبٌّ
غَفُورٌ
Laqad kana lisaba-in fee maskanihim ayatunjannatani AAan yameenin washimalin
kuloo min rizqirabbikum washkuroo lahu baldatun tayyibatunwarabbun ghafoor
Somali
Guryihii reer sabaad waxaa ku sugnayd calaamo, Beeraana ka xigay xaga midig iyo
xagga bidixba, waxaana Eebe ku yidhi cuna risqiga Eebihiin kuna mahadiya, waa
balad wanaagsan iyo Eebe dambi dhaafbadane.
|
Ayah 34:16 الأية
فَأَعْرَضُوا فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ سَيْلَ الْعَرِمِ وَبَدَّلْنَاهُم
بِجَنَّتَيْهِمْ جَنَّتَيْنِ ذَوَاتَيْ أُكُلٍ خَمْطٍ وَأَثْلٍ وَشَيْءٍ مِّن
سِدْرٍ قَلِيلٍ
FaaAAradoo faarsalna AAalayhimsayla alAAarimi wabaddalnahum bijannatayhim
jannatayni thawatayokulin khamtin waathlin washay-in min sidrin qaleel
Somali
Wayse jeedsadeen, waxaana ku diray daad daran, waxaana ku badaley labadoodii
beerood beero kale oo geedo khadhaadh iyo qoryo iyo sidri yar ah.
|
Ayah 34:17 الأية
ذَٰلِكَ جَزَيْنَاهُم بِمَا كَفَرُوا ۖ وَهَلْ نُجَازِي إِلَّا الْكَفُورَ
Thalika jazaynahum bimakafaroo wahal nujazee illa alkafoor
Somali
Sidaasaana ku abaalmarinay gaalnimadoodii darteed, abaalmarin xunna waxaan abaal
marinaa kuwa gaalnimada badan.
|
Ayah 34:18 الأية
وَجَعَلْنَا بَيْنَهُمْ وَبَيْنَ الْقُرَى الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا قُرًى
ظَاهِرَةً وَقَدَّرْنَا فِيهَا السَّيْرَ ۖ سِيرُوا فِيهَا لَيَالِيَ وَأَيَّامًا
آمِنِينَ
WajaAAalna baynahum wabayna alquraallatee barakna feeha quran
thahiratanwaqaddarna feeha assayra seeroo feehalayaliya waayyaman amineen
Somali
Waxaana yeeley dhexdooda iyo magaalooyinkii barakeysnaa (Yaman iyo Qudus)
magaalooyin muuqdo waxaana qadaray socodkooda, waxaana ku nidhi ku socda
dhexdeeda habeen iyo maalinba idinkoo aamin ah.
|
Ayah 34:19 الأية
فَقَالُوا رَبَّنَا بَاعِدْ بَيْنَ أَسْفَارِنَا وَظَلَمُوا أَنفُسَهُمْ
فَجَعَلْنَاهُمْ أَحَادِيثَ وَمَزَّقْنَاهُمْ كُلَّ مُمَزَّقٍ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ
لَآيَاتٍ لِّكُلِّ صَبَّارٍ شَكُورٍ
Faqaloo rabbana baAAidbayna asfarina wathalamoo anfusahumfajaAAalnahum ahadeetha
wamazzaqnahum kullamumazzaqin inna fee thalika laayatin likullisabbarin shakoor
Somali
Waxayse dhaheen Eebow noo kala fogee socodka, wayna dulmiyeen naftooda, waxaana
ka yeelay wax lagu sheekeysto. waana kala goyney, sidaasna waxaa ugu sugan
calaamo ruux kastoo Samirbadanoo Mahadin badan.
|
Ayah 34:20 الأية
وَلَقَدْ صَدَّقَ عَلَيْهِمْ إِبْلِيسُ ظَنَّهُ فَاتَّبَعُوهُ إِلَّا فَرِيقًا
مِّنَ الْمُؤْمِنِينَ
Walaqad saddaqa AAalayhim ibleesu thannahufattabaAAoohu illa fareeqan mina
almu/mineen
Somali
Dhab ahaan waxaa ku rumoobey gaalada korkooda Ibliis Malihiisii, wayna raaceen
wax yar oo ka mid ah oo mu'min ah mooyee.
