1st Ayah 1 الأية ١الأوليبِسْم ِ اللهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
طس ۚ تِلْكَ آيَاتُ الْقُرْآنِ وَكِتَابٍ مُّبِينٍ
Ta-seen tilka ayatualqur-ani wakitabin mubeen
Somali
(Xarafka hore Isagoo kale waan soo Maray) Inuu ku Tusin Mucjisada Quraanka,
Taasi Waa Aayaadka Quraanka iyo Kitaabka Cad.
|
Ayah 27:2 الأية
هُدًى وَبُشْرَىٰ لِلْمُؤْمِنِينَ
Hudan wabushra lilmu/mineen
Somali
Waana Hanuunka iyo Bishaarada Mu'miniinta.
|
Ayah 27:3 الأية
الَّذِينَ يُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَهُم بِالْآخِرَةِ هُمْ
يُوقِنُونَ
Allatheena yuqeemoona assalatawayu/toona azzakata wahum bil-akhiratihum
yooqinoon
Somali
Ee ah kuwa Ooga Salaadda oo Guta Zakada oo Aakhiro Yaqiinin.
|
Ayah 27:4 الأية
إِنَّ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ زَيَّنَّا لَهُمْ أَعْمَالَهُمْ
فَهُمْ يَعْمَهُونَ
Inna allatheena la yu/minoonabil-akhirati zayyanna lahum aAAmalahumfahum
yaAAmahoon
Somali
Kuwaanse Rumayn Aakhiro waxaan u Qurxinay Camalkooda waana ku Indho la'Yihiin
(Wareersanyihiin).
|
Ayah 27:5 الأية
أُولَٰئِكَ الَّذِينَ لَهُمْ سُوءُ الْعَذَابِ وَهُمْ فِي الْآخِرَةِ هُمُ
الْأَخْسَرُونَ
Ola-ika allatheena lahum soo-oalAAathabi wahum fee al-akhirati humu al-akhsaroon
Somali
Kuwaasi waa Kuwuu u Sugnaaday Cadaab Xun Aakharaba Iyaga unbaa Khasaaray.
|
Ayah 27:6 الأية
وَإِنَّكَ لَتُلَقَّى الْقُرْآنَ مِن لَّدُنْ حَكِيمٍ عَلِيمٍ
Wa-innaka latulaqqa alqur-anamin ladun hakeemin AAaleem
Somali
Adiguna Nabiyow waxaad kala Kulmi Quraanka Falka San ee Og Agtiisa.
|
Ayah 27:7 الأية
إِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِأَهْلِهِ إِنِّي آنَسْتُ نَارًا سَآتِيكُم مِّنْهَا بِخَبَرٍ
أَوْ آتِيكُم بِشِهَابٍ قَبَسٍ لَّعَلَّكُمْ تَصْطَلُونَ
Ith qala moosa li-ahlihiinnee anastu naran saateekum minhabikhabarin aw ateekum
bishihabin qabasinlaAAallakum tastaloon
Somali
Xusuuso Markuu ku Yidhi Nabi Muuse Ehelkiisa Anugu waxaan Arkaa Iftiin waxaan
Idiinka Keeni Xaggiisa War Ama Waxaan Idiinka Keeni Dhuxul Daba inaad
Kulaashaan.
|
Ayah 27:8 الأية
فَلَمَّا جَاءَهَا نُودِيَ أَن بُورِكَ مَن فِي النَّارِ وَمَنْ حَوْلَهَا
وَسُبْحَانَ اللهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ
Falamma jaaha noodiya anboorika man fee annari waman hawlahawasubhana Allahi
rabbi alAAalameen
Somali
Markuu Yimid waxaa Loogu Dhawaaqay Waa la Barakeevev Cidda Dabka la Joogta iyo
kuwa Gaararkiisa ah, waxaana Nasahan Ilaaha Caalamka.
|
Ayah 27:9 الأية
يَا مُوسَىٰ إِنَّهُ أَنَا اللهُ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ
Ya moosa innahu ana AllahualAAazeezu alhakeem
Somali
Muusow Anugu waxaan ahay Ilaaha Adkaada ee Falka San.
|
Ayah 27:10 الأية
وَأَلْقِ عَصَاكَ ۚ فَلَمَّا رَآهَا تَهْتَزُّ كَأَنَّهَا جَانٌّ وَلَّىٰ مُدْبِرًا
وَلَمْ يُعَقِّبْ ۚ يَا مُوسَىٰ لَا تَخَفْ إِنِّي لَا يَخَافُ لَدَيَّ
الْمُرْسَلُونَ
Waalqi AAasaka falamma raahatahtazzu kaannaha jannun walla mudbiranwalam
yuAAaqqib ya moosa la takhaf innee layakhafu ladayya almursaloon
Somali
Ee Tuur Ushaada, Markuu Arkay Iyadoo Gilgilan Sida Maska wuu Jeedsaday Isagoo
Carari, Mana soo Noqon, Muusow ha Cabsanin, kuma Cabsadaan Agtayda Rasuulladuye.
|
Ayah 27:11 الأية
إِلَّا مَن ظَلَمَ ثُمَّ بَدَّلَ حُسْنًا بَعْدَ سُوءٍ فَإِنِّي غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Illa man thalama thummabaddala husnan baAAda soo-in fa-innee ghafoorun raheem
Somali
Ciddiise Dulmi Fasha markaas Wanaag ku Baddasha Xumaan ka Dib Anugu waxaan ahay
Dambi Dhaafe Naxariista.
|
Ayah 27:12 الأية
وَأَدْخِلْ يَدَكَ فِي جَيْبِكَ تَخْرُجْ بَيْضَاءَ مِنْ غَيْرِ سُوءٍ ۖ فِي تِسْعِ
آيَاتٍ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَقَوْمِهِ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ
Waadkhil yadaka fee jaybika takhruj baydaamin ghayri soo-in fee tisAAi ayatin
ilafirAAawna waqawmihi innahum kanoo qawman fasiqeen
Somali
Gali Gacantaada Jeebkaaga waxay soo Bixi Iyadoo Cad Xumaan La'aan (Waxayna ka
mid yihiin) Sagaal Calaamo oo Fircoon iyo Qoomkiisa loo Muujiyey, waxayna
ahaayeen Qoom Faasiqiina.
|
Ayah 27:13 الأية
فَلَمَّا جَاءَتْهُمْ آيَاتُنَا مُبْصِرَةً قَالُوا هَٰذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ
Falamma jaat-hum ayatunamubsiratan qaloo hatha sihrun mubeen
Somali
Markay u Timid Calaamaddannadii Iyadoo Cad waxay Dheheen Kani waa Sixir Cad.
