marka lagu dhaho rumeeya sida Dadku u rumeeyey waxay dhihi mawaxaannu u rumayn
sida sufahada (Caqli gaabka), waxaase sufaha ah iyaga uun laakiin ma oga.
markay la kulmaan kuwa ru-meeyey (Xaqa) waxay dhihi waan rumaynay, markay la
kaliyoobaan shaydaamiidana waxay dhahaan annagu waan idinla Jirraa, ee waxaan
ahayn uun kuwa ku jees jeesa (Mu'miniinta).
wuxuu u dhawyahay hillaacu (xaqu) inuu dafo aragooda, markastoos u Ifo way ku
socdaan, markuu ku mugdiyoobana way istaagaan, hadduu Eebe doonana wuxuu la
tagaa Maqalkooda iyo Aragooda Eebana wax walba waa karaa (oos doonoo).
Eebaha Dhulka idiin ka yeelay Gogol, Samadana dhismo, idiinkanasoo dajiyey
Samada Biyo, kuna soo bixiyey Midho si laydiinku arzuqo ee hayeelina Eebe kuwa
la mid ah idiinkoo og.
haddaad shakisantihiin waxaan ku dejinay addoonkanaga (Nabiga) keena Suurad la
mid ah, una yeedha markhaatiyadin (kaalmeeyayaashiinna) ee Eebe ka soo hadhay
haddaad runlowtihiin.
Eebe kama xishoodo (reebtoonaado) inuu tusaale u yeelo kaneeco iyo
waxkasareeyaba, kuwa (xaqa) ru-meeyeyse waxay ogyihiin inuu xaqyahay (Quraanku)
kana yimid xagga Eebahood kuwa gaaloobayse waxay dhihi muxuu Eebe ula
jeedaatusaalahan, wuxuu ku dhumin Eebe in badan wuxuuna ku hanuunin in badan
waxaan faasiqiin ahayna kuma dhumiyo.
Waxaana ka fogeeyey xagooda Jannada shaydaan wuxuuna ka bixiyey waxay ku
sugnaayeen, waxaana ku nidhi ka hoobta Jannada, qaarkiinna dhulka idiinku
sugnaaday meel aad ku nagaataan iyo raaxo tan iyo waqti.
Xusa markuu (Nabi) Muuse u roobdoonay qoonkiisa markaasaan ku nidhi ku garaac
ushaada Dhagaxa, waxaana ka dilaacay xaggeeda Labo iyo toban ilood, wunna
ogaaday ruuxkasto (Koox kasta) meeshay ka cabbilahayd, waxaan ku nidhi ka cuna
oo ka cabba rizqiga Eebe Dhulkana fasaad ha ku xumeynina.
markaasay ingagtay Quluubtiinu intaas ka dib, waxayna la mid tahay Dhagax, ama
waa ka darantahay ingeega, Dhagaxyada waxaa ka mid ah kuway ka burqadaan
wabiyaal, waxaana ka mid ah kuwo dildillaaca oo ka soo.
markay la kulmaan kuwii rumeeye (xaqana) waxay dhahaan waan rumaynay, markuu
qaarkood qaarka kale la kaliyoobana waxay dhahaan ma waxaad uga sheekaynaysaan
(u qireeysaan) Mu'miniinta, waxa Eebe idiinfaray (oo xaqnimada NabigaMuxamed ah)
si ay idiinkula doodaan Eebe agtiisa miyaydaan waxkasayn.
markuu uga yimid Yuhuud Kitaab xagga Eebe isagoo rumeyn waxa agtooda ah
(Tawreed) horayna u ahaayeen kuwa ku gargaarsada kuwii gaaloobay, markuu yimid
waxay garanayeen way ka gaaloobeen Nabiga, naclad korkooda ha ahaato, gaaladee.
waxaa u xun waxay ku gataan Naftooda inay ka gaaloobeen xaqa Eebe soo dajiyey
xasad dartiis, ku soo dajinta Eebe fadligiisa ciduu doono, oo adoomadiisa ka mid
ah, waxayna la noqdeen Cadho Cadho kale lagu kordhiyey, gaalana waxaa u
sugnaaday cadaab wax dulleeya.
mise waxaad dooneeysaan inaad wax warsataan Rasuulkkiinna sidii loo warsaday
(Nabi) Muuse mar hore ruuxii ku bedasha Gaalnimo limaan wuxuu ka dhumay Jidka
toosan.
l cidna kama dulmi badna ruux reebay (diiday) in masaajidda Eebe dhexdiisa lagu
xuso Magaeiisa, una eamal fala say u kharaahi Iahayd (Masaa-Jiddu ) kuwaas
(Gaalada ah) Xaq uma leh inay galaan Masaajidda iyagoo eabsan mooyee, Adduunka
waxay ku mudan dulli Aakhirana Cadaab Wayn.
waxay dhaheen Gaaladii wuxuu yeeshay Eebo Ilmo, waana ka nasahanyahay, saas ma
aha ee waxaa u sugnaaday Eebe waxa ku jira Samada iyo Dhulka, dhamaanna Eebay u
hogaansamaan.