|
Ayah 34:21 الأية
وَمَا كَانَ لَهُ عَلَيْهِم مِّن سُلْطَانٍ إِلَّا لِنَعْلَمَ مَن يُؤْمِنُ
بِالْآخِرَةِ مِمَّنْ هُوَ مِنْهَا فِي شَكٍّ ۗ وَرَبُّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ
حَفِيظٌ
Wama kana lahu AAalayhim minsultanin illa linaAAlama man yu/minu
bil-akhiratimimman huwa minha fee shakkin warabbuka AAala kullishay-in hafeeth
Somali
Mu'miniinta awood kuma laha ibliis wax kalana uma aanaan yeelin inay kala
muuqato ruuxa rumeeyey Aakhiro iyo kan ka shakisan xaggeeda. Eebahaana wax walba
waa ilaaliye.
|
Ayah 34:22 الأية
قُلِ ادْعُوا الَّذِينَ زَعَمْتُم مِّن دُونِ اللهِ ۖ لَا يَمْلِكُونَ مِثْقَالَ
ذَرَّةٍ فِي السَّمَاوَاتِ وَلَا فِي الْأَرْضِ وَمَا لَهُمْ فِيهِمَا مِن شِرْكٍ
وَمَا لَهُ مِنْهُم مِّن ظَهِيرٍ
Quli odAAoo allatheena zaAAamtum mindooni Allahi la yamlikoona mithqala
tharratinfee assamawati wala fee al-ardiwama lahum feehima min shirkin wama
lahuminhum min thaheer
Somali
Waxaad dhahdaa u yeedha kuwaad sheegateen Eebe ka sokow (iney ilaahyihiin) kuma
hantaan darro wax la eb samooyinka iyo dhulka midna, wax wadaag ahna «shirkadna»
kumalch dhexdooda Eebe wax u kaalmeeyana kuma laha khaliqiga.
|
Ayah 34:23 الأية
وَلَا تَنفَعُ الشَّفَاعَةُ عِندَهُ إِلَّا لِمَنْ أَذِنَ لَهُ ۚ حَتَّىٰ إِذَا
فُزِّعَ عَن قُلُوبِهِمْ قَالُوا مَاذَا قَالَ رَبُّكُمْ ۖ قَالُوا الْحَقَّ ۖ
وَهُوَ الْعَلِيُّ الْكَبِيرُ
Wala tanfaAAu ashshafaAAatuAAindahu illa liman athina lahu hattaitha fuzziAAa
AAan quloobihim qaloo matha qalarabbukum qaloo alhaqqa wahuwa alAAaliyyu
alkabeer
Somali
Kumana anfacdo shafeeco Eebe agtiisa, ruuxuusan idmin. Markase laga faydo
argagaxa quluubtooda waxay dhihi muxuuyidhi Eebihiin, markaasay dhihi kuwa
shafeeci wuxuu yidhi xaq waana Eebaha sarreeya. ee weyn.
|
Ayah 34:24 الأية
قُلْ مَن يَرْزُقُكُم مِّنَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ قُلِ اللهُ ۖ وَإِنَّا
أَوْ إِيَّاكُمْ لَعَلَىٰ هُدًى أَوْ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ
Qul man yarzuqukum mina assamawatiwal-ardi quli Allahu wa-inna aw iyyakumlaAAala
hudan aw fee dalalin mubeen
Somali
Waxaad dhahdaa yaa idinka arsaaqa samooyinka iyo dhulka, waxaad dhahdaa Eebe,
anaga iyo idinka mid unbaa hanuunsan ama baadicad ku sugan.
|
Ayah 34:25 الأية
قُل لَّا تُسْأَلُونَ عَمَّا أَجْرَمْنَا وَلَا نُسْأَلُ عَمَّا تَعْمَلُونَ
Qul la tus-aloona AAammaajramna wala nus-alu AAamma taAAmaloon
Somali
Waxaad dhahdaa laydin warsan mahayo waxaan dambaabney anagana nalama warsado
waxaad camalfaleysaan.