|
Ayah 27:14 الأية
وَجَحَدُوا بِهَا وَاسْتَيْقَنَتْهَا أَنفُسُهُمْ ظُلْمًا وَعُلُوًّا ۚ فَانظُرْ
كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُفْسِدِينَ
Wajahadoo biha wastayqanat-haanfusuhum thulman waAAuluwwan fanthurkayfa kana
AAaqibatu almufsideen
Somali
Wayna Diideen Iyagooy Yaqiinsatay Naftoodu Dulmi iyo Isla Sarreeyn Darteed, ee
Day Siday ahaatay Cidhibtii Mufsidiinta (Xumo Wadayaasha).
|
Ayah 27:15 الأية
وَلَقَدْ آتَيْنَا دَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ عِلْمًا ۖ وَقَالَا الْحَمْدُ لِلَّهِ
الَّذِي فَضَّلَنَا عَلَىٰ كَثِيرٍ مِّنْ عِبَادِهِ الْمُؤْمِنِينَ
Walaqad atayna dawoodawasulaymana AAilman waqala alhamdulillahi allathee
faddalana AAalakatheerin min AAibadihi almu/mineen
Somali
Waxaan siinay Daawuud iyo Sulaymaan Cilmi, waxayna Dheeheen Mahad Ilaahbaa iska
leh ee ah kan Naga Fadilay wax badan oo Addoomdiisa Mu'miniinta ah.
|
Ayah 27:16 الأية
وَوَرِثَ سُلَيْمَانُ دَاوُودَ ۖ وَقَالَ يَا أَيُّهَا النَّاسُ عُلِّمْنَا مَنطِقَ
الطَّيْرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَيْءٍ ۖ إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ الْفَضْلُ
الْمُبِينُ
Wawaritha sulaymanu dawoodawaqala ya ayyuha annasuAAullimna mantiqa attayri
waooteenamin kulli shay-in inna hatha lahuwa alfadlualmubeen
Somali
Wuxuuna Dhaxlay Sulaymaan Daawuud, wuxuuna yidhi Dadow waxaa nala Baray Codka
Shimbiraha, waxaana nala siiyey wax kasta (oo Xukun ah) kaasina waa Fadliga Cad.
|
Ayah 27:17 الأية
وَحُشِرَ لِسُلَيْمَانَ جُنُودُهُ مِنَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ وَالطَّيْرِ فَهُمْ
يُوزَعُونَ
Wahushira lisulaymanajunooduhu mina aljinni wal-insi wattayrifahum yoozaAAoon
Somali
Waxaa Loo kulmiyey Sulaymaan Junuudiisii oo Jinni, Insi iyo Shimbiro leh, iyagoo
iseeleelin.
|
Ayah 27:18 الأية
حَتَّىٰ إِذَا أَتَوْا عَلَىٰ وَادِ النَّمْلِ قَالَتْ نَمْلَةٌ يَا أَيُّهَا
النَّمْلُ ادْخُلُوا مَسَاكِنَكُمْ لَا يَحْطِمَنَّكُمْ سُلَيْمَانُ وَجُنُودُهُ
وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
Hatta itha ataw AAalawadi annamli qalat namlatun ya ayyuhaannamlu odkhuloo
masakinakum la yahtimannakumsulaymanu wajunooduhu wahum la yashAAuroon
Somali
Markay Yimaaddeen Togii Qudhaanjooy Gala Guryihiinna Yeyna idin Jajabin
Sulaymaan iyo Junuudiisu Iyagoo idin Ogayn.
|
Ayah 27:19 الأية
فَتَبَسَّمَ ضَاحِكًا مِّن قَوْلِهَا وَقَالَ رَبِّ أَوْزِعْنِي أَنْ أَشْكُرَ
نِعْمَتَكَ الَّتِي أَنْعَمْتَ عَلَيَّ وَعَلَىٰ وَالِدَيَّ وَأَنْ أَعْمَلَ
صَالِحًا تَرْضَاهُ وَأَدْخِلْنِي بِرَحْمَتِكَ فِي عِبَادِكَ الصَّالِحِينَ
Fatabassama dahikan min qawlihawaqala rabbi awziAAnee an ashkura niAAmataka
allateeanAAamta AAalayya waAAala walidayya waan aAAmala salihantardahu
waadkhilnee birahmatika fee AAibadikaassaliheen
Somali
Markaasuu Muusooday Isagoo ku Qosli Hadalkeeda wuxuuna yidhi Eebow I waafaji
inaan ku Mahdiyo Nicmadaad ugu Nicmaysay Ani iyo Waalidkay iyo Inaan Falo Wanaag
Aad ka Raali tahay ina Gali Naxariistaada Addoomadaada Suuban Dhexdooda.
|
Ayah 27:20 الأية
وَتَفَقَّدَ الطَّيْرَ فَقَالَ مَا لِيَ لَا أَرَى الْهُدْهُدَ أَمْ كَانَ مِنَ
الْغَائِبِينَ
Watafaqqada attayra faqalama liya la ara alhudhuda am kana minaalgha-ibeen
Somali
Wuxuu Fiirfiiriyey Shimbiribii (Sulaymaan) Wuxuuna Yidhi Maxaan la Arki La'ahay
Hud-Hudkii Mise kuwa Maqan buu ka Midyahay.
|
Ayah 27:21 الأية
لَأُعَذِّبَنَّهُ عَذَابًا شَدِيدًا أَوْ لَأَذْبَحَنَّهُ أَوْ لَيَأْتِيَنِّي
بِسُلْطَانٍ مُّبِينٍ
LaoAAaththibannahu AAathabanshadeedan aw laathbahannahu aw laya/tiyannee
bisultaninmubeen
Somali
Waxaan Cadaabi Cadaab Daran ama waan Gawrici ama wuxuu iikeeni Xujo Cad.
|
Ayah 27:22 الأية
فَمَكَثَ غَيْرَ بَعِيدٍ فَقَالَ أَحَطتُ بِمَا لَمْ تُحِطْ بِهِ وَجِئْتُكَ مِن
سَبَإٍ بِنَبَإٍ يَقِينٍ
Famakatha ghayra baAAeedin faqala ahattubima lam tuhit bihi waji/tuka min
saba-inbinaba-in yaqeen
Somali
Markaasuu Muddo Yar Maqnaa Markaasu Yidhi (Markuu Yimid) waxaan Ogaaday waxaadan
Ogaanin, waxaana kaaga keenay ReeSaba War Yaqiina.
|
Ayah 27:23 الأية
إِنِّي وَجَدتُّ امْرَأَةً تَمْلِكُهُمْ وَأُوتِيَتْ مِن كُلِّ شَيْءٍ وَلَهَا
عَرْشٌ عَظِيمٌ
Innee wajadtu imraatan tamlikuhum waootiyatmin kulli shay-in walaha AAarshun
AAatheem
Somali
Waxaan Helay Haweeney Xukumaysa Iana Siiyey wax kasta (oo Xukun ah) waxayna
Leedahay Carshi Wayn.
