Kuwa xaqa rumeeyey waa inay ku daydaan Nabi Ibraahim iyo kuwii la jiray waa
kuwii iska bari yeelay Gaaladii Qoonkoodii ahayd (ay isla noolayeen) iyo waxay
Caabudayeen ee Eebe ka soo hadhay oy Colnimo u muujiyeen ilaa ay Eebe kaliya ka
rumeeyaan, laakiin Nabi Ibraahim wuxuu u dambi dhaaf weydiiyey Aabihiis, isagoon
waxba u hanankarin (intaan laga reebin Arrintaas). Eebe yeynnu talo saaran,
isagaan u toobad keenaynaa, isagaana loo noqon (Aakhiro).
Eebe kama reebayo kuwa xaqa rumeeyey inay u samo iyo Caddaalad falaan kuwa aan
Diinta kula dagaallamin Guryahoodana ka bixinin, maxaa yeelay Eebe waa jecel
yahay kuwa Caadiliinta ah (Garsoor).
Eebe wuxuu ka reebi kuwa xaqa rumeeyey inay ka sokeeye yeeshaan oo xidhiidhiyaan
kuwa Diinta kula dagaallamay ee Guryahoodii ka bixiyey gacanna ku siiyey in
guryaha laga bixiyo, dadkii kuwaas cokeeye ka dhigtaa wa kuwa daalimiin ah.
Kuwa xaqa rumeeyow hadday idiin yimaaddaan Haween Mu'miniin ah oo Gaalada ka soo
Hijrooday (ka soo tegay) Imtixaana (inay ka dhabtahay iyo in kale) Eebaa og
Iimaankooda, haddaad ogaataan inay xaqa (dhabnimo) u rumeeyeen waa inaydaan
Gaalada u celinin, maxaa yeelay Xalaal isuma aha Meherkiina ha u celiyeen
Gaalada, inaad isguursataanna waxba kuma jiro haddaad Meher siinaysaan, Haweenka
Gaalooba Nikaax isuguma kiin xirna ee ha haysanina, weydiista waxaad Meher u
bixiseen Gaaladuna ha weydiisato waxay Meher u bixiyeen, xaaladaasina waa
xukunka Eebe uu dhexdiina xukumay, Ilaahayna waa ogyahay (waxa la Camal falo)
waana Falsame.
Hadday u tagaan kuwa Haweenkiina ka mid ah Gaalada (Gaaloobaan) markaas ka dib
la qaniimaysto hala siiyo kuwii Haweenkoodu tageen waxay ku masruufeen oo kale,
Ilaaha aad rumaysantihiinna ka dhawrsada.