|
Ayah 34:26 الأية
قُلْ يَجْمَعُ بَيْنَنَا رَبُّنَا ثُمَّ يَفْتَحُ بَيْنَنَا بِالْحَقِّ وَهُوَ
الْفَتَّاحُ الْعَلِيمُ
Qul yajmaAAu baynana rabbunathumma yaftahu baynana bilhaqqiwahuwa alfattahu
alAAaleem
Somali
Waxaad dhahdaa waxaa ina kulmin Eebaheen, markaasuu ina kala xukumin si xaqa ah.
waana caadil wax walba og.
|
Ayah 34:27 الأية
قُلْ أَرُونِيَ الَّذِينَ أَلْحَقْتُم بِهِ شُرَكَاءَ ۖ كَلَّا ۚ بَلْ هُوَ اللهُ
الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ
Qul arooniya allatheena alhaqtumbihi shurakaa kalla bal huwa AllahualAAazeezu
alhakeem
Somali
waxaad dhahdaa i tusiya kuwaas Eebe haleeshiiseen oo shurako ah (wax la wadaago)
saas ma aha ee Eebe waa adkaade falsan.
|
Ayah 34:28 الأية
وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا كَافَّةً لِّلنَّاسِ بَشِيرًا وَنَذِيرًا وَلَٰكِنَّ
أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ
Wama arsalnaka illa kaffatanlinnasi basheeran wanatheeran walakinnaakthara
annasi la yaAAlamoon
Somali
Kuu maanaan dirin waxaan dadkoo dhan ahayn, adoo u bishaaraynaya Mu'miniinta,
una digi gaalada, laakiin dadka badidiisu ma oga.
|
Ayah 34:29 الأية
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا الْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ
Wayaqooloona mata hathaalwaAAdu in kuntum sadiqeen
Somali
Waxayna dhihi waa goorma yaboohaasi (soobixinta) hadaad run sheegaysaan.
|
Ayah 34:30 الأية
قُل لَّكُم مِّيعَادُ يَوْمٍ لَّا تَسْتَأْخِرُونَ عَنْهُ سَاعَةً وَلَا
تَسْتَقْدِمُونَ
Qul lakum meeAAadu yawmin latasta/khiroona AAanhu saAAatan wala tastaqdimoon
Somali
Waxuud dhahdaa waxaa idiin sugnaaday Waqti aydaan saacad ka dib dhacaynin kana
hor dhacaynin.
|
Ayah 34:31 الأية
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لَن نُّؤْمِنَ بِهَٰذَا الْقُرْآنِ وَلَا بِالَّذِي
بَيْنَ يَدَيْهِ ۗ وَلَوْ تَرَىٰ إِذِ الظَّالِمُونَ مَوْقُوفُونَ عِندَ رَبِّهِمْ
يَرْجِعُ بَعْضُهُمْ إِلَىٰ بَعْضٍ الْقَوْلَ يَقُولُ الَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا
لِلَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا لَوْلَا أَنتُمْ لَكُنَّا مُؤْمِنِينَ
Waqala allatheena kafaroo lannu/mina bihatha alqur-ani wala billatheebayna
yadayhi walaw tara ithi aththalimoonamawqoofoona AAinda rabbihim yarjiAAu
baAAduhum ilabaAAdin alqawla yaqoolu allatheena istudAAifoolillatheena
istakbaroo lawla antum lakunnamu/mineen
Somali
Waxay dheheenna kuwii galoobay rumeynmayno quraankan iyo kuwii ka horreeyey
midna, hadaad arki labayd daalimiinta oo taagan Eebe agtiisa (qiyaamada) oo
qaarkood qaarka kale hadal u celin ooy ku dhihi kuwii raaciyadda ahaa kuwii
madaxda ahaa ee isla wayna, hadaydaan jirin waxaan ahaan laheyn Mu'miniin.