|
Ayah 27:24 الأية
وَجَدتُّهَا وَقَوْمَهَا يَسْجُدُونَ لِلشَّمْسِ مِن دُونِ اللهِ وَزَيَّنَ
لَهُمُ الشَّيْطَانُ أَعْمَالَهُمْ فَصَدَّهُمْ عَنِ السَّبِيلِ فَهُمْ لَا
يَهْتَدُونَ
Wajadtuha waqawmaha yasjudoonalishshamsi min dooni Allahi wazayyana lahumu
ashshaytanuaAAmalahum fasaddahum AAani assabeeli fahumla yahtadoon
Somali
Waxaan Helay Iyada iyo Qoomkeedii oo u Sujuudi Qorraxda Eebe ka Sokow wuxuuna U
qurxiyey Shaydaan Camalkooda wuxuuna ka Leexiyey Jidka Mana Hanuunsana.
|
Ayah 27:25 الأية
أَلَّا يَسْجُدُوا لِلَّهِ الَّذِي يُخْرِجُ الْخَبْءَ فِي السَّمَاوَاتِ
وَالْأَرْضِ وَيَعْلَمُ مَا تُخْفُونَ وَمَا تُعْلِنُونَ
Alla yasjudoo lillahi allatheeyukhriju alkhabaa fee assamawati
wal-ardiwayaAAlamu ma tukhfoona wama tuAAlinoon
Somali
May u Sujuudaan Ilaaha soo Bixiya waxa ku Qarsoon Samooyinka iyo Dhulka oo Og
waxaad Qarinaysaan iyo waxaad Muujinaysaan.
|
Ayah 27:26 الأية
اللهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ ۩
Allahu la ilaha illahuwa rabbu alAAarshi alAAatheem
Somali
Ilaahay Isaga Mooye Ilaah kale ma jiro, waana Eebaha Carshiga Wayn.
|
Ayah 27:27 الأية
قَالَ سَنَنظُرُ أَصَدَقْتَ أَمْ كُنتَ مِنَ الْكَاذِبِينَ
Qala sananthuru asadaqtaam kunta mina alkathibeen
Somali
Wuxuuna Yidhi Waannu Eegi inaad Run Sheegi iyo inaad ka mid Tahay
Beenaalayaasha.
|
Ayah 27:28 الأية
اذْهَب بِّكِتَابِي هَٰذَا فَأَلْقِهْ إِلَيْهِمْ ثُمَّ تَوَلَّ عَنْهُمْ فَانظُرْ
مَاذَا يَرْجِعُونَ
Ithhab bikitabee hathafaalqih ilayhim thumma tawalla AAanhum fanthurmatha
yarjiAAoon
Somali
La Tag Warqaddaaydan kuna Tuur Xaggooda kana Durug Xaggooda, markaas Fiiri waxay
soo Celiyaan.
|
Ayah 27:29 الأية
قَالَتْ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ إِنِّي أُلْقِيَ إِلَيَّ كِتَابٌ كَرِيمٌ
Qalat ya ayyuha almalaoinnee olqiya ilayya kitabun kareem
Somali
Waxayna Tidhi Maxaxeey waxaa La ii soo tuuray Warqad Sharaf leh.
|
Ayah 27:30 الأية
إِنَّهُ مِن سُلَيْمَانَ وَإِنَّهُ بِسْمِ اللهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
Innahu min sulaymana wa-innahu bismiAllahi arrahmani arraheem
Somali
(Kuna Qoran) Waxay ka Timid Sulaymaan waxayna ku Billaabatay Magaca Eebaha
Naxariis Guud iyo Mid Gaaraba Naxariista.
|
Ayah 27:31 الأية
أَلَّا تَعْلُوا عَلَيَّ وَأْتُونِي مُسْلِمِينَ
Alla taAAloo AAalayya wa/tooneemuslimeen
Somali
Ee Hayska Kay waynaynina iina Imaadda Idinkoo Muslimiina.
|
Ayah 27:32 الأية
قَالَتْ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ أَفْتُونِي فِي أَمْرِي مَا كُنتُ قَاطِعَةً
أَمْرًا حَتَّىٰ تَشْهَدُونِ
Qalat ya ayyuha almalaoaftoonee fee amree ma kuntu qatiAAatan amran
hattatashhadoon
Somali
Waxayna Tidhi Madaxeey ii Ishaara Amarkayga ma Ihi Mid Goysa Amar Intaad ka
Joogtaan.
|
Ayah 27:33 الأية
قَالُوا نَحْنُ أُولُو قُوَّةٍ وَأُولُو بَأْسٍ شَدِيدٍ وَالْأَمْرُ إِلَيْكِ
فَانظُرِي مَاذَا تَأْمُرِينَ
Qaloo nahnu oloo quwwatinwaoloo ba/sin shadeedin wal-amru ilayki fanthureematha
ta/mureen
Somali
Waxayna Dhaheen Annagu waxaan Nahay kuwo Xoog badan oo Geesinimo Badan, amarkase
adaa leh ee Fiiri Waxaad Fari.
|
Ayah 27:34 الأية
قَالَتْ إِنَّ الْمُلُوكَ إِذَا دَخَلُوا قَرْيَةً أَفْسَدُوهَا وَجَعَلُوا
أَعِزَّةَ أَهْلِهَا أَذِلَّةً ۖ وَكَذَٰلِكَ يَفْعَلُونَ
Qalat inna almulooka ithadakhaloo qaryatan afsadooha wajaAAaloo aAAizzata
ahlihaathillatan wakathalika yafAAaloon
Somali
Waxay Tidhi Xaakimyadu Haday Magaalo ku Galaan (Xoog) way Fasaadiyaan waxayna ka
yeelaan Ehelkeeda Sharafta leh kuwo Dullaysan Saasayna Falaan.
|
Ayah 27:35 الأية
وَإِنِّي مُرْسِلَةٌ إِلَيْهِم بِهَدِيَّةٍ فَنَاظِرَةٌ بِمَ يَرْجِعُ
الْمُرْسَلُونَ
Wa-innee mursilatun ilayhim bihadiyyatin fanathiratunbima yarjiAAu almursaloon
Somali
Waxaanse u Diri Hadyad waxaana Eegi waxay La soo Noqdaan kuwa la Diray.
|
Ayah 27:36 الأية
فَلَمَّا جَاءَ سُلَيْمَانَ قَالَ أَتُمِدُّونَنِ بِمَالٍ فَمَا آتَانِيَ اللهُ
خَيْرٌ مِّمَّا آتَاكُم بَلْ أَنتُم بِهَدِيَّتِكُمْ تَفْرَحُونَ
Falamma jaa sulaymana qalaatumiddoonani bimalin fama ataniyaAllahu khayrun mimma
atakum bal antumbihadiyyatikum tafrahoon
Somali
Markay soo Gaadhay Hadyaddii (Nabi) Sulaymaan Yuu Yidhi ma waxaad ii
Kordhinaysaa Xoolo, wuxuu I siiyey Eebe yaa ka khayr Roon wuxuu idin siiyey,
Idinkaase ku Farxi Hadyadiina.
