Eebe waa kan bixiyey kuwii gaaloobay ee ahlu Kitaabka ahaa «Yuhuud» Guryahoodii
kulmintii hore, idinkoon u malaynin inay bixi iyana waxay u maleeyeen in
Guryahoodu wax ka celin, markaasaa Eebe uga yimid meel ayan filayn, qalbigoodana
wuxuu ku tuuray cabsi, guryahooda waxay ku kharribeen (ku halleeyeen) gacmahooda
iyo gacmaha kuwa rumeeyey, ee dadka Caqliga leh ha waano qaato.
Wixii Xoola aha ee Ilaahay ku soo celiyo ee uga yimaadda Degmooyinka Yuhuudda
Rasuulkiisa; waxaa leh Ilaahay, Rasuulka, Qaraabada, Agoonta, Masaakiinta iyo
Musaafiriinta «socdaalka» si ayan u noqon wax ku wareegaysta kuwa Hodanka ah
dhexdooda wuxuu Rasuulku dadka siiyo ama faro waa inay qaataan, wuxuu ka reebana
waa inay ka reebmaan, Eebana waa in laga dhawrsado, maxaa yeelay Ciqaabtiisu waa
darantahay.
Waxaa Xoolahaas wax ku leh kuwa Saboolka ah ee ka soo hijrooday guryahoodii iyo
Xoolahoodii dar Eebe iyo gargaarka Ilaahay iyo Rasuulkiisa, waana kuwa ku run
sheegay iimaankooda.
Kuwii Madiino deganaa ee Xaqa rumeeyey waxay jecel yihiin dadka u soo hijroon (u
soo qixi) wax necbaansho ahna Laabta uma geliyaan dadkaas waxay siin, waxayna
Naftooda ka hormariyaan (ay uga doori) dadkaas inkastaba iyagu gaajo hahaysee,
ruuxii laga dhawro bakhaylnimada Naftiisa waa mid Liibaanay.
Haddii la bixiyo Yuhuudda lama baxaayaan haddii lala dagaallamana uma
gargaarayaan hadday isku dayaan inay u gargaaraanna way carari loomana
gargaarayo.
Waxay la midyihiin Shaydaan waa ka dadka gaalow ku dhaha, markay gaaloobaanna ku
yidhaah bari baan kaa ahay (waxba isuguma keen jiraan) oo sheega inuu Ilaahay ka
yaabi.