(waxaad arki laheyd arin weyn oo lala yaabo).
|
Ayah 34:32 الأية
قَالَ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا لِلَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا أَنَحْنُ صَدَدْنَاكُمْ
عَنِ الْهُدَىٰ بَعْدَ إِذْ جَاءَكُم ۖ بَلْ كُنتُم مُّجْرِمِينَ
Qala allatheena istakbaroolillatheena istudAAifoo anahnu sadadnakumAAani alhuda
baAAda ith jaakum bal kuntummujrimeen
Somali
Kuwii iskibriyey (Madaxdii) waxay ku dhaheen kuwii tabarta yaraa (Raaciyaddii)
ma anagaa idinka celinay hanuunka markuu idiinyimid saas ma ah ee idinkaa
danbiilayaal ahaa.
|
Ayah 34:33 الأية
وَقَالَ الَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا لِلَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا بَلْ مَكْرُ اللَّيْلِ
وَالنَّهَارِ إِذْ تَأْمُرُونَنَا أَن نَّكْفُرَ بِاللهِ وَنَجْعَلَ لَهُ
أَندَادًا ۚ وَأَسَرُّوا النَّدَامَةَ لَمَّا رَأَوُا الْعَذَابَ وَجَعَلْنَا
الْأَغْلَالَ فِي أَعْنَاقِ الَّذِينَ كَفَرُوا ۚ هَلْ يُجْزَوْنَ إِلَّا مَا
كَانُوا يَعْمَلُونَ
Waqala allatheena istudAAifoolillatheena istakbaroo bal makru allayli
wannahariith ta/muroonana an nakfura billahiwanajAAala lahu andadan waasarroo
annadamatalamma raawoo alAAathaba wajaAAalna al-aghlalafee aAAnaqi allatheena
kafaroo hal yujzawna illama kanoo yaAAmaloon
Somali
Kuwii tabarta yaraa (raaciyaddii) waxay ku dhaheen kuwii iskibriyay (Madaxdii)
saas ma aha ee waxaa hanuunka naga celiyay dhagartii Habeen iyo Maalinba markaad
nafarayseen inaan Eebe ka gaalowno una yeelo shariigyo, Waxay qarsadeen qoomarno
markay arkeen cadaabka, Waxaana yeelay kuwii gaaloobay luquntooda Biro Naar ah.
Miyaa laga abaalmarinin gaaladu waxay camal faleen mooyee.
|
Ayah 34:34 الأية
وَمَا أَرْسَلْنَا فِي قَرْيَةٍ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتْرَفُوهَا إِنَّا
بِمَا أُرْسِلْتُم بِهِ كَافِرُونَ
Wama arsalna fee qaryatin minnatheerin illa qala mutrafooha innabima orsiltum
bihi kafiroon
Somali
Magaalo kasta oo aan dige (Nabi) u dirro waxay dhahaan kuwoodii loo nicmeeyay
anagu waxa laydiinku soo diray waan ka gaalownay.
|
Ayah 34:35 الأية
وَقَالُوا نَحْنُ أَكْثَرُ أَمْوَالًا وَأَوْلَادًا وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ
Waqaloo nahnu aktharu amwalanwaawladan wama nahnu bimuAAaththabeen
Somali
Waxayna dhaheen anagaa xoolo iyo Caruurba idinka badan, nalamana cadaabayo.
|
Ayah 34:36 الأية
قُلْ إِنَّ رَبِّي يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَن يَشَاءُ وَيَقْدِرُ وَلَٰكِنَّ
أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ
Qul inna rabbee yabsutu arrizqaliman yashao wayaqdiru walakinna akthara annasila
yaAAlamoon
Somali
Waxaad dhahdaa Eebehay wuxuu u fidiyaa rizqiga ruxuu doono, wuuna ku
cidhidhhiyaa ruxuu doono, laakiin dadka badankiisu ma oga.