|
Ayah 27:37 الأية
ارْجِعْ إِلَيْهِمْ فَلَنَأْتِيَنَّهُم بِجُنُودٍ لَّا قِبَلَ لَهُم بِهَا
وَلَنُخْرِجَنَّهُم مِّنْهَا أَذِلَّةً وَهُمْ صَاغِرُونَ
IrjiAA ilayhim falana/tiyannahum bijunoodinla qibala lahum biha
walanukhrijannahum minhaathillatan wahum saghiroon
Somali
Ee U celi Waxaana ula Imaanaynaa Junuud (Col) ayna Awoodayn waxaaana ka
Bixinaynaa Magaalada Iyagoo Dullaysan oo Ihaanaysan.
|
Ayah 27:38 الأية
قَالَ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ أَيُّكُمْ يَأْتِينِي بِعَرْشِهَا قَبْلَ أَن
يَأْتُونِي مُسْلِمِينَ
Qala ya ayyuha almalaoayyukum ya/teenee biAAarshiha qabla an ya/toonee muslimeen
Somali
Wuxuuna Yidhi Qoomow Yaa ii Keena Carshigeeda (Kursigeeda) ka hor Imaatinkooda
Iyagoo Muslim ah.
|
Ayah 27:39 الأية
قَالَ عِفْرِيتٌ مِّنَ الْجِنِّ أَنَا آتِيكَ بِهِ قَبْلَ أَن تَقُومَ مِن
مَّقَامِكَ ۖ وَإِنِّي عَلَيْهِ لَقَوِيٌّ أَمِينٌ
Qala AAifreetun mina aljinni anaateeka bihi qabla an taqooma min maqamika
wa-inneAAalayhi laqawiyyun ameen
Somali
Wuxuuna yidhi Mid Xoog badan oo Jin ah anaa kuu Keeni Intaadan ka Kicin
Fadhigaada, waxaana ahay Xoog badane Aamina.
|
Ayah 27:40 الأية
قَالَ الَّذِي عِندَهُ عِلْمٌ مِّنَ الْكِتَابِ أَنَا آتِيكَ بِهِ قَبْلَ أَن
يَرْتَدَّ إِلَيْكَ طَرْفُكَ ۚ فَلَمَّا رَآهُ مُسْتَقِرًّا عِندَهُ قَالَ هَٰذَا
مِن فَضْلِ رَبِّي لِيَبْلُوَنِي أَأَشْكُرُ أَمْ أَكْفُرُ ۖ وَمَن شَكَرَ
فَإِنَّمَا يَشْكُرُ لِنَفْسِهِ ۖ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ رَبِّي غَنِيٌّ كَرِيمٌ
Qala allathee AAindahu AAilmunmina alkitabi ana ateeka bihi qabla anyartadda
ilayka tarfuka falamma raahumustaqirran AAindahu qala hatha min fadlirabbee
liyabluwanee aashkuru am akfuru waman shakara fa-innamayashkuru linafsihi waman
kafara fa-inna rabbee ghaniyyun kareem
Somali
Wuxuuse yidhi kay Agtiisa ahayd Ogaanshaha Kitaabka Anaa kuu keeni Ishaada
Laabideeda horteed (Ilbidhiqsi) Markuu ku Arkay Agtiisa Isagoo ku Sugan wuxuu
Yidhi Kani waa Fadliga Eebahay inuu Imtixaamo inaan ku Mahdiyo iyo Inaan ka
Gaaloobo, Ciddii ku Mahadisa wuxuu uun u Mahdiyey Naftiisa Ciddii Gaalowdana
Eebahay waa ka Kaaftoonyahay waana Sharafbadanyahay.
|
Ayah 27:41 الأية
قَالَ نَكِّرُوا لَهَا عَرْشَهَا نَنظُرْ أَتَهْتَدِي أَمْ تَكُونُ مِنَ الَّذِينَ
لَا يَهْتَدُونَ
Qala nakkiroo laha AAarshahananthur atahtadee am takoonu mina allatheenala
yahtadoon
Somali
Wuxuuna Yidhi Dooriya Kursigeeda inay Garato iyo Inay Noqoto Cidaan Garanayn.
|
Ayah 27:42 الأية
فَلَمَّا جَاءَتْ قِيلَ أَهَٰكَذَا عَرْشُكِ ۖ قَالَتْ كَأَنَّهُ هُوَ ۚ
وَأُوتِينَا الْعِلْمَ مِن قَبْلِهَا وَكُنَّا مُسْلِمِينَ
Falamma jaat qeela ahakathaAAarshuki qalat kaannahu huwa waooteena alAAilmamin
qabliha wakunna muslimeen
Somali
Markay Timid waxaa lagu Yidhi ma sidanaa Kursigaagu, waxayna Tidhi waxaad
Mooddaa Isagii (Wuxuuna yidhi) waxaa nala Siiyey Horteed Cilmi waxaana nahay
Muslimiin.
|
Ayah 27:43 الأية
وَصَدَّهَا مَا كَانَت تَّعْبُدُ مِن دُونِ اللهِ ۖ إِنَّهَا كَانَتْ مِن قَوْمٍ
كَافِرِينَ
Wasaddaha ma kanattaAAbudu min dooni Allahi innaha kanat minqawmin kafireen
Somali
Waxaana (Xaqa) ka Reebay Waxay Caabudaysay oo Eebe ka soo Haddhay, waxayna ka
mid ahayd Qoom Gaala ah.
|
Ayah 27:44 الأية
قِيلَ لَهَا ادْخُلِي الصَّرْحَ ۖ فَلَمَّا رَأَتْهُ حَسِبَتْهُ لُجَّةً وَكَشَفَتْ
عَن سَاقَيْهَا ۚ قَالَ إِنَّهُ صَرْحٌ مُّمَرَّدٌ مِّن قَوَارِيرَ ۗ قَالَتْ رَبِّ
إِنِّي ظَلَمْتُ نَفْسِي وَأَسْلَمْتُ مَعَ سُلَيْمَانَ لِلَّهِ رَبِّ
الْعَالَمِينَ
Qeela laha odkhulee assarhafalamma raat-hu hasibat-hu lujjatan wakashafat
AAansaqayha qala innahu sarhunmumarradun min qawareera qalat rabbi innee
thalamtunafsee waaslamtu maAAa sulaymana lillahi rabbi alAAalameen
Somali
Waxaa lagu Yidhi Gal Daarta Markay Aragtayna waxay U Malaysay Mawjad (Biya ah)
waxayna ka Faydatay Dhudhumadeeda, wuxuuna ku yidhi waa Daar Salaax Sugan oo
Quruurado ah, waxayna Tidhi Eebow anigu waxaan Dulmiyey Naftayda, waxaana u
Islaamay la Jirka Sulaymaan Ilaahay Dartiis ee Eebaha Caalamka ah.
