wuxuu ku soo dejiyaa Malaa'igta waxyi oo amarkiisa ka mida cidduu doono oo
addoomadiisa ka mida oo ah ugu diga inaan Ilaahay mooyee Eebe kale jirin ee ani
uun iga dhawrsada.
Waxaa lagu Dhahaa kuwa dhawrsaday muxuu soo Dejiyay Eebihiin Waxayna dhahaan
Khayr, Kuwa Sama falay adduunyadana waxay mudan wanaag Daarta aakhiraana u
Khayrroon waxaana wanaag Badan daarta mutaqinta (Kuwa dhawrsaday).
Gaaladuse miyay sugi inay u timaado Malaa'igtu mooyee ama u yimaado Amarka
Eebahaa, Saasayna Faleen kuwii ka horeeyay, Mana Dulmiyin Eebe iyagaase dulmiyay
Naftooda.
Waxay dhahaan kuwii Eebe la wadaajiyay (Cibaadada) Haduu doono Eebe maanaan
caabudneen cid ka Soo Hadhay waxba annaga iyo aabayaalkanno mana Xarrimneen
isaga ka sokow waxba, Saasayna faleen Kuwii ka horeeyay ee Rasuullada ma saaran
yahay Waxaan gaadhsiin cad ahayn.
Waxaan ka bixinay Umad kasta Rasuul inay caabudaan Eebe kana dheeraadaan
Dhaaquutka (Cibaadada Eebe ka sokow), Waxaana ka mida dadka Cid Eebe Hanuuniyay,
Waxaana ka Mida ciday ku sugnaatay Baadinimo, Ee socda dhulka oo Eega siday
Noqotay Cidhibtii Beeniyayaasha.
Eebe waxaa u sugnaaday waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan, waxaana u sugnaaday
Diin (Cibaado) Joogta ah, ee nia Eebe cidaan ahayn yaad ka dhawrsanaysaan.
Waxayna u yeelaan Eebe waxay Nacayaan, waxayna tilmaami carrabyadoodu Been inuu
wanaag u sugnaaday, waxaa sugan in Naar uun u sugnaatay, oo loo hormarin (Luguna
dhaafi).
Eebe wuu ka fadilay Qaarkiin qaar Risqiga, mana aha kuwa la fadilay kuwii ku
celiya Risqigooda waxay gacantoodu hanato oy isku mid ku noqdaan ee Ma Nicmada
Eebaad diidaysaan.
Eebe wuxuu ka yeelay tusaale Addoon la leeyahay oon Waxba karin iyo Ruux aannu
ku Arzaaqnay rizqi fiican oo u bixin qarsoodi iyo muuqaalba, Ma isku midbaa,
Mahad Eebaa iska leh, Badankooduse wax ma oga.
Waxaa (kale) oo Eebe tusaale ka yeelay laba Nin oo midkood Af la'yahay (Mahadle)
waxna karin dhibna ku ah (Culays) Ilaaliyihiisa meel Kastoos ujeediyana aan
wanaag ka imanaynin Ma Egyihiin isaga iyo ruux fari Caddaalada Jid toosanna ku
sugan.