|
Ayah 34:37 الأية
وَمَا أَمْوَالُكُمْ وَلَا أَوْلَادُكُم بِالَّتِي تُقَرِّبُكُمْ عِندَنَا زُلْفَىٰ
إِلَّا مَنْ آمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَأُولَٰئِكَ لَهُمْ جَزَاءُ الضِّعْفِ بِمَا
عَمِلُوا وَهُمْ فِي الْغُرُفَاتِ آمِنُونَ
Wama amwalukum wala awladukumbillatee tuqarribukum AAindana zulfa illaman amana
waAAamila salihan faola-ikalahum jazao addiAAfi bima AAamiloowahum fee
alghurufati aminoon
Somali
Ma aha xoolahiinnu iyo caruurtiinnu kuwii noo kiin dhaweeya, hase yeeshee ruuxii
rumeeya (xaqa) oo camal fiican cala, kuwaas waxaa u sugnaaday abaalmarin
labalaab ah camalkooda dartiis, waxayna ku aamin noqdaan qawlado janno.
|
Ayah 34:38 الأية
وَالَّذِينَ يَسْعَوْنَ فِي آيَاتِنَا مُعَاجِزِينَ أُولَٰئِكَ فِي الْعَذَابِ
مُحْضَرُونَ
Wallatheena yasAAawna fee ayatinamuAAajizeena ola-ika fee alAAathabi muhdaroon
Somali
Kuwa u socda ka (reebidda) aayaadkanaga iyagoo isleh Eebe daaliya, kuwaas waxaa
lagu kulmin cadaab.
|
Ayah 34:39 الأية
قُلْ إِنَّ رَبِّي يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ وَيَقْدِرُ
لَهُ ۚ وَمَا أَنفَقْتُم مِّن شَيْءٍ فَهُوَ يُخْلِفُهُ ۖ وَهُوَ خَيْرُ
الرَّازِقِينَ
Qul inna rabbee yabsutu arrizqaliman yashao min AAibadihi wayaqdiru lahu
wamaanfaqtum min shay-in fahuwa yukhlifuhu wahuwa khayru arraziqeen
Somali
Waxaad dhahdaa Eebehay wuxuu risqiga u fidiyaa cidduu doono oo addoomadiisa ka
mid ah, kuu doonana wuu ku cidhiidhyaa, waxaad bixisaan oo kastana Eebaa idiin
bedeli, Eebena isagaa u khayroon wax wax arsaaqa.
|
Ayah 34:40 الأية
وَيَوْمَ يَحْشُرُهُمْ جَمِيعًا ثُمَّ يَقُولُ لِلْمَلَائِكَةِ أَهَٰؤُلَاءِ
إِيَّاكُمْ كَانُوا يَعْبُدُونَ
Wayawma yahshuruhum jameeAAan thummayaqoolu lilmala-ikati ahaola-i iyyakumkanoo
yaAAbudoon
Somali
Xusuuso maalinta uu Eebe kulmin dhamaan gaalada, markaas uu ku odhan
malaa'igtiisa kuwani ma idinkay idin caabudi jireen.
|
Ayah 34:41 الأية
قَالُوا سُبْحَانَكَ أَنتَ وَلِيُّنَا مِن دُونِهِم ۖ بَلْ كَانُوا يَعْبُدُونَ
الْجِنَّ ۖ أَكْثَرُهُم بِهِم مُّؤْمِنُونَ
Qaloo subhanaka anta waliyyunamin doonihim bal kanoo yaAAbudoona aljinna
aktharuhumbihim mu/minoon
Somali
Markaas ay dhihi adaa ceeb ka fog Eebow, adaa gargaarahanaga ah iyaga ka sokay,
waxayse caabudi jireen Jinni badidoodna isagay rumaysnaayeen.
|
Ayah 34:42 الأية
فَالْيَوْمَ لَا يَمْلِكُ بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ نَّفْعًا وَلَا ضَرًّا وَنَقُولُ
لِلَّذِينَ ظَلَمُوا ذُوقُوا عَذَابَ النَّارِ الَّتِي كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
Falyawma la yamliku baAAdukumlibaAAdin nafAAan wala darran wanaqoolulillatheena
thalamoo thooqoo AAathabaannari allatee kuntum biha tukaththiboon
Somali
Maantase «Qiyaamada» uma hanato qaarkiin qaarkakale naefi iyo dhib midna.