|
Ayah 27:45 الأية
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا إِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمْ صَالِحًا أَنِ اعْبُدُوا اللهَ
فَإِذَا هُمْ فَرِيقَانِ يَخْتَصِمُونَ
Walaqad arsalna ila thamoodaakhahum salihan ani oAAbudoo Allahafa-itha hum
fareeqani yakhtasimoon
Somali
Waxaan u Dirray Ree Thammuud Walaalkood Saalax inay Eebe Caabudaan Markaasay soo
Bexeen iyagoo Labo Kooxooda oo Doodi.
|
Ayah 27:46 الأية
قَالَ يَا قَوْمِ لِمَ تَسْتَعْجِلُونَ بِالسَّيِّئَةِ قَبْلَ الْحَسَنَةِ ۖ
لَوْلَا تَسْتَغْفِرُونَ اللهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ
Qala ya qawmi limatastaAAjiloona bissayyi-ati qabla alhasanati
lawlatastaghfiroona Allaha laAAallakum turhamoon
Somali
Wuxuuna Yidhi Qoomkayow maxaad u Dedejisanaysaan Xumaan Wanaag ka Hor, Maadse
Dambi Dhaaf Warsataan Eebe inuu idiin Naxariisto.
|
Ayah 27:47 الأية
قَالُوا اطَّيَّرْنَا بِكَ وَبِمَن مَّعَكَ ۚ قَالَ طَائِرُكُمْ عِندَ اللهِ ۖ
بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ تُفْتَنُونَ
Qaloo ittayyarna bikawabiman maAAaka qala ta-irukum AAinda Allahibal antum
qawmun tuftanoon
Somali
Waxayna Dheheen waan ku Baasaysanay Adiga iyo Inta kula Jirta, wuxuuna ku Yidhi
Baaskiinnu wuxuu Jiraa Eebe Agtiisa, waxaadse Tihiin Qoom la Fidneeyey.
|
Ayah 27:48 الأية
وَكَانَ فِي الْمَدِينَةِ تِسْعَةُ رَهْطٍ يُفْسِدُونَ فِي الْأَرْضِ وَلَا
يُصْلِحُونَ
Wakana fee almadeenati tisAAatu rahtinyufsidoona fee al-ardi wala yuslihoon
Somali
Waxaana Magaalada ku Sugnaa Sagaal Qof oo Fasaadin Dhulka Hagaajinayna.
|
Ayah 27:49 الأية
قَالُوا تَقَاسَمُوا بِاللهِ لَنُبَيِّتَنَّهُ وَأَهْلَهُ ثُمَّ لَنَقُولَنَّ
لِوَلِيِّهِ مَا شَهِدْنَا مَهْلِكَ أَهْلِهِ وَإِنَّا لَصَادِقُونَ
Qaloo taqasamoo billahilanubayyitannahu waahlahu thumma lanaqoolanna liwaliyyihi
mashahidna mahlika ahlihi wa-inna lasadiqoon
Somali
Waxayna Dheheen isku Dhaarta Eebe inaan mirro isaga iyo Ehelkiisaba Markaas aan
ky Dhahno Qaraabadiisa Maanaan Joogin Meeju ku Halaagmay Ehelkiisu waxaana
Sheegaynaa Run.
|
Ayah 27:50 الأية
وَمَكَرُوا مَكْرًا وَمَكَرْنَا مَكْرًا وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
Wamakaroo makran wamakarna makranwahum la yashAAuroon
Somali
Way Dhagreen Dhagar Anana waan Abaal marinay Iyagoon Ogayn.
|
Ayah 27:51 الأية
فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ مَكْرِهِمْ أَنَّا دَمَّرْنَاهُمْ وَقَوْمَهُمْ
أَجْمَعِينَ
Fanthur kayfa kanaAAaqibatu makrihim anna dammarnahumwaqawmahum ajmaAAeen
Somali
ee Day Siday Noqotay Cidhibtii Dhagartooda Anagaa Halaagnay Iyagii iyo
Qoomkoodiiba Dhammaan.
|
Ayah 27:52 الأية
فَتِلْكَ بُيُوتُهُمْ خَاوِيَةً بِمَا ظَلَمُوا ۗ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً
لِّقَوْمٍ يَعْلَمُونَ
Fatilka buyootuhum khawiyatan bimathalamoo inna fee thalika laayatanliqawmin
yaAAlamoon
Somali
Taasina wa Guryaahoodii oo Cidla ah Dulankoodii Dartiis, Arrintaasna Calaamad
yaa ugu Sugan Qoomkii wax Ogaan.
|
Ayah 27:53 الأية
وَأَنجَيْنَا الَّذِينَ آمَنُوا وَكَانُوا يَتَّقُونَ
Waanjayna allatheena amanoowakanoo yattaqoon
Somali
Waxaana Korinay kuwii Rumeeyey oo Dhawrsanayey.
|
Ayah 27:54 الأية
وَلُوطًا إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِ أَتَأْتُونَ الْفَاحِشَةَ وَأَنتُمْ تُبْصِرُونَ
Walootan ith qalaliqawmihi ata/toona alfahishata waantum tubsiroon
Somali
(Nabi) Ludh (Xusuuso) markuu ku Yidhi Qoomkiisii ma waxaad la Imanaysaan Xumaan
Idinkoo Arko.
|
Ayah 27:55 الأية
أَئِنَّكُمْ لَتَأْتُونَ الرِّجَالَ شَهْوَةً مِّن دُونِ النِّسَاءِ ۚ بَلْ أَنتُمْ
قَوْمٌ تَجْهَلُونَ
A-innakum lata/toona arrijalashahwatan min dooni annisa-i bal antum
qawmuntajhaloon
Somali
Idinku ma Raggaad u Tagaysaan Doonid darteed Haweenka ka sokow, waxaadse Tihiin
Qoom Jaahiliina.
|
Ayah 27:56 الأية
فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِ إِلَّا أَن قَالُوا أَخْرِجُوا آلَ لُوطٍ مِّن
قَرْيَتِكُمْ ۖ إِنَّهُمْ أُنَاسٌ يَتَطَهَّرُونَ
Fama kana jawabaqawmihi illa an qaloo akhrijoo ala lootinmin qaryatikum innahum
onasun yatatahharoon
Somali
Mana Noqonin Jawaabtii Qoomkiisa waxaan ahayn ka Bixiya Luudh iyo Ehelkiisa
Magaaladiina waa Dad Isdaahirine.
|
Ayah 27:57 الأية
فَأَنجَيْنَاهُ وَأَهْلَهُ إِلَّا امْرَأَتَهُ قَدَّرْنَاهَا مِنَ الْغَابِرِينَ
Faanjaynahu waahlahu illaimraatahu qaddarnaha mina alghabireen
Somali
Waana Korinay Isagii iyo Ehelkiisii Haweenaydiisii mooyee, waxaan ku Qaddarray
(ka dhignay) kuwa Halaagsami.
|
Ayah 27:58 الأية
وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِم مَّطَرًا ۖ فَسَاءَ مَطَرُ الْمُنذَرِينَ
Waamtarna AAalayhim mataranfasaa mataru almunthareen
Somali
Waxaana ku soo Daadinay korkooda Roob (Dhagax Naara) waxaana Xumaaday Roobka
kuwa Loo Digay.
|
Ayah 27:59 الأية
قُلِ الْحَمْدُ لِلَّهِ وَسَلَامٌ عَلَىٰ عِبَادِهِ الَّذِينَ اصْطَفَىٰ ۗ آللهُ
خَيْرٌ أَمَّا يُشْرِكُونَ
Quli alhamdu lillahi wasalamunAAala AAibadihi allatheena istafaallahu khayrun
amma yushrikoon
Somali
Waxaad Dhahdaa mahad Eebaa iska leh Nabadgalyana ha Ahaato Addoomadiis uu
Doortay Korkooda, ma Eebaa Khayr roon mise waxay la Wadaajin.
|
Ayah 27:60 الأية
أَمَّنْ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ السَّمَاءِ مَاءً
فَأَنبَتْنَا بِهِ حَدَائِقَ ذَاتَ بَهْجَةٍ مَّا كَانَ لَكُمْ أَن تُنبِتُوا
شَجَرَهَا ۗ أَإِلَٰهٌ مَّعَ اللهِ ۚ بَلْ هُمْ قَوْمٌ يَعْدِلُونَ
Amman khalaqa assamawatiwal-arda waanzala lakum mina assama-imaan faanbatna bihi
hada-iqa thatabahjatin ma kana lakum an tunbitoo shajarahaa-ilahun maAAa Allahi
bal hum qawmun yaAAdiloon
Somali
Ma Eebaha Abuuray Samooyinka iyo Dhulka oo idiinka soo Dejiyey Samada Biyo oon
ku soo Bixinay Beero Qurux Badan (Miyaa Khayrroon mise waxaad Caabudaysaan) ma
kari kartaan inaad Soo bixisaan Geedkeeda, ma Ilaah kalaa jira Eebe Miciis,
waase Qoom (xaqa) ka Leexaan.
|
Ayah 27:61 الأية
أَمَّن جَعَلَ الْأَرْضَ قَرَارًا وَجَعَلَ خِلَالَهَا أَنْهَارًا وَجَعَلَ لَهَا
رَوَاسِيَ وَجَعَلَ بَيْنَ الْبَحْرَيْنِ حَاجِزًا ۗ أَإِلَٰهٌ مَّعَ اللهِ ۚ
بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ
Amman jaAAala al-arda qararanwajaAAala khilalaha anharan wajaAAala laharawasiya
wajaAAala bayna albahrayni hajizana-ilahun maAAa Allahi bal aktharuhum
layaAAlamoon
Somali
Mise (waxaa Khayr roon) Eebaha ka Yeelay Dhulka Sugnaan, oo U yeelay wabiyo,
buuro oo u Yeelay Badaha Dhexdooda Soohdin, ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa,
Badankooduse wax ma Oga.
|
Ayah 27:62 الأية
أَمَّن يُجِيبُ الْمُضْطَرَّ إِذَا دَعَاهُ وَيَكْشِفُ السُّوءَ وَيَجْعَلُكُمْ
خُلَفَاءَ الْأَرْضِ ۗ أَإِلَٰهٌ مَّعَ اللهِ ۚ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ
Amman yujeebu almudtarra ithadaAAahu wayakshifu assoo-a wayajAAalukum
khulafaaal-ardi a-ilahun maAAa Allahi qaleelan matathakkaroon
Somali
Mise Eebaha Aqbala ka Dhibban markuu Baryo oo Fayda Xumaanta (Dhibka) idinkana
Yeeli kuwa Dhulka u Hadhi (Iska Baddala), ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa,
Yaraa Intaad wax Xusuusanaysaan.
|
Ayah 27:63 الأية
أَمَّن يَهْدِيكُمْ فِي ظُلُمَاتِ الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَمَن يُرْسِلُ الرِّيَاحَ
بُشْرًا بَيْنَ يَدَيْ رَحْمَتِهِ ۗ أَإِلَٰهٌ مَّعَ اللهِ ۚ تَعَالَى اللهُ
عَمَّا يُشْرِكُونَ
Amman yahdeekum fee thulumatialbarri walbahri waman yursilu arriyahabushran
bayna yaday rahmatihi a-ilahun maAAa AllahitaAAala Allahu AAamma yushrikoon
Somali
Mise Eebaha idin Toosiya Mugdiyada Barriga (Dhulka) iyo Badda Dhexdeeda, oo ah
kan Dira Dabaylaha oo Bishaarayn Naxariista Eebe (Roobka) hortiisa, ma Ilaah
kalaa Jira Eebe Miciisa, Eebaa ka Sarreeya waxay la Wadaajin.
|
Ayah 27:64 الأية
أَمَّن يَبْدَأُ الْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُ وَمَن يَرْزُقُكُم مِّنَ السَّمَاءِ
وَالْأَرْضِ ۗ أَإِلَٰهٌ مَّعَ اللهِ ۚ قُلْ هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ إِن كُنتُمْ
صَادِقِينَ
Amman yabdao alkhalqa thumma yuAAeeduhuwaman yarzuqukum mina assama-i
wal-ardia-ilahun maAAa Allahi qul hatoo burhanakumin kuntum sadiqeen
Somali
Mise Eebaha Billaaba Khalqiga (Abuurkiisa) Haddana soo Celin oo ah kan Idinka
Arzaaqa Samada iyo Dhulkaba, ma Ilaah (kalaa) Jira Eebe Miciisa, waxaad Dhahdaa
Keena Xujadiinna Haddaad Run Sheegaysaan.
|
Ayah 27:65 الأية
قُل لَّا يَعْلَمُ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ الْغَيْبَ إِلَّا اللهُ ۚ
وَمَا يَشْعُرُونَ أَيَّانَ يُبْعَثُونَ
Qul la yaAAlamu man fee assamawatiwal-ardi alghayba illa Allahu wamayashAAuroona
ayyana yubAAathoon
Somali
Waxaad Dhahdaa ma Oga waxa Samooyinka iyo Dhulka ku Sugan waxa Maqan Eebe
mooyee, mana Oga Goorta la Soo Bixin.
|
Ayah 27:66 الأية
بَلِ ادَّارَكَ عِلْمُهُمْ فِي الْآخِرَةِ ۚ بَلْ هُمْ فِي شَكٍّ مِّنْهَا ۖ بَلْ
هُم مِّنْهَا عَمُونَ
Bali iddaraka AAilmuhum fee al-akhiratibal hum fee shakkin minha bal hum minha
AAamoon
Somali
Wuxuuse Gaadhay Cilmigoodi Aakhiro (Buuxsami) waxayse kaga Suganyihiin Xageeda
Shaki, wayna ka Indho La'yihiin Xaggeeda.
|
Ayah 27:67 الأية
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَإِذَا كُنَّا تُرَابًا وَآبَاؤُنَا أَئِنَّا
لَمُخْرَجُونَ
Waqala allatheena kafaroo a-ithakunna turaban waabaona a-innalamukhrajoon
Somali
Waxay Dheheen kuwii Gaaloobay Markaan Noqonno Carro Anaga iyo Aabayaalkanno
miyaa nala soo Bixin.
|
Ayah 27:68 الأية
لَقَدْ وُعِدْنَا هَٰذَا نَحْنُ وَآبَاؤُنَا مِن قَبْلُ إِنْ هَٰذَا إِلَّا
أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ
Laqad wuAAidna hatha nahnuwaabaona min qablu in hatha illaasateeru al-awwaleen
Somali
Waa Naloo Yaboohay Kan (soo Bixinta) Anaga iyo Aabayaalkanno mar hore, kanna ma
aha waxaan Warkii Dadkii hore ahayn.
|
Ayah 27:69 الأية
قُلْ سِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَانظُرُوا كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُجْرِمِينَ
Qul seeroo fee al-ardi fanthurookayfa kana AAaqibatu almujrimeen
Somali
Waxaad Dhahdaa ku Socda Dhulka oo Daya siday Noqotay Cidhibtii Dambiilayaasha.
|
Ayah 27:70 الأية
وَلَا تَحْزَنْ عَلَيْهِمْ وَلَا تَكُن فِي ضَيْقٍ مِّمَّا يَمْكُرُونَ
Wala tahzan AAalayhim walatakun fee dayqin mimma yamkuroon
Somali
Hana u Murgin Korkooda, hana ka Cidhiidhyamin waxay Dhagri.
|
Ayah 27:71 الأية
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا الْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ
Wayaqooloona mata hathaalwaAAdu in kuntum sadiqeen
Somali
Waxayna Odhan waa Goorma Yaboohaasi Haddaad Run sheegaysaan.
|
Ayah 27:72 الأية
قُلْ عَسَىٰ أَن يَكُونَ رَدِفَ لَكُم بَعْضُ الَّذِي تَسْتَعْجِلُونَ
Qul AAasa an yakoona radifa lakumbaAAdu allathee tastaAAjiloon
Somali
Waxaad Dhahdaa waxaa Suurowda inay Dhawdahay waxaad Dedejisanaysaan Qaarkeed.
|
Ayah 27:73 الأية
وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو فَضْلٍ عَلَى النَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا
يَشْكُرُونَ
Wa-inna rabbaka lathoo fadlinAAala annasi walakinna aktharahum layashkuroon
Somali
Eebahaana waa Fadli Siiyaha Dadka, Laakiin Badankoodu kuma Mahdiyaan.
|
Ayah 27:74 الأية
وَإِنَّ رَبَّكَ لَيَعْلَمُ مَا تُكِنُّ صُدُورُهُمْ وَمَا يُعْلِنُونَ
Wa-inna rabbaka layaAAlamu ma tukinnusudooruhum wama yuAAlinoon
Somali
Eebahaana wuxuu Ogyahay Waxay Qarin Laabahoodu iyo waxay Muuiin.
|
Ayah 27:75 الأية
وَمَا مِنْ غَائِبَةٍ فِي السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ إِلَّا فِي كِتَابٍ مُّبِينٍ
Wama min gha-ibatin fee assama-iwal-ardi illa fee kitabin mubeen
Somali
Waxa ku Maqan Samada iyo Dhulkana waxay ku Suganyihiin Kitaab Cad.
|
Ayah 27:76 الأية
إِنَّ هَٰذَا الْقُرْآنَ يَقُصُّ عَلَىٰ بَنِي إِسْرَائِيلَ أَكْثَرَ الَّذِي هُمْ
فِيهِ يَخْتَلِفُونَ
Inna hatha alqur-ana yaqussuAAala banee isra-eela akthara allathee humfeehi
yakhtalifoon
Somali
Quraankanna wuxuu ka Qisoon (Warrami) Banii Israa'iil wixii Badnaa ay isku
Khilaafeen.
|
Ayah 27:77 الأية
وَإِنَّهُ لَهُدًى وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ
Wa-innahu lahudan warahmatunlilmu/mineen
Somali
Quraankuna waa Hanuun iyo Naxariista Mu'miniinta.
|
Ayah 27:78 الأية
إِنَّ رَبَّكَ يَقْضِي بَيْنَهُم بِحُكْمِهِ ۚ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْعَلِيمُ
Inna rabbaka yaqdee baynahum bihukmihiwahuwa alAAazeezu alAAaleem
Somali
Eebahaana wuxuu ku kala Xukumi Dhexdooda Xukunkiisa waa Adkaade Og.
|
Ayah 27:79 الأية
فَتَوَكَّلْ عَلَى اللهِ ۖ إِنَّكَ عَلَى الْحَقِّ الْمُبِينِ
Fatawakkal AAala Allahi innakaAAala alhaqqi almubeen
Somali
ee Talo Saaro Eebe Adugu waxaad ku Sugantahay Xaq Cade.
|
Ayah 27:80 الأية
إِنَّكَ لَا تُسْمِعُ الْمَوْتَىٰ وَلَا تُسْمِعُ الصُّمَّ الدُّعَاءَ إِذَا
وَلَّوْا مُدْبِرِينَ
Innaka la tusmiAAu almawta walatusmiAAu assumma adduAAaa ithawallaw mudbireen
Somali
Adugu wax ma Maqashiisid kuwa Dhintay mana Maqashiisid Dhagoolaha Dhawaaq markay
Jeedsadaan iyagoo sii Socda.
|
Ayah 27:81 الأية
وَمَا أَنتَ بِهَادِي الْعُمْيِ عَن ضَلَالَتِهِمْ ۖ إِن تُسْمِعُ إِلَّا مَن
يُؤْمِنُ بِآيَاتِنَا فَهُم مُّسْلِمُونَ
Wama anta bihadee alAAumyiAAan dalalatihim in tusmiAAu illa manyu/minu
bi-ayatina fahum muslimoon
Somali
Mana Tihid mid ka Toosin kara Indhoolaha Baadidiisa, waxna ma maqashiin kartid
Ruux Rumeeyey Aayaadkanaga oo Muslima mooyee.
|
Ayah 27:82 الأية
وَإِذَا وَقَعَ الْقَوْلُ عَلَيْهِمْ أَخْرَجْنَا لَهُمْ دَابَّةً مِّنَ الْأَرْضِ
تُكَلِّمُهُمْ أَنَّ النَّاسَ كَانُوا بِآيَاتِنَا لَا يُوقِنُونَ
Wa-itha waqaAAa alqawlu AAalayhimakhrajna lahum dabbatan mina
al-arditukallimuhum anna annasa kanoo bi-ayatinala yooqinoon
Somali
Markuu ku Dhaco Korkooda Qawlkii (Ciqaabtii) waxaan u soo Bixinnaa Daabbaddii
Dhulka oo la Hadli Dadkuna waxay ahaayeen kuwaan Yaqiinsanayn Aayaadkanaga.
|
Ayah 27:83 الأية
وَيَوْمَ نَحْشُرُ مِن كُلِّ أُمَّةٍ فَوْجًا مِّمَّن يُكَذِّبُ بِآيَاتِنَا فَهُمْ
يُوزَعُونَ
Wayawma nahshuru min kulli ommatinfawjan mimman yukaththibu bi-ayatinafahum
yoozaAAoon
Somali
Xusuuso Maalintaan ka soo Kulminayno Ummad kasta Koox ka mid ah kuwii Beeniyey
Aayadkanaga iyagoo is Cidhiidhyi.
|
Ayah 27:84 الأية
حَتَّىٰ إِذَا جَاءُوا قَالَ أَكَذَّبْتُم بِآيَاتِي وَلَمْ تُحِيطُوا بِهَا
عِلْمًا أَمَّاذَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Hatta itha jaooqala akaththabtum bi-ayatee walam tuheetoobiha AAilman ammatha
kuntum taAAmaloon
Somali
Markay Yimaaddaana wuxuu ku Dhahaa Miyaad Beeniseen Aayaadkaygii idinkoon koobin
Ogaansho, Maxaadse Fali Jirteen.
|
Ayah 27:85 الأية
وَوَقَعَ الْقَوْلُ عَلَيْهِم بِمَا ظَلَمُوا فَهُمْ لَا يَنطِقُونَ
WawaqaAAa alqawlu AAalayhim bima thalamoofahum la yantiqoon
Somali
Waxaa ku Dhacey Qawlkii (Ciqaabtii) Dulmigooda Dartiis mana Hadlayaan.
|
Ayah 27:86 الأية
أَلَمْ يَرَوْا أَنَّا جَعَلْنَا اللَّيْلَ لِيَسْكُنُوا فِيهِ وَالنَّهَارَ
مُبْصِرًا ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
Alam yaraw anna jaAAalnaallayla liyaskunoo feehi wannahara mubsiraninna fee
thalika laayatin liqawmin yu/minoon
Somali
Miyeyna Arkayn inaan uga Yeellay Habeenka inay ku Xasilaan, Maalintana Arag,
Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan Ciddi Rumayn (Xaqa).
|
Ayah 27:87 الأية
وَيَوْمَ يُنفَخُ فِي الصُّورِ فَفَزِعَ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَمَن فِي الْأَرْضِ
إِلَّا مَن شَاءَ اللهُ ۚ وَكُلٌّ أَتَوْهُ دَاخِرِينَ
Wayawma yunfakhu fee assoorifafaziAAa man fee assamawati waman feeal-ardi illa
man shaa Allahu wakullunatawhu dakhireen
Somali
Xusuuso Maalinta la Afuufi Suurka oos Argagixi waxa ku Sugan Samooyinka iyo
Dhulka Cidduu Eebe Doono Mooyee, Dhammaanna way u Imaan Eebe Iyagoo Dullaysan.
|
Ayah 27:88 الأية
وَتَرَى الْجِبَالَ تَحْسَبُهَا جَامِدَةً وَهِيَ تَمُرُّ مَرَّ السَّحَابِ ۚ
صُنْعَ اللهِ الَّذِي أَتْقَنَ كُلَّ شَيْءٍ ۚ إِنَّهُ خَبِيرٌ بِمَا تَفْعَلُونَ
Watara aljibala tahsabuhajamidatan wahiya tamurru marra assahabi sunAAaAllahi
allathee atqana kulla shay-in innahukhabeerun bima tafAAaloon
Somali
Waxaadna Arkaysaa Buurihii ood u Malayn inay ingagantahay (Sugantahay) iyadoo u
Socoto sida Daruuraha, waase Sancada Eebaha Sugay wax kasta, Eebana waa Ogaha
waxaad Falayasaaan.
|
Ayah 27:89 الأية
مَن جَاءَ بِالْحَسَنَةِ فَلَهُ خَيْرٌ مِّنْهَا وَهُم مِّن فَزَعٍ يَوْمَئِذٍ
آمِنُونَ
Man jaa bilhasanatifalahu khayrun minha wahum min fazaAAin yawma-ithinaminoon
Somali
Ciddii la Timaadda Wanaag wuxuu Mudan wax ka Khayr roon Argaxa Maalintaasna
Iyagu way Aamin Noqon.
|
Ayah 27:90 الأية
وَمَن جَاءَ بِالسَّيِّئَةِ فَكُبَّتْ وُجُوهُهُمْ فِي النَّارِ هَلْ تُجْزَوْنَ
إِلَّا مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Waman jaa bissayyi-atifakubbat wujoohuhum fee annari hal tujzawna illama kuntum
taAAmaloon
Somali
Ciddiise la Timaadda Xumaan waxaa Loogu Tuuri Wajiga Naarta, miyaa Laydinka
Abaal Mariya waxaad Falayseen Mooyee.
|
Ayah 27:91 الأية
إِنَّمَا أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ رَبَّ هَٰذِهِ الْبَلْدَةِ الَّذِي حَرَّمَهَا
وَلَهُ كُلُّ شَيْءٍ ۖ وَأُمِرْتُ أَنْ أَكُونَ مِنَ الْمُسْلِمِينَ
Innama omirtu an aAAbuda rabba hathihialbaldati allathee harramaha walahu
kullushay-in waomirtu an akoona mina almuslimeen
Somali
Waxaa uun Lay Faray inaan Caabudo Eebaha Baladkan (Maka) ee ah kan Xarrimay oo
wax kastana iska leh, waxaana lay Faray inaan ahaado Muslimiinta.
|
Ayah 27:92 الأية
وَأَنْ أَتْلُوَ الْقُرْآنَ ۖ فَمَنِ اهْتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهْتَدِي لِنَفْسِهِ ۖ
وَمَن ضَلَّ فَقُلْ إِنَّمَا أَنَا مِنَ الْمُنذِرِينَ
Waan atluwa alqur-ana famani ihtadafa-innama yahtadee linafsihi waman dalla
faqulinnama ana mina almunthireen
Somali
iyo Inaan Akhriyo Quraanka Ruuxiise Hanuuna wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa,
Ruuxiise Dhuma waxaad dhahdaa Anugu waxaan uun ahay kuwa Diga.
|
Ayah 27:93 الأية
وَقُلِ الْحَمْدُ لِلَّهِ سَيُرِيكُمْ آيَاتِهِ فَتَعْرِفُونَهَا ۚ وَمَا رَبُّكَ
بِغَافِلٍ عَمَّا تَعْمَلُونَ
Waquli alhamdu lillahisayureekum ayatihi fataAArifoonaha wamarabbuka bighafilin
AAamma taAAmaloon
Somali
Waxaadna dhahdaa Mahad Eebaa iska leh wuxuu idin tusin Aayaadkiisa oo
Aqoonsanaysaan, mana aha Eebaha mid Halmaansan waxaad Falaysaan.
|
©
EsinIslam.Com Designed & produced by The Awqaf London. Please pray for us
|