waxaana ku dhahaynaa kuwii dulmi falay dhadhamiya cadaabka naartaad
beeninayseen.
|
Ayah 34:43 الأية
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُنَا بَيِّنَاتٍ قَالُوا مَا هَٰذَا إِلَّا
رَجُلٌ يُرِيدُ أَن يَصُدَّكُمْ عَمَّا كَانَ يَعْبُدُ آبَاؤُكُمْ وَقَالُوا مَا
هَٰذَا إِلَّا إِفْكٌ مُّفْتَرًى ۚ وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِلْحَقِّ لَمَّا
جَاءَهُمْ إِنْ هَٰذَا إِلَّا سِحْرٌ مُّبِينٌ
Wa-itha tutla AAalayhim ayatunabayyinatin qaloo ma hatha illarajulun yureedu an
yasuddakum AAamma kanayaAAbudu abaokum waqaloo ma hathailla ifkun muftaran
waqala allatheenakafaroo lilhaqqi lamma jaahum in hathailla sihrun mubeen
Somali
Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga waxay dhahayaan kani ma aha mid dooni
inuu idinka iilo waxay Aabbayowgiin caabudijireen mooyee, waxayna dheheen kan
(quraanku) ma aha waxaan beenabuurasho ahayn, waxayna dhaheen kuwii Gaaloobay
Xaqu markuu u yimid kani waxaan sixir muuqda ahayn ma aha.
|
Ayah 34:44 الأية
وَمَا آتَيْنَاهُم مِّن كُتُبٍ يَدْرُسُونَهَا ۖ وَمَا أَرْسَلْنَا إِلَيْهِمْ
قَبْلَكَ مِن نَّذِيرٍ
Wama ataynahum minkutubin yadrusoonaha wama arsalna ilayhimqablaka min natheer
Somali
Ma aanaan siinin Kutubo ay akhriyaan, umana aanaan dirin xagooda dige kaa
horreeyay (Carabta).
|
Ayah 34:45 الأية
وَكَذَّبَ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ وَمَا بَلَغُوا مِعْشَارَ مَا آتَيْنَاهُمْ
فَكَذَّبُوا رُسُلِي ۖ فَكَيْفَ كَانَ نَكِيرِ
Wakaththaba allatheena minqablihim wama balaghoo miAAshara ma
ataynahumfakaththaboo rusulee fakayfa kana nakeer
Somali
Waxay beeniyeen (xaqa) kuwii ka horreeeyayna, mana gaadhin (kuwii Nabiga
beeniyay) Toban meelood meel waxaan siinay kuwaas, waxayna beeniyeen
Rasuuladaydii, Sayse noqotay ciqaabtaydii (aan ciqaabay kuwaas xaqa beeniyay).
|
Ayah 34:46 الأية
قُلْ إِنَّمَا أَعِظُكُم بِوَاحِدَةٍ ۖ أَن تَقُومُوا لِلَّهِ مَثْنَىٰ وَفُرَادَىٰ
ثُمَّ تَتَفَكَّرُوا ۚ مَا بِصَاحِبِكُم مِّن جِنَّةٍ ۚ إِنْ هُوَ إِلَّا نَذِيرٌ
لَّكُم بَيْنَ يَدَيْ عَذَابٍ شَدِيدٍ
Qul innama aAAithukumbiwahidatin an taqoomoo lillahi mathna wafuradathumma
tatafakkaroo ma bisahibikum min jinnatin inhuwa illa natheerun lakum bayna yaday
AAathabinshadeed
Somali
Waxaad dhahdaa Nabiyow mid kaliya yaan idinku waanin inaad u jahaysataan Eebe
laba labo iyo mid mid markaasna aad fikirtaan inaan saaxiibkiin «Nabiga Muxamed
ah» uusan waallayn, uu digihiinna cadaab daran hortiisna uu yahay,
|
Ayah 34:47 الأية
قُلْ مَا سَأَلْتُكُم مِّنْ أَجْرٍ فَهُوَ لَكُمْ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَى
اللهِ ۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ
Qul ma saaltukum min ajrin fahuwalakum in ajriya illa AAala Allahi wahuwaAAala
kulli shay-in shaheed
Somali
Waxaad dhahdaa Nabiyow idiinma warsanin ujuuro idinkaase iskalch (haii laydin
warsado), Ujuuradayda Eebe unbaa isiin, wax walbana Eebe wuu daalacan.
|
Ayah 34:48 الأية
قُلْ إِنَّ رَبِّي يَقْذِفُ بِالْحَقِّ عَلَّامُ الْغُيُوبِ
Qul inna rabbee yaqthifu bilhaqqiAAallamu alghuyoob
Somali
Waxaad dhahdaa Eebehay xaquu soo dajiyaan (Xumaanta ku baaabi'iyaa) waana wax
maqan oge badane.
|
Ayah 34:49 الأية
قُلْ جَاءَ الْحَقُّ وَمَا يُبْدِئُ الْبَاطِلُ وَمَا يُعِيدُ
Qul jaa alhaqqu wamayubdi-o albatilu wama yuAAeed
Somali
Waxaad dhahdaa xaqii waa yimid, baadhilna wa tirtirmay,
|
Ayah 34:50 الأية
قُلْ إِن ضَلَلْتُ فَإِنَّمَا أَضِلُّ عَلَىٰ نَفْسِي ۖ وَإِنِ اهْتَدَيْتُ فَبِمَا
يُوحِي إِلَيَّ رَبِّي ۚ إِنَّهُ سَمِيعٌ قَرِيبٌ
Qul in dalaltu fa-innama adilluAAala nafsee wa-ini ihtadaytu fabima yooheeilayya
rabbee innahu sameeAAun qareeb
Somali
Waxaad dhahdaa haddaandhumo waxaad uun u dhumay naftayda, hadaan hanuunana waa
wixii Eebe ii waxyooday, sababtiisa Eebe waa maqli dhawe.
|
Ayah 34:51 الأية
وَلَوْ تَرَىٰ إِذْ فَزِعُوا فَلَا فَوْتَ وَأُخِذُوا مِن مَّكَانٍ قَرِيبٍ
Walaw tara ith faziAAoo falafawta waokhithoo min makanin qareeb
Somali
Hadaad arki lahayd Nabiyow markay argagaxaan gaaladu oo meeley u cararaan jirin
oo meel dhaw laga qabto, (waxaad arki lahayd arrin wayn).
|
Ayah 34:52 الأية
وَقَالُوا آمَنَّا بِهِ وَأَنَّىٰ لَهُمُ التَّنَاوُشُ مِن مَّكَانٍ بَعِيدٍ
Waqaloo amanna bihiwaanna lahumu attanawushu min makaninbaAAeed
Somali
Waxay dhihi markaas waxaan rumaynay (xaqa) xagay uga ahaan inay meel fog wax ku
qaataan (rumayn).
|
Ayah 34:53 الأية
وَقَدْ كَفَرُوا بِهِ مِن قَبْلُ ۖ وَيَقْذِفُونَ بِالْغَيْبِ مِن مَّكَانٍ بَعِيدٍ
Waqad kafaroo bihi min qablu wayaqthifoonabilghaybi min makanin baAAeed
Somali
Dhab ahaanna waa iyagii uga gaaloobay xaqa, horray ay ka tuurayeen waxayan ogayn
meel fog.
|
Ayah 34:54 الأية
وَحِيلَ بَيْنَهُمْ وَبَيْنَ مَا يَشْتَهُونَ كَمَا فُعِلَ بِأَشْيَاعِهِم مِّن
قَبْلُ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا فِي شَكٍّ مُّرِيبٍ
Waheela baynahum wabayna mayashtahoona kama fuAAila bi-ashyaAAihim min
qabluinnahum kanoo fee shakkin mureeb
Somali
Waana la kala ooday iyaga iyo waxay doonayeen sidii lagu falay kuwii la midka
ahaa ee ka horeeyay, waxayna ahaayeen kuwo shaki daran ku sugan.
|
©
